Dhaqaaleyaqaanno iyo maamulyaqaanno

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 2/2-2023

​​​Magac-bixinnada ah Dhaqaaleyahan iyo dhaqaaleyahan sare ma aha qaar xakamaysan Iswiidhan dhexdeeda. Qof dhaqaaleyahani wuxu sida caadiga ah ka dhigtay jaamacad ama kulliyad barnaamij waxbarasho oo saddex sano ah, kaas oo gaadhsiinaya shahaado qalin-jabineed. Qof dhaqaaleyahan sare ahi wuxu soo dhigtay afar sano. Si marka dambe loo noqdo tusaale ahaan hantidhawre waxa loo baahanyey dhammaystir, sida ay dhigayaan xeerar gaar ahi, waa saddex sano oo tababar xirfadeeda oo khibrad leh iyo weliba in la sameeyo itixaanka shahaadada hantidhawrka.

Wabarasho dhammaystir ah

Kaddib markii waxbarashadaada lagu qiimeeyay lana ansixiyo, waxaad toos shaqo ugu raadsan karta suuqa shaqada, ama dhamaystiran karta waxbarashadaada, taasoo sare u qaadi doonto fursadda shaqo helida.

Jaamacadaha iyo kulliyadaha dalka Iswiidhan ayaa waxbarashada ku dhamaystran karta. 1-2 sano ayaa la dhigta waxaana xaq u leedahay qaadashada studiemedel.