Xirfadaha daryeelka caafimaadka iyo jirrada

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 25/9-2023

Halkan waxaad ka akhrin kartaa dheeraad ku saabsan nooca qawaaniinta ansaxa ah haddii aad haysato waxbarasho ah dhanka xirfadaha caafimaadka iyo daryeelka.

Xirfadaha daryeelka caafimaadka iyo jirradu waa xirfad sharci hago guud ahaan. Taas macneheedu waxa weeye in dhakhtar, kalkaaliso caafimaad ama dhakhtar ilkood oo haysta qalinjabin dal kale ay tahay in uu helo caddayn aqoonsi oo iswiidhish ah si uu xirfadiisa uu u guto. Hay´adda maamulka bulshadu waa hay´adda soo saarta aqoonsiga.

​Qiimaynta qalinjabin dal kale

Adigaaga wax ku soo bartay meel ka baxsan EU iyo EES ee doonaya inaad ka shaqayso dhanka daryeelka caafimaadka iyo bukaanka gudaha Iswiidhan waxaad u baahantahay aqoonsi dhanka xirfadaha qaarkood. Qiimeyntan waxaa sameeya Maamulka arimaha bulshada dhanka dhamaan 21 xirfadood ee nidaamsan dhinaca daryeelka caafimaadka iyo bukaanka. Si aad u hesho aqoonsi waxaa Maamulka arrimaha bulshada dhanka talaabada ugu horeysa ay eegayaan waxbarashadaada ajnabiga ah. Eegidan waxaa loo sameeyaa si loo arko haddii waxbarashadaada la bar-bardhigi karo ta heerka waxbarashada Iswiidhishka, dhererkeeda iyo nuxurkeeda. Talaabada ku xigtaa waa inaad samayso imtixaan aqoonta ah si aad u muujiso aqoontaada dhanka xirfadan. Haddii aad ku baasto waxaad dhiganaysaa koorsada qawaaniinta Iswiidhishka ah halkaas oo aad ku baranayso sharciyada iyo qawaaniinta ansaxa ka ah dhanka daryeelka caafimaadka iyo bukaanka ee Iswiidhan. Waa inaad xitaa samaysaa shaqo tababar ah taas oo aad fursad ugu helayso inaad muujiso aqoontaada iyo ku haboonaantaada xirfadan. Adigu waa inaad xitaa barataa Iwiidhishka. Warbixin dheeraad ah waxaad ka helaysaa bogga intarnatka ee Maamulka arimaha bulshada.

Wabarasho dhammaystir ah

Qofka dalka kale jaamacad wax ku soo bartay, wuxuu heli kara waxbarasho dhamaystirid ah. Waxbarashada noocaas wuxuu ku qaadan kara Deqda/deynta waxbarashada [studiemedel]. Dhirirka waxbarashada waa 1-2 sano. Xirfadyaqaanada heli kara waxaa kamid ah takhtarrada, takhtarrada ilkaha, kalkaalisooyinka caafimaadka ama kuwa aqoonta daawooyinka soo bartay.