Sharciyaqaanno

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 8/12-2022

​Sharciyaqaan waa xirfad xakamaysan Iswiidhan dhexdeeda. Taas macneheedu waxa weeye in sharciyaqaan haysta qalinjabin dal kale oo raba inuu uga shaqeeyo Iswiidhan si la mid ah sida qof haysta qalinjabin Iswiidhish ah, ay tahay inuu helo taas.

Xirfadaha qaarkood sida qaaddiga, qareenka iyo xeer ilaaliyaha, waa qasab in la haysto qalinjabin Iswiidhish ah. Qalinjabinta sharciga ee Iswiidhan waxay u dhigantaa afar sano iyo badh waxbarasho buuxda ah.

Wabarasho dhammaystir ah

Dhanka gar-yaqaanada ajnabiga ah ee doonaya inay helaan waxbarasho dhamaystir ah, waxaa jira laba doorasho.

Qalinjabin sharciyaqaannimo oo Iswiidhish ah

Haddii qofku rabo qalinjabin sharciyaqaannimo oo Iswiidhish ah, wuxu dalbanayaa waxbarashooyinka sharciga ee Iswidhan midkood. Wakhti xaadirkan waxa bixiya waxbarashada sharciga lix jaamacadood oo Iswiidhan ah. Kuwaasi waa Jaamacadda stockholm, jaamacadda Göteborg, jaamacadda Uppsala, jaamacadda Lund, jaamacadda Umeå iyo jaamacadda Örebro. Haddii qofka loo qaato barnaamijka waxbarasho, wuxu markaa codsan karaa in waxbarashadiisii dalka kale loo xisaabiyo.

Wabarasho dhammaystir ah

Jaamacadaha iyo kulliyadaha dalka Iswiidhan ayaa waxbarashada ku dhamaystran karta. 1-2 sano ayaa la dhigta waxaana xaq u leedahay qaadashada studiemedel.