Bilow noloshaada cusub ee Iswiidhan
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 20 6 2019
Halkan waxaad ka helaysaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waxa aad u baahantahay inaad samayso iyo nooca hey'adaha dawladeed ee aad u baahantahay inaad la xiriirto marka aad hesho sharciga deganaanshaha.
-
Diiwaan-geli u soo guurida Iswiidhan
Marka aad u soo guurto Iswiidhan waa inaad ka diiwaan-gashanaataa diiwaan gelinta dadweynaha. Si loo galo diiwaan gelinta waa in marka hore aad samaysaa wargelinta inaad u soo guurtay Iswiidhan. Tani waxaad samaynasaa adigoo booqda Hey'ada Canshuuraha xafiiskeeda adeega. Waxaad u baahanaysaa inaad sii kaxayso dhamaan qoyskaaga kuula soo guuray (xitaa caruurta).
-
Folkbokföring (Diiwaangelin dadweyne)
Dhamaan dadka ku nool Iswiidhan waxaa lagu qoraa diiwaan-gelinta dadweynaha.diiwaan-geliyaa. Halkaas waxaa lagu diiwaan-geliyaa macluumaadka ku saabsan dadka ku nool Iswiidhan iyo halka ay deganyihiin.
Marka aad samayso wargelinta soo guurida Iswiidhan waa inaad iska diiwaan-gelisaa diiwaan-gelinta dadweynaha. Tani waxaad samaynasaa adigoo booqda Hey'ada Canshuuraha xafiiskeeda adeega. Dhamaan qoyskaaga u soo guuray Iswiidhan waa inay kula socdaan, xitaa caruurta. Marka Hey'ada Canshuuruhu ay diiwaan-gelisay adiga iyo qoyskaaga waxaad helaysaan warqad ku soo dhacda cinwaanka aad diiwaan geliseen inaad u soo guurteen kuna qorantahay lambarkiina shakhsiga ah.
Dhanka Hey'ada Canshuuraha xafiiskeeda adeega waxaad u baahanaysaa inaad u soo qaadato:
- Baasaboor
- Sharciga deganaansho ee Iswiidhan
- Dukumenti cadaynaya inaad tahay xaas ama in kale
- Caddaynta dhalashada ee caruurtaada haddii aad leedahay caruur
- Cinwaanka
-
Personnummer (Lambarka shakhsiga)
La xiriir Hey'ada Canshuuraha si loo helo lambarka shakhsiga ah. Lambarka shakhsiga wuxuu lagama maarmaan u yahay in:
- La awoodo gudoonka gunooyinka kale ee ka yimaada Qasnada Caymiska.
- Furashada xisaab bangi.
- Codsashada dukumenti aqoonsi.
- Codsashada aqoonsiga elaktarooniga ah.
- Ka qayb-qaadashada hawlaha Xafiiska Shaqada barnaamijkeeda dagnaanshaha.
-
ID-kort (Kaar aqoonsi)
Id-kort waxaa loo soo gaabiyay kaarka aqoonsiga Waxaad kaarka aqoonsiga u isticmaalaysaa inaad cadayso da'daada iyo in lagugu aqoonsado (muujiso qofka aad tahay), tusaale ahaan marka aad dawo ka soo qaadanayso farmasiga, lacag ku bixinayso kaar gudaha dukaan ama samaynayso arin bangi. Waxaa kale oo aad kaar aqoonsi ka codsan kartaa qaar ka mid ah xafiisyada adeega ee Hey'ada Canshuuraha.
Ka hor intaanad booqan xafiiska adeega si aad u codsato kaarka aqoonsiga, waa inaad:
- ka diiwaan-gashantahay gudaha Iswiidhan,
- buuxisay 13 sano,
- bixisay kharashka codsiga oo ah 400 karoon isla markaana tusi karto rasiidhka ama daabacaada xisaabta bangiga ee cadaynaysa inaad bixisay lacagtan,
- muujin karto qofka aad tahay (cadayn karto aqoonsigaaga). Sii qaado dukumenti aqoonsi oo ansax ah (tusaale ahaan baasaboor) ama sharci deganaansho oo ansax ah,
- haysataa waalidkaaga ogolaanshahooda (haddii aad ka yarthay 18 sano).
-
Samayso xisaab bangi
-
E-legitimation (Aqoonsiga internetka)
Aqoonsiga elaktarooniga ah waa aqoonsigaaga dhanka intarnatka ee caddaynaya adigu aad tahay qofka aad tahay. Waxaad isla aqoonsigan elaktarooniga ah u isticmaali kartaa adeegyad intarnatka iyadoo aan ku xirnayn hey'ad dawladeedeed, degmada ama shirkada gacanta ku haysa adeegan (tusaale Xafiiska Shaqada iyo Hey'ada Canshuuraha).
Waxaad samaysanaysaa aqoonsiga Bangiga iyo aqoonsiga Bangiga ee Moobilka ee dhanka bangiga aad ka tahay macmiil.
-
La xiriir Xafiiska Shaqada
Waa muhiim inaad la xiriirto Xafiiska Shaqada sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah ka dib markaad hesho go'aankaaga sharciga deganaansho. Xafiiska Shaqada ayaa go'aaminaysa haddii aad ka qayb qaadan karto qorshaha dagnaanshaha. Xusuuso inaad sii qaadato go'aanka aad ka heshay Hey'ada Socdaalka. Waa ugu horeyn markaas ka dib marka aad Qasnada Caymiska ka codsan karto magdhabida dagnaanshaha, oo bilaabi karto hawlahaaga dhanka jidkii shaqo ama waxbarasho.
-
Lacagta magdhabida ee laga helo Qasnada Caymiska
Marka lagaa diiwaan-geliyo qorshaha dagnaanshaha ee Xafiiska Shaqada waxaa codsanaysaa lacagta magdhabka laga helo Qasnada Caymiska. Waxaad u codsanaysaa calaa bil oo ah ka dib.