Liisanka baabuurka ee gudaha Iswiidhan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 15/1-2024

Si aad baabuur ugu wadi karto gudaha Iswiidhan waa inaad buuxisay 18 jir oo aad haysato liisan baabuur oo ansax ka ah gudaha Iswiidhan.

Baabuur leh tabbeellaha tababar baabuur wadis.

Haddii aad haysato liisan baabuur wadis dalka dibediisa ah

Liisan baabuur wadis oo dalka dibediisa wuxuu ansax ka ahaan karaa gudaha Iswiidhan. Tani waxay ku xirantahay dalka uu ka yimi liisankaas baabuur wadista. Waxaad la xiriiri kartaa Guddiga qaabilsan arrimaha gaadiidka si aad u hesho jawaabta ah haddii liisankaaga baabuur wadis uu ansax ka yahay gudaha Iswiidhan.

Waad ku wadi kartaa baabuur gudaha Iswiidhan inta lagu jiro wakhtiga aad tahay magan-gelyo doon haddii aad haysato liisan baabuur oo ansax ah oo aad kala timi dal kale. Si aad u sii wadato inaad baabuur wado ka dib marka aad gasho diiwaan-gelinta dadweynaha ee Iswiidhan waa inaad qaadataa liisan baabuur wadis Iswiidhish ah ama liisankaaga baabuur wadista ku badashaa liisan baabuur wadis Iswiidhish ah gudaha hal sano. Haddii aad haysato liisan baabuur wadis aad kala timi dal EES ah, Ingiriiska ama jasiiradaha Farö ma u baahnid inaad liisankaaga baabuur wadista ku badasho liisan baabuur wadis Iswiidhish ah.

Qawaaniinta taraafikada ee Iswiidhishka

Qawaaniinta taraafikada ee Iswiidhishka ayaa ansax ah xitaa haddii aad haysato liisan baabuur oo dalka dibediisa ah. Waa inaad tusaale ahaan buuxisay 18 jir si aad u wado baabuur gudaha Iswiidhan. Ma laguu oggola inaad baabuur wado haddii aad cabtay khamri ama qaadatay maan-dooriye. Haddii aad jebiso qawaaniinta taraafikada ee Iswiidhishka waxaa booliiska ama Guddiga qaabilsan arrimaha gaadiidka ay kaa qaadi karaan liisankaaga baabuur wadista xitaa haddii uu yahay liisan baabuur wadis dalka dibediisa ah. Ciqaabta dembiyada qaarkood waxay xitaa ahaan kartaa ganaax ama xabsi.

Liisan baabuur wadis dalka dibediisa ah ku badal liisan baabuur wadis Iswiidhish ah

Haddii aad haysato liisan baabuur wadis aad kala timi dal EES ah, Iswisarlaan, Jabaan, Ingiriiska ama jasiiradaha Farö waxaad liisankaaga baabuur wadista dalka dibediisa ku badali kartaa liisan baabuur wadis Iswiidhish ah haddii aad si joogto ah u deggantahay Iswiidhan.

Haddii aad haysato liisan baabuur wadis aad kala timi dal ka baxsan EES ma laguu oggola inaad ku baddashid liisan baabuur wadis Iswiidhish ah.

Dalalka EES waa: Beljam, Bulgaariya, Qubrus, Danmaark, Eeslaand, Fiinlaand, Faransiiska, Giriiga, Irlaand, Iiislaand, Talyaaniga, Korowaatiiya, Leetlaand, Layjistayn, Lituwaaniya, Luksimburg, Maalta, Holaand, Noorway, Boolan, Burtuqal, Roomaaniya, Sloofaakiya, Sloofiiniya, Isbayn, Jeeka, Jarmalka, Hangari iyo Ostariya.

Qaado liisanka baabuur wadista ee Iswiidhan

Si loo helo liisan Iswiidhish oo ah baabuurka shakhsiga iyo baabuur xamuul fudud (Liisanka B) waxaad u baahantahay:

  • inad buuxisay 18 jir
  • aad cinwaan ku leedahay gudaha Iswiidhan
  • haysato oggolaansho liisan qaadasho ansax ah si aad u samayso tababarka wadista
  • dhammayso imtixaanka aqoonta iyo imtixaanka wadista.

Waxaad oggolaansho liisan qaadasho ka codsanaysaa Guddiga qaabilsan arrimaha gaadiidka. Waxaad imtixaanka aqoonta iyo imtixaanka wadista ka samaynaysaa dhinaca Maamulka Gaadiidka Iswidhan.