Sinaanta

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/12-2022

Sinaantu waxay ku saabsantahay sinaanta u dhaxaysa dhedig iyo labood. Tani waxay tahay in haweenka iyo ragu ay tahay inay lahaadaan xuquuq, fursado iyo waajibaad isku mid ah.

Waxaa jira tusaalooyin badan dhanka in bulsho ay ka jirto sinaan. Qaar ka mid ahi way cadyihiin qaar kalena way adagtahay in la arko. Dhowr tusaale oo fudud in la arko waa in haweenku badanaaba lacag ka yar ta raggu shaqeeyo. Haween ka badan ragga ayay soo gaartaa dhibaato ah ku xadgudub galmo. Haweenku waxay fasax ka qaataan shaqada in ka badan ragga si ay u hayaan caruurta. Tani waxay keentaa in badanaaba haweenku haystaan lacag hawlgab oo ka yar ta ragga.

Cadooyinka iyo jinsiga

Gudaha bulsho waxaa ka jira caadooyin raad ku yeelan kara nolosha dadka. Caadooyinku waa fikrado iyo qawaaniin aan qornayn kuna saabsan sida dadka laga filayo inay ahaadaan, u noolaadaan una eekaadaan. Caadooyinka waa loo baahanyahay gudaha dhamaan bulshooyinka. Iyagu waxay hogaamiyaan tusaale ahaan sida aynu u dhaqmayno maraynu ku jirno dukaanka raashinka, ku jirno saf ama sida aynu isu salaamayno. Caadooyinka way adagtahay in la arko oo badanaaba waxaa ugu horeyn la arkaa marka qof jebiyo iyaga.

Caadooyinku waxaa kale oo ay xadayn karaan dadka oo abuuri karaan takoorid. Waxaa jira tusaale ahaan caadooyin dhanka sida haweenka iyo raggu ay tahay inay u labistaan, waxay ay tahay inay ka shaqeeyaan, qofka loo oggolyahay isticaaida mayk-apka wejiga lagu qurxiyo iyo qofka loo oggolyahay inuu ooyo marka uu murugaysanyahay.

Waxaa jira caadooyin in dadka oo dhan yihiin haween ama nin. Laakiin dadka oo dhan ma isu aqoonsana inay yihiin haweenay ama nin. Waxaa jira xitaa dad ah jinsi kale oo aan hayn kii lagu sheegay markay dhasheen. Iyadoo aan loo eegayn jinsiga waxaa dadka oo dhan raad ku yeesha caadooyinka kooxaha haweenka iyo ninka.

Caadooyinka raad ayaa lagu yeelan karaa waana la baddeli karaa. Iswiidhan siyaabo kala duwan ayay uga shaqaysaa in la baddelo caadooyinka xadeeya dadka ee abuura takoorid. Tusaale ka mid ahi waa siyaasada sinaanta taas oo baarlamaanka Iswiidhan go'aamiyay.

Siyaasada sinaanta ee Iswiidhan

Sida dalal badan waxaa Iswiidhan ka shaqaysaa in bulshadu noqoto mid aad u siman. Baarlamaanka Iswiidhan ayaa go'aamiyay in Iswiidhan lahaato siyaasad sinaan taas oo ay ku jiraan lix hadaf:

  • Haweenka iyo raggu waa inay si isku mid ah raad ugu yeelan karaan go'aamada siyaasadeed.
  • Haweenka iyo raggu waa inay awoodaan inay shuruudo isku mid ah ku shaqeeyaan lacag.
  • Haweenka iyo raggu waa inay wax ku baran karaan shuruudo isku mid ah.
  • Haweenka iyo raggu waa inay si siman u qaybsan karaan hawlaha guriga iyo in la daryeelo caruurta.
  • Haweenka iyo raggu waa inay fursado isku mid ah u lahaadaan caafimaad fiican iyo inay wanaag dareemaan.
  • Dagaalka ragga ee ka dhanka ah haweenka waa inuu joogsadaa.

Sinaan iyo mabda'a sinnaanta ragga iyo dumarka.

Dadka xaaladahooda fursadeed waxaa raad ku yeesha arrimo dhowr ah oo aan ahayn jinsiga. Tani micnaheedu waa in dhamaan dadka ku jira kooxdan haweenka iyo kooxdan ragga aanay lahayn waayo-aragnimo nololeed ama xaalado nololeed oo isku mid ah.

Mabda'a sinnaanta ragga iyo dumarka waa erey guud looguna talogalay dhaq-dhaqaaqa sheegaya in haweenku guud ahaan ka hooseeyaan ragga dhanka gudaha bulshada ee doonaya in laga shaqeeyo sinaanta. Hawsha sinaanta waxa tusaale ahaan micnaheedu yahay in la baddelo qawaaniinta wax takooraya iyo in la joojiyo dagaalka galmada. Tani waxay xitaa ahaan kartaa in haween intan ka badan helaan jagooyinka wax laga go'aamiyo looguna fiirsado sida qaababka kale ee cadaadisku xiriir ula leeyihiin jinsiga.