Ka hortaga Takooriska

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 8 10 2018

Tani waa qoraalo ka yimi buuga Ku saabsan Iswiidhan

In qofka laga ilaaliyo takoor waxeey ka mid tahay xuquuqda aadanaha. Takoorista micneheedu waxa weeye in dad ama koox gaar ah loo la dhaqmo hab ka duwan dadka kale. Taasna waa danbi laga galayao xuquuqda aadanaha.

Hey'adda kahortagga takooristu

Hey'adda kahortagga takooristu, DO, waa hey'ad dowladeed oo uu shaqeeyso sinnaanta dadka dhanka xuquuqda iyo fursadaha. DO waxeey ku hoowlan tahay in ee hubiso raacida sharciga ka hortaga takoorka.

Sharciga ka hortaga takoorka waxuu mamnuucaa in shirkadaha iyo hey'addaha qof si ka xun dadka kale in ee uu la dhaqmaan ayagoo ku saleeynaayo jinsigiis, aqoonsigiisa jinsiyeed ama tacbiirkiisa jinsiyeed, diintiisaa ama caqiidadiisa, cirqigiisa, naafada ama habka uu u galmoodo.

Goobaha shaqada iyo dugsiyadaba waa in ay dejiyaan qorshe ay uga hortagayaan takoorista. La xiriir DO haddii lagu takooray.

Waxaa jira wakaalado lookal ah iyo qaar goboleed oo ka shaqeeya ka hortagidda takooridda ee Iswiidhan. Waxey ka shaqeeyaan iney dadka loo geystay takooridnimada siiyaan talooyin iyo caawimaad.

Calanka qaanso roobaadka (oo xattaa loo yaqaan Calanka Pride) waa calaamadda dhaqdhaqaaqa hbtq. Waxey calaamad u tahay in dadka oo dhan isku qiime leeyihiin iyo kala duwanaanshaha badan ee dadka ka hela dadka eey isku jinsiga yihiin iyo dadka labada jinsiba ka hela. Masawirqaade: Colourbox

Qiyaaska jinsiga iyo galmada

Bulshadaha dhamaantood waxeey lee yihiin caadooyin ku saabsan habka ee dadka uu noolaayaan. Caadooyinka waa fikrado iyo nimaadyo oo ku saabsan qalad iyo sax iyo habka ee dadka uu dhaqamayaan. Caadada ama qiyaaska ku saabsan in dadka dhan loo arkaayo dad kale jinsiga ka duwan waa mid xog leh. Bulshadooyinka badankood waxeey kale oo lee yihiin caadooyin xoog leh oo ku saabsan in ragga iyo dumarka kala duwanaanayaan iyo in hoowlo kala duwan qabanaayaan. Caadooyinku waxaa ay xitaa raad ku yeeshaan aragtideena galmada iyo xiriiryada. Tusaale ahaan aaminsanaanta in dadka oo dhan loo arko inay yihiin qaar u hamooda jinsiga kale weli aad ayay xoog u tahay.

Dalka Iswiidhan dadka ku nool oo dhan waxeey xaq uu lee yihin ee la noolaadaan eey guursadaan cidda eey doonaan, jinsiga uu rabo ha ahaadabee. Nooca jinsiga ee qofku dareensanyahay in uu ka tirsan yahay waxaa lagu magacaabaa aqoonsiga-jinsiga (könsidentet). Aqoonsiga jinsiga kuma xirno jirka sida jirku u eegyahay una shaqeeyo ee waxuu ku xiran yahay qofka dareenkiisa ku saabsan jinsiga uu ka tirsan yahay.

Hbtq waxey ka dhigantahay dadka ka hela dadka eey isku jinsiga yihiin iyo dadka labada jinsiba ka hela. Trans waxay ku saabsantahay aqoonsiga jinsiga iyo cabbirka oo wax shaqo ah kuma laha jinsiga uu qofku ka helo. Ereyga trans waxaa loola jeedaa dadka aan isku aqoonsanayn inay yihiin jinsiga dabiiciga ah ee ay ku dhasheen. Dadka ah trans waa eray balaaran looguna talogalay dadka isu aqoonsan inay yihiin nin, naag ama inay wakhti isku mid ah yihiin nin iyo naag labadaba . Dadka trans ah waxaa kale oo ay dooran karaan in aanay haba yaraatee tilmaamin jinsigooda. Q waxaa laga soo gaabiyay "queer" waxuuna dhaleeceeyaa jinsiga hetero-ga ah oo caadiga ka ah bulshada. Queer waxaa kaloo ay tilmaami kartaa aqoonsi micnaheedu yahay in qofku aanu doonayn inuu qeexo jinsigiisa ama jinsiga uu ka helo ee dhinaca erey-bixinta dhaqan ahaan.

Qof walba xaq wuu u leeyahay inuu muujjiyo jinsigiisa. Marka cid si xun loola dhaqmo sabab la xiriirto inuu qofku yahay dadka ka hela dadka eey isku jinsiga yihiin iyo dadka labada jinsiba ka hela, ama si kasoo horjeedda sida caadada ah markaas qofkaas waala takooray.

Xuriyada doorashada diimaha

Waxaa dalka Iswiidan ka soo jirey xuriyada diimaha ilaa sannadkii 1951. Xuriyada diimaha mecnaheed waa in dadka dhamaantood xur uu yihiin in ee dortaan diinta ama caqiidada ee rabaan. Xuriyada diimaha waxeey ka mid tahay shanta xuquuq ee ugu muhiimsan distoorka Iswiidhan. Heshiisyo badan oo caalami ah oo ay ka mid yihiin qaraarka xuquuqda aadanaha iyo qaraarka carruurta ee Qaramada Midoobay waxaa ku qoran qodobo ku saabsan xuriyadda diimaha. Dowlad kasta waa in ay xushmeysaa, difaacdaa iyo u shaqaysaa xurriyadda diimaha.

  • Dadka dhamaantood waxeey xaq uu lee yihiin in ee doortaan diin, badashaan ama ga tagaan diintooda.
  • Dadka dhamaantood waxeey xaq uu lee yihiin in ee ku dhaqmaan diintooda. Taasi mecnaheedu tusaale ahaan waa in dadka dhamantood xaq uu lee yihiin in ee furtaan urur diimeed.
  • Dadka dhamaantood waxeey xaq uu lee yihiin in ee qoraan iyo in ee dhibaan wargeeys iyo warbixin.
  • Dadka dhamaantood waxeey xaq uu lee yihiin in dadka kale baraan diin iyo in ee ka qeeyb galaan munaasabad diimeed.
  • Qofna laguma takoori karo sabab caqiido.
  • Waalidka waxeey xaq uu lee yiihiin in ee koriyaan habka raacsan diintooda.
  • Shaqo dhiibaha waa in uu furnaansho ku muujiyo in dadka shaqaalaha cibadooda ku fulan karaan goobta shaqada.

Ka tirshaanaha cirqi

Iswiidhan waxaa degan dad ka yimid meelo kala duwan oo caalamka ku yaal. Ka tirshanaaha cirqi mecnaheed waa in qof kasto ka soo jeedo hal dhaqan ama dhaqamo iyo dad. Dadka dhamaantood waxeey ka tirsan yihiin hal ama cirqiyaal. In qof loola dhaqmo si ka xun sida dadka kale, ayadoo loo fiirinaayo ka tirshanaaha cirqiyeed waa takoorid, taasna waxeey danbi ku tahay xuquuqda aadanaha.

Naafanimo iyo furnaanshaha

Dad badan ayaa ah naafo. Naafinimo waxeey ahaan kartaa tusaale ahaan qof aragtidiisa xuntahay, qofka oo ku adag hadalka, maqalka, fahamka, dhaqdhaqaaqa ama isku taxalujiska. Bulshada waa in ee ahaada mid dadka dhan uu wada furan. Qofka naafaha ah waa in san ka qeeyb qaadashada nolasha bulshadeed ee san ka hor istaagin. Hoowlaha badista furnaanshaha bulshada waxaa ka mid ah in dib uu habeeyn lagu sameeyo sarooyinka dad weeynaha si ee dadka aan jaranjarada fuuli karin usoo galaan hadana qolalka uu galaan ayadoo ee san jirin wax hor istaago.

Da'

In qof si dadka kale ka hooseeysa loogu la dhaqmo ayadoo lagu dhisaayo yarid ama weeynaasho waa takoorid. Waxaa jiro sharciyaal iyo nidaamyo go'aamiyo oo marmarka qaarkood in ogalyahay dadka weeyn iyo dadka yar in si duwan loogu la dhaqmo. Tusaale ahaan waxaa jirto da' la ogal yahay in qof liisin ku qaato ama khamri ku cabo.