Hagida loogu talogalay adigaaga haysta waxbarasho dalka dibediisa ah

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 21/2-2024

Hagidan waxaad ka akhrin kartaa waxa ay tahay inaad samayso haddii aad haysato waxbarasho dalka dibediisa ah.

Adiga oo dal shisheeya wax ka soo bartay, maxaa ku khuseeya?

Marka aad raadinayso shaqo, jaamicad ama jaamacicad sare ama waxbarashooyinka dhammaystirka ah waxay tani u sahlaysaa adiga,shaqo-bixiyaha iyo diyaariyaha waxbarashadan haddii aad heshay in la qiimeeyay waxbarashadaada dalka dibediisa.

Waxa loo baahanyey in la turjumo shahaadooyinka haddii aanay ahayn iswiidhish, ingiriisi, faransiis, isbaanish ama jarmal ama mid ka mid ah luqadaha dalalka waqooyinga Yurub.

Haddii aanad haysan dukumentiga waxbarashadaada ka dib dugsiga sare oo dhan ama qaybo ka mid ah waxaad codsi u gudbin kartaa Guddida jaamicadaha iyo jaamicadaha sare. Markaasi waxaa dhici karta inaad hesho sharaxaada aasaaskaaga waxbarasho taas oo baddel u ah warbixinta guud ee waxbarashadaada.

Sharaxaadan waxaad u isticmaali kartaa si gun dhig ah marka aad codsanayso shaqo ama sii wadida waxbarasho.

Haddii shahaadooyinkaaga iyo dibloomyadaaadu ku qoranyihiin luqad kale oo aan ahayn Iswiidhish, afafka kale ee waqooyiga yurub, Af ingiriisi, Af Jarmal, Af fransiis ama Af isbaanish, waxad u baahan kartaa in aad turjunto.

Waxay tusaale ahaan noqon kartaa in shaqo-bixiyahaagu rabo inuu fahmo bal haddii shahaadooyinkaagu quseeyaan shaqada aad dalbatay. Waxa kale oo ay noqon kartaa in aad dalbanayso waxbarasho kulliyadeed ama jaamacadeed ama haddii aad dalbanayso waxbarasho dhammaystir ah.

Haddii aad ka diiwaangashantahay xafiiska shaqada, waxad heli kartaa caawimo turjumaaneed. Haddii aanad ka diiwaangashanayn xafiiska shaqada , waxad la xiriiraysaa turjumaan haysta aqoonsi.

Waxbarasho noocee ah ayaad haysataa?

Haya´adda dawladeed ee aad la xiriirayso si waxbarashaada loo qiimeeyo waxay kolba ku xidhan tahay nooca waxbarasho ee aad haysato iyo haddii aad dhammaysatay iyo haddii kale.

Adiga ah muwaadin wadan ka mid ah wadamada EU/EES ama dalbaday sharciga degenaanshaha ee iswiidhan waxaad dalban kartaa in qiimeyn lagu sameeyo waxbarashadaada dibadda ah. Waxey khuseysaa xitaa haddii aad tahay magangalyo doon.

Waxa qiimayn ku heli kartaa waxbarasho jaamacadeed oo dal kale oo aad dhammaysatay oo ay qiimeynayaan guddiga jaamacadaha ama macaahidda sare.. Markaa waxad helaysaa faallo kooban oo caddaynaysa shahaadada jaamaceed ee Iswiidhan ee u dhiganta waxbarashaada.

Haddii aad waxbarasho tacliin sare ah ka bilowday dalka dibediisa, taas oo aad doonaysid inaad ka dhamaystirto Iswiidhan, markaasi qaybo ka mid ah waxbarashadan waa la xisaabin karaa. In waxbarashadan la xisaabiyo micnaheedu waa in aanad u baahnayn inaad wax la mid ah mar kale dib uga barato gudaha Iswiidhan.

Waa jaamicada sare ama jaamicada aad codsatay kuwa go'aaminaya nooca ay yihiin qaybaha waxbarashadaadi hore ee la xisaabin karo. Iyagaa go'aaminaya xitaa haddii aad haysato inaad u qalanto in la codsado waxbarashadan.

Ula xiriir iskuulka haya waxbarashada aad xiisaynayso talobixin ahaan.

Guddiga jaamacadda iyo macaa'hidda sare (UHR) waxay qiimayn ku samaysaa shahaadooyinka dalalka kale.

Adiga ah muwaadin wadan ka mid ah wadamada EU/EES ama dalbaday sharciga degenaanshaha ee iswiidhan waxaad dalban kartaa in qiimeyn lagu sameeyo waxbarashadaada dibadda ah. Waxey khuseysaa xitaa haddii aad tahay magangalyo doon.

Qiimeyntani waxay taageero u tahay adigaaga shaqo ka raadsanaya Iswiidhan. Qiimeyntani waxay xitaa taageero ahaan kartaa haddii aad qorshaynayso in aad sii wadato waxbarashada gudaha Iswiidhan.

Maaha shuruud in la haysto qiimeynta UHR si loo codsado tacliin sare. Waxaad xitaa heli kartaa in waxbarashadaada ay qiimeeyso jaamicad sare ama jaamicada aad codsanayso xilliga codsigan.

Adiga ah muwaadin wadan ka mid ah wadamada EU/EES ama dalbaday sharciga degenaanshaha ee iswiidhan waxaad dalban kartaa in qiimeyn lagu sameeyo waxbarashadaada dibadda ah. Waxey khuseysaa xitaa haddii aad tahay magangalyo doon.

Waxaad qiimayn ku heli kartaa waxbarasho xirfadeed oo dal kale oo aad dhammaysatay oo ay qiimeynayaan guddiga jaamacadaha ama macaahidda sare. Markaas waxad helaysaa faallo kooban oo caddaynaysa shahaadada jaamaceed ee Iswiidhan ee u dhiganta waxbarashaada.

Iswiidhan waxaa ka jira xirfado qaarkood ku salaysan qawaaniin. Tani waxay tahay in sharciga Iswiidhan ay ku qeexantahay waxa shuruud u ah in lagu shaqayn karo dhinaca xirfad. Si loogu shaqayn karo xirfad noocan ah waa inaad codsataa aqoonsi ama caddayn laga helo dhinaca hey'adda dawladeed ee ku shuqul leh xirfadan.