Xayawaanka iyo dabiicadda

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 8/12-2022

Waxa jira lix xirfadood oo ay xakamaysantahay u ehel noqoshadoodu oo dhinaca daryeelka caafimaadka iyo jirrada xawayaanka ah. Aqooyahannada beeraha, ugaadhsi-yaqaan, biyoolaji yaqaan iwm waxa quseeya qiimaynta Gudida jaamicadaha iyo jaamicadaha sare.

Qiimaynta shahaadooyinka wabarasho ee dal kale

Xirfadaha ay xakamaysan tahay u ehel noqoshadoodu waxa qiimaynaya wakaaladda beeraha haddii waxbarashadaadu ku siin karto caddayn aqoonsi ama in ay caddayn aqoonsiga ku siin karto dhammaystirka ka dib. Qiimaynta ka dib waxad helaysaa jawaab ah in aad dalban karto caddayn aqoonsi, in aad marka hore u baahantahay dhammaystir ama in aanad heli karin ba cadday aqoonsi.​

Shaqaalaha caafimaadka xayawaanka

Waxa jira lix xirfadood oo ay xakamaysantahay u ehel noqoshadoodu oo ah dhinaca daryeelka caafimaadka iyo jirrada xayawaanka:

  • Dhakhtar xoolaad la aqoonsaday
  • Kalkaaliso caafimaadka xayawaanka ah oo la aqoonsaday
  • Daryeele qoob-fardood la ansixiyey (Godkänd hovslagare)
  • Kalkaalisocaafimaad oo la aqoonsaday
  • Dhakhtar jimicsi oo la aqoonsaday
  • Dhakhtar ilkood oo la aqoonsaday

Qiimaynta waxbarashada dalalka kale oo ku salaysan xirfadaha aan nidaamsanayn waxaa awood u leh Goleha jaamacadaha iyo kulliyadaha (Universitets- och högskolerådet).

Wabarasho dhammaystir ah

Marka aad hesho qiimaynta iyo aqoonsi-siinta waxbarashadaada, waxad toos u geli suuqa shaqada ama waxad sii dhigan waxbarasho dhammaystir ah si aad u wanaajiso fursadahaaga shaqo.

Jaamacadaha iyo kulliyadaha dalka Iswiidhan ayaa waxbarashada ku dhamaystran karta. 1-2 sano ayaa la dhigta waxaana xaq u leedahay qaadashada studiemedel.