Wararka
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 31/1-2023
Halkan waxaad ka heli kartaa xiriiryada wararka oo ku qoran iswiidhish fudud, iyo wararka iswiidhishka oo ku turjuban luqado kale. Waxaad xitaa akhrin kartaa wararki ugu dambeeyay ee dhinaca Idaacada Iswiidhan.
Idaacadaha Raadiyowga qaranka Iswiidhan
Meeshan baa waxa ka heleysaa idaacadiihii ugu dambeyay Raadiyowga qaranka Iswiidhan. Hadii oo luqadaada hooyo lagu heleyn waxa isticmaaleynaa kan iswiidhishka.
Tuuji qoralka idaacada sidaa idaacada ugu akhrisatid bogga internetka Raadiyowga qaranka Iswiidhan. Isku xiriiriyahay wuxu furi daaqad kale.
-
Xukuumadda oo doonaysa in Soomaali badani dib u noqoto
Heshiiskii Tidöavtalet ee xukuumadda Sweden lagu soo dhisay ayuu ka mid ahaa qodob oranayay in kaalmada caalamiga lagu shuruudeeyo iney wadashaqeeyn Sweden kala yeeshaan dhanka socdaalka.Wasiirrada socdaalka iyo kaalmada caalamiga ee Sweden ayaa bishii maajo wadajir waraaq wargelin ah ugu direy dawladda Soomaaliya.”-Kaalmada la jarayo maahan midda bani'aadminmo sida cunnada, biyaha daawada iyo wixii la mid ah”, sida uu sheegay wasiirka kaalmada caalamiga Sweden Johan Forssell oo warreeysi uu la yeeshay telefishanka SvT. -
Dhallinyarada oo gaangiska loogu jiito muuqaallo dhalanteed ee baraha bulshada
In aaladaha bulshadu ku kulanto la soo bandhigo nolol raaxeeysi - faakaheysi leh waa hab ey isku suuq geliyaan gaangiska, sida uu sheegay mid ka mid boliiska degmada Botkyrka.”Way ku filan tahay in shan xiiseynaya gacanta lagu dhigo, ka dibna shantaa ayaa leh ciyaaryahanno cusub oo ey isku koox yihiin eyna isticmaali karaan,” waa sida uu boolisku yiri.”Lacag fara badan, baabuur fiican, haween soo jiidasho leh, daroogo iyo raasamaal rabshado oo la soo bandhigay,” ayuu yiri cilmi-nafsiga oo jooga guriga SiS. -
Furtenbach: Rabshadaha oo si joogta ah loogu eedeyo xukumaddii Socialdemokraterna
Farriinta ra'iisul wasaaraha Ulf Kristersson uu soo jeediyay ayaa ahayd mid culus isla markaana xambaarsan masuuliyad, mar uu xalay fiidnimadii kala hadlay qaranka rabshadaha ba'aan ee dalka ka dhacaya.Khudbadda ra'iisul wasaaruhu waxa uu eeda rabshadahaas dusha ka saaray xukuumaddii hore ee Socialdemokraterna, oo uu aaminsanyahay in ay ku dhaqaaqday siyaasad socdaal oo mas'uuliyad darro ah iyo is-dhexgalka, middaasina oo sida uu sheegay Fredrik Furtenbach ay tahay arrin soo noqnoqota marka uu Ulf Kristersson ka hadlayo dembiyaada.”Kristersson ayaa sheegay inay mudo dheer soo socday arrintani, waxuuna eedda dusha ka saaray masuuliyiintii ka hooreeyey, oo ay ahayd in ay wax ka qabtaan wakhti dheer ka hor. Waxa uu aaminsan yahay in xukuumaddaani ay samayn karto isbeddelka loo baahan yahay, oo kuwii hore aaney awoodin,” ayuu yiri Fredrik Furtenbach. -
Magdalena Andersson: Milateriga ha la howlgeliyo
Xisbiga Socialdemokraterna ayaa doonaya inuu boliisku gacan ka helo milateriga sidii lagu joojin lahaa rabshadaha, sida ay sheegtay hoggaamiyaha xisbiga (S) Magdalena Andersson.Xisbiyada Vänsterpartiet iyo Miljöpartiet ayaa shaaca ka qaadey iney dooneyaan in miisaaniyad dheeri ah la geliyo howlaha ka hortagga.Richard Jomshof oo ka tirsan xisbiga Sverigedemokraterna ayaa doonaya inuu xisbiga Socialdemokraterna raalli gelin ka bixiyo. -
Madaxa xukuumadda Sweden oo qaranka la hadley
Madaxa xukuumadda Ulf Kristersson ayaa kala hadley qaranka dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee rabshadaha ka sii daraya iyo khilaafaadka ii'adaha gaangiska.Wuxuu isugu yeeray oo la kulmi doonaa madaxa boliiska iyo abbaanduulaha ciidammada si uu ugala xaajoodo caawinada ey milaterigu u fidin karaan boliiska.Khudbadda ayaa laga sii daayey internet-ka iyo idaacadaha telefishannada la iska daawod ee Sweden. -
Tiro ka badan ayey dhici kartaa in si khasab ah loogu tarxiilo Ciraaq
Muwaadiniin Ciraaqi ah oo badan ayaa laga yaabaa in si khasab ah looga tarxiilo Iswiidhan. Sida ay sheegtay hey'adda laanta socdaalka, 70 qof ayaa hadda sugaya masaafurin.Salaasadii 26 qof ayaa loo tarxiilay Ciraaq.”Waxaan bartamaha kaga jirnaa cadaabta Baqdaad, mana naqaanno luuqadda,” ayuu yidhi Ismaaciil, oo hadda doonaya inuu tago Turkiga, kadibna dib ugu laabto saaxiibtiis oo ku sugan Sweden. -
Xisbiga Socialdemokraterna ayaa dalbanaya in kulan laga wada yeesho falalka gaangiska
Ka dib rabshadihii dhacayey maalmihii ugu danbeeyay, xisbiga Socialdemokraterna waxa uu mar kale dalbanayaa inay xukuumaddu wadahadal ku casuunto dhammaan xisbiyada.”Waxaan u baahannahay dhammaan fikradaha jira in miiska la soo saro, si loo joojiyo rabshadaha”. ayuu yiri Ardalan Shekarabi (S), afhayeenka siyaasadda sharciga.Arbacadii, xisbiga Socialdemokraterna ayaa soo bandhigay dhowr hindise oo cusub oo wax looga qabanayo dembiyada gaangiska. Xisbigu wuxuu doonayaa, waxyaabo ay ka mid yihiin, in la kordhiyo miisaaniyadda la siiyo adeegga kastamka lacag dhan 200 milyan oo karoon iyo in la kordhiyo miisaaniyadda booliiska si loo cusboonaysiiyo tignoloojiyada. -
Boliiska: Ammaankooda ma sugi karno qaraabada Gaangiska
Magaalada Uppsala oo keliya ayuu boliisku qiyaaseyaa iney tiro 100 gaareeysa lala xiriirineyo khilaafka socda ee ka dhexeeya kooxaha burcadda, halka qaar badan oo qaraabadood ka mid ahina yihiin kuwa la beegsaneyo.Boliisku uma hayo tabar ku filan oo uu dhammaan ku sugo ammaankooda.”Calla kulli xaal waa tiro aad u badan”, sida uu sheegay Jale Poljarevius, madaxa laanta sirdoonka ee boliiska mandiqadda dhexe. -
Nin lagu soo eedeeyey cadibid qowmiyad -kitaabqur'aan uu gubay
27-jir kitaab qur'aan ah habeennimo ku gubay magaalada Linköping muddo saddex sannadood laga joogo.Xaaladda ku hareereeysan qur'aan-gubidda ayaa loo fahmi karaa cadibid dadka muslinka ah, sida xeerilaaliyuhu ula jeedo.Ninkan ayaa iska dheereeyay inuu wax dembi ah galay. -
Saddex qof ayaa ku dhintay falal rabshado hor leh
Xaafadda Fruängen oo dhacda koonfurta stockholm ayaa toogasho lagu dilay 18-tobaneeyo jir garoon ciyaaraha fiidnimadii xalay.Xaafadda Storvreta ee magaalada Uppsala ayay ku geeriyootay qarax xooggan oo ka dhacay guri bangallo ah gabar 25-meeyo jir ah.Xaafadda oo koonfurta kaga beegan magaalada Stockholm ayaa lagu xabbadeeyey laba qof, halka uu mid ka mid ahina geeriyoodey xalay.