Xuquuqda bani'aadamka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/12-2022

Qaramada Midoobey sharaxaadeeda guud ee xuquuqda bani'aadamka waxaa ku qoran in dadka oo dhan dhasheen iyagoo ah xor oo leh qiimo iyo xuquuq isku mid ah. Xuquuqda bani'aadamku waa kuwa caalami ah, tani micnaheedu waa inay khuseeyaan dadka oo dhan.

Xuquuqda bani'aadamka waxa ku urursan qoraalo sharci oo kala duwan kuwaas oo lagu magacaabo qaraaryada. Waxaa jira sagaal qaraar aasaasi ah. Iswiidhan waxay waafaqday toddoba ka mid ah sagaalkan.

Tusaale dhanka xuquuqda bani'aadamka waxay noqon kartaa tusaale ahaan xaq loo leeyahay nolol, xaqa heer nololeed oo qofka ku filan, xaqa macluumaadka, xaqa dhaqanka ama xaqa in xor laga ahaado dhibaato dagaal ah.

Qaar ka mid ah kooxaha bulshada aad ayay u nugulyihiin oo sidaas darteed waxay leeyihiin ilaalin xuquuq oo dheeraad ah. Tusaale nooca kooxahan waa haweenka, caruurta, dadka leh hoos u dhac awooda laxaadka ah iyo dadka HBTQ (ragga jecel ragga kale, dadka labada jinsiba u galmooda, dadka taraanska ah iyo dadka leh cabbir iyo shakhsiyad ah labeebnimo).

Sharciyo

Gudaha Iswiidhan waxaa mamnuuc ka ah in qof lagu takooro iyadoo ay sabab u tahay:

  • jinsiga
  • aqoonsi iyo tacbiir jinsi ahaaneed
  • ka tirsanaasho qolanimo
  • diin ama wax kale oo la aaminsanyahay
  • hoos u dhac awooda laxaadka ah
  • dabci xagga galmada la xiriira
  • da'da

Iswiidhan waxay ka mid tahay Qaraarka Yurub kuna saabsan ilaalinta xuquuqda bani'aadamka iyo xoriyadaha aasaasiga ah. Qaraarkan tan iyo 1995 waa sharci Iswiidhish ah.

Haddii xuquuqdaada lagu xad-gudbay waxaad la xiriiri kartaa maxkamada Yurub ee xuquuqda bani'aadamka (Maxkamada Yurub) kuna taala Strasbourg.

Gudaha Iswiidhan waxaa waxaa xuquuqda bani'aadamka xitaa ilaaliya sharciyo aasaasi ah oo dhowr ah. Nidaamka dawlada waxaa ku jira tusaale ahaan buuga xuquuqda lehna xuquuqaheena xoriyada ee aasaasiga ah.

Halkan waxaa ku qoran in:

  • Xoriyadaha fikradaha (xoriyada hadalka, xoriyada macluumaadka, xoriyada diinta i.w.m.)
  • Ilaalinta jirka qofka iyo xoriyada dhaq-dhaqaaqa (mamnuucida xukunka dilka iyo jir-dilka i.w.m.)
  • Amaanka cadaalada (ka qaadista xoriyada iyo eegida maxkamadaha i.w.m.)
  • Ilaalinta hantida iyo xuquuqda tamashlaynta (xaqa in la joogo deegaanka dabiiciga ah i.w.m.)
  • Xuquuqda uu curiyuhu u leeyahay waxa uu soo saaray (xaqa lahaanshaha wax la abuuray)
  • Xoriyada ganacsiga (samantay ganacsi iyo xirfad)
  • Talaabooyinka suuqa shaqada (xaqa shaqo joojin, in shaqo bixiye ka xidho shaqaalaha goobta shaqada i.w.m.)
  • Waxbarasho iyo cilmi-baaris (xaqa waxbarasho aasaasi ah i.w.m.)

Xafiisyada ka hortaga takooridda

Waxaa jira xafiisyada ka hortaga takooridda oo kala duwan oo maxali iyo gobolada ah kuna yaala Iswiidhan. Iyagu waxay ku siin karaan talo iyo taageero marka adiga laguu geystay takoorid.

Wakiilka arrimaha takooridda

Wakiilka arrimaha takooridda (DO) waa hey'ad dawladeed taas oo kantaroosha in sharciga takooridda la raaco. Haddii laguu geystay takoorid waxa aad warbixin ama cabasho u diri kartaa DO.

DO waxay isticmaashaa warbixinaha iyo cabashooyinka si ay u hubsato in sharciga la raaco, ee maaha in la xaliyo xaaladaha gaarka u ah shakhsiyaad.