Haddii aad leedahay hoos u dhac awoodda laxaadka ah
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 19/12-2024
Dadka oo dhan xuquuq isku mid ah ayay u leeyihiin in ay ka qaybqaataan dhinaca bulshada, iyada oo aan loo eegin awoodda laxaadka. Adiga oo ah qof leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah waxaad heli kartaa taageero noocyo kala duwan ah si aad u awooddo inaad shaqayso una dabari karto nolosha maalinlaha ah. Nooca taageero ee aad adigu heli karto waxay ku xirantahay hoos u dhaca awoodda laxaadka ee adigu aad leedahay iyo baahidaada. Waxaad u baahan tahay inaad taageero ka codsato hay’adaha dawladeed ee kala duwan.

Waxaad taageerooyin kala duwan ka codsan kartaa degmadaada
Si aad ugu noolaato nolol madax banaan intii suurtagal ah, adigaaga leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah waxaad taageero ka codsan kartaa degmadaada. Degmadaadu waa in ay kugu casuunto taageero waafaqsan sharciga taageerada iyo adeega ee ku aadan qaar ka mid ah dadka leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah (LSS). Tusaale ahaan, waxaad codsan kartaa
- guri ku habboon baahiyahaaga
- kalkaaliye shakhsiyan ah, haddii aad u baahantahay caawin dhanka cunista, dhar xirashada ama dabarka nadaafadda jir ahaan
- caawinta qof kuu wehelyeela si aad uga qaybqaadan karto hawlaha wakhti firaaqaha ama u booqato qaraabadda iyo saaxiibadda
- hawlgallada maalinlaha ah, haddii aadan awoodin inaad shaqeyso.
Nooca taageero ee aad adigu heli karto waxay ku xirantahay hoos u dhaca awoodda laxaadka iyo baahiyahaaga. La xidhiidh degmadaada si aad u ogaato sida loo codsado taageero waafaqsana sharciga LSS.
Alaabta caawinta dhaq-dhaqaaqa oo sax ah iyo tababar dhanka noloshaada maalinlaha ah
Rugtaada caafimaadka ayaa kaa caawin karta in la diyaariyo alaabta caawinta dhaq-dhaqaaqa ee gaarka ah si aad u dabari karto nolosha maalinlaha ah, tusaale ahaan aaladda maqalka ama kursiga dadka aan socon karin. Waxa kale oo aad ka qayb qaadan kartaa tababar ku habboon baahiyahaaga.
La xidhiidh rugtaada caafimaadka oo u sheeg in aad leedahay hoos u dhac awoodda laxaadka ah, markaas ayaad ogaanaysaa nooca taageero ee aad heli karto.
Hel caawin in aad hesho shaqo kugu haboon
Qofka leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah wuxuu heli karaa taageero noocyo kala duwan ah si uu u awoodo shaqo ama helitaanka shaqo kugu haboon. Tusaale ahaan, waxaad caawin ka heli kartaa
- takhasusle, haddii ay kugu adagtahay aragga, maqalka ama hadalka
- qofka kaa caawiya in aad raadiso shaqo, tusaale ahaan qorista codsi shaqo
- qof kugu soo dhaweeya goobta shaqada oo kaa taageera waajibaadkaaga shaqo.
U sheeg Xafiiska Shaqada in aad leedahay hoos u dhac awoodda laxaadka ah si aad u hesho taageero sax ah.
Ka codso gunno Qasnadda Caymiska
Waxa aad codsan kartaa gunooyinka dhaqaale ee kala duwan ee ah waxyaabaha aad u baahantahay si aad u dabarto noloshaada maalinlaha ah. Waxa kale oo jirta gunno aad codsan karto haddii aanad shaqayn karin iyada oo ay sabab u tahay hoos u dhacaaga awoodda laxaadka.
Waxaad gunnooyinkaas ka dalbanaysaa Qasnadda Caymiska. La xidhiidh Qasnadda Caymiska si aad u ogaato noocha gunooyinka ee aad adigu heli karto.
Akhri dheeraad ku saabsan xuquuqdaada
Hay’adda dawladda ee ka qaybqaadashada (MFD) waxay soo saartay buug yar oo ah warbixin ku socota adigaaga ku cusub Iswiidhan ee leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah.
Sharraxaadda kalmado iyo erayo
Hoos u dhac awoodda laxaadka ah
Qofka leh hoos u dhac awoodda ah waa qof leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah oo u baahan kara taageero si looga qaybqaato gudaha bulshada si la mid ah dadka kale. Adiga leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah waxaa dhici karta in aad ku dhalatay ama ay kugu timi xilli dambe oo noloshaada ah. Hoos u dhac awoodda laxaadka ah waxay ahaan kartaa
- jir ahaan, haddii, tusaale ahaan ay kugu adag tahay dhaq-dhaqaaqa, aragga ama maqalka
- nafsiyan, tusaale ahaan haddii aad qabto jirro dhimirka ah
- caqliyan, haddii tusaale ahaan aad u baahan tahay wakhti dheeraad ah si wax u fahamto ama u barato waxyaabo cusub
- garashada, haddii, tusaale ahaan, aad u baahan tahay taageero si aad u raacdo tilmaamaha ama u qorsheyso wakhtigaaga.
Waxa kale oo jira hoos u dhac awoodyo laxaad oo kale oo aan ahayn kuwa kor lagu soo sheegay.
Hawlgallada maalinlaha ah
Hawlgallada maalinlaha ah waa hawlo loogu talogalay adigaaga leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah ee aan shaqayn. Hawlahaas waxaad kaga qaybqaadanaysaa goob shaqo ama xarun maalintii la tago. Waxa kale oo ay noqon kartaa tababar shaqo.