Gaadiid dad weyne

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 18/1-2023

Magaalooyinka inta badan waxa ka jira taraafiik guud oo ay heliin dadka oo dhan. Waxey noqon kartaa tusaale ahaan, basas, tareeno xaafadeed, tareeno dhulka hoosmara iyo maraakiib kuwaasoo isaga goosha boosteejooyin kala duwan ee magalada dhexdeeda ama taren iyo basas isaga goosha magaalooyinka dhexdooda ama tuulooyinka. Magaalooyinka qaarkood xitaa waxaa dhex mera Diyaaradaha maxalliga ah. Xagga Gotland waxaa aada Maraakiib ayadoo ka dhaqaaqaya deked.

Muuqaalka jid ku yaal Göteborg. Tareenka korka mara oo buluug iyo cadaan ah oo ku soo leexanaya kaamarada, mid kale ayaa ka sii baxaya sawirkan dhinaca bidixda. Tiro dad ah ayaa muuqda oo kala firidhsan.

Sawir: Misak Nalbandian

Si aad u korto taraafiigaas waxaa lagaa rabaa inaad ka iibsatay tikid. Boggaan www.resrobot.se waxaad ka raadsan kartaa safarada boosteejooyinka kala duwaan ee Iswiidhan. Waxaad kaloo iibsan kartaa tikidyo magaalooyinka Iswiidhan oo dhan.

Tikidho

Shirkado fara badan oo kala duduwan oo leh basas iyo tareenno ayaa wada gaadiidka isaga goosha magaalooyinka kala duduwan ee Iswiidhan.

Xasuusnaw in aad tikid ka soo goosatid shirkadda aad gaadiidkeeda raaceysid inta aadan raacin tareenka ama baska. Badanaa gudaha gaadiidka tikid kama goosan kartid. Masaafooyinka tikidka gudaha gaadiidka laga goosan karo, badanaa wey ka qaalisanyihiin marka la barbar dhigo haddii aad tikidka horay u soo goosatay.

Tikidho badan oo tareen waxaa ku qoran nambarka buudhiga iyo nambarka booska, oo muujinaya meesha aad fadhiisaneysid Haddii aad iibsatay tikid shakhsi ah waa in aad marka la koontaroolayo muujisaa dukumiinti aqoonsi ah oo waafaqsan magaca ku qoran tikidka.

Tusaale dukumiinti aqoonsi oo shaqeynaya waxaa ah baasaboor, kaar qaran oo aqoonsi ama leysin gaari oo Iswiidhan, waddamada woqooyiga ama EU/EES laga soo saaray. Xitaa kaarka LMA-ga (waxaa soo saaray Hey'adda socdaalka si la xiriirta megengelyo-doonnimada) waa loo isticmaali karaa safarrada Iswiidhan gudeheeda ah. Dukumiinti la aqoonsanyahay oo laga soo saaray meel ka baxsan EU/EES waxaa ah oo keliya baasaboor.

Tikidhada waxaa la koontaroolaa marka aad baska fuushid. Haddii aad tareen raaceysid waxaa tikidhada lagu koontaroolaa tareenka dhexdiisa. Hadii aad tikid shaqeynaya la'aantiis safreysid waa in aad lacag khidmo ah bixisaa, ama aad tareenka ka degataa.

Xeerar gaadiidka dushiisa

Xasuusnaw in aad qaddarin muujisid si aadan musaafiriinta kale u qasin Tusaale ahaan maaha in aad musaafiriinta kale meeshooda usoo dhaaftid ama aad taleefanno gacan u isticmaashid si loo arko in ay dhibaato tahay.

Haddii aadan xeerarka gaadiidka dushiisa raaceynin wuxuu shaqaaluhu go'aan ku gaari karaa in aad tareenka ama baska ka degtid. Waxay tusaale ahaan noqon kartaa marka aad nidaamka iyo kala dambeynta qaseysid, aadan raaceyn waxa shaqaaluhu ku dhaho, aad safreysid tikid shaqeynaya la'aantiis ama aad cafash aad u fara badan sidatid.

Xasuusnaw in:

  • Aad tikid iibsatid inta aadan gaadiid raacin.
  • Aadan sidannin cafash ka badan inta aad kaligaa si fudud u qaadi kartid.
  • Sigaar cabiddu ay mamnuuc tahay.

Cafash

Tareennada iyo basaska badankooda waxaad la raaci kartaa oo keliya inta cafash ah ee aad kaligaa si dhib yar u xambaari kartid. Dhammaan cafashyada waxaa la dhigayaa boos loo cayimay, tusaale ahaan booska cafashka ee tareenka, iskafaallooyinka kore ama kursiga hoostiisa, ama meesha cafashka ee baska.

Sigaar cabid

Sigaar cabiddu waa ka mamnuuc dhammaan tareennada iyo basaska. Haddii aad jebisid wax la mamnuucay waxaad khatar u geleysaa in aadan safarkaaga sii wadannin.

Ammaanka

In waddada tareenku maro la dul jooga waa sharci darro. Waxaad waddada tareenka ka gooyn kartaa oo keliya meelo laga gooyo oo tabbeellooyin lagu dhejiyay. Maaha in aad meelaha laga gooyo waddada joogtid haddii birta la soo dejinayo, lasoo dejiyay ama kor loo qaadayo, saacad digniin ay yeereyso, calaamadda istaagiddu ay muuqato ama tareen uu soo dhawyahay. Haddii cid aan ehel u ahayn ay joogto aagga waddada tareenka waxaa loo yeerayaa booliis.

Aqoonsi koontaroolid marka laga soo safrayo Denmark

Haddii aad ka safreysid Denmark oo aad ku socotid Iswiidhan xudduudda ayaa dukumiintigaaga aqoonsiga lagu koontaroolayaa. Haddii aadan haysan dukumiinti aqoonsi ah oo shaqeynaya kama soo gudbeysid xudduudda. Carruurta ka yar-yar 18 sano uma baahna in ay haystaan dukumiinti aqoonsi oo shaqeynaya, haddii ay la safrayaan waalid is caddeyn kari.

Aqoonsi shaqeynaya marka loo soo safrayo Iswiidhan oo laga socdo Denmark waxaa tusaale ahaan ah baasaboor, kaar qaran oo aqoonsi ama leysin gaari oo Iswiidhan ama waddamada waqooyiga laga soo saaray. Kaarka LMA-ga (waxaa soo saara Hey'adda socdaalka si la xiriirta megengelyo-doonnimada) lama oggolaanayo aqoonsi koontarooliddan iyada ah.