Da’ yar iyo Iswiidhan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/5-2023

Boggagan waxaad ka helaysaa macluumaad ku saabsan iskoolka, caafimaadka iyo nolosha jaaliyadaha. Waxaa kale oo aad ka akhrin kartaa wixi ku saabsan xuquuqda la xiriirta xadka da'da kala duwan.

Dhamaan dhalinyaradu waxay xaq u leeyihiin waxbarasho, inay caafimaad haystaan, xilli firaaqo, dhaqan iyo raad ku yeelasho.

Dhalinyarada joogta Iswiidhan badanaaba waa kuwa madax-banaan. Iskoolka waxaad ku baranaysaa inaad u fikirto inaad wax walba dhinac kasta ka eegto. Iskoolka gudaha Iswiidhan waa bilaash. Dhalinyarada ah laga bilaabo 16 sano ee wakhti buuxa wax bartaa waxay xaq u leeyihiin taageerada waxbarashada iyo laga yaabee kaalmada kabitaanka kirada. Tani micnaheedu waa inaad fursado fiican u haysato inaad keli ahaantaa doorato jidkaaga nolosha. Qaar badan waxay qoyskooda ka guuraan wakhti hore, laga yaabee si ay wax uga bartaan magaalo kale.

Adiga waxaa lagaa filayaa inaad tahay qof madax-banaan, laakiin waalidkaaga, wakiilkaaga ama qofka haysta mas'uuliyadaada sharci ayaa mas'uul kaa ah ilaa inta aad buuxinayso 18 sano oo noqonayso qaan gaar. Markaad tahay qof weyn oo dhalinyaro ah waa inaad wax badan is-dabari karto. Adigu waa inaad maareyso dhaqaalahaaga, waxbarashadaada ama shaqo, dhar dhaqid, nadaafada, cunto karinta oo xiriir la lahaato hey'adaha dawladeed. Waxyaabahan waxaad ku sii tababaranaysaa inta lagu jiro wakhtig aaad la nooshahay qoyskaaga, hoy ama hoyga qoyska. Waxyaabaha qaarkood waxaad ku baranaysaa iskoolka qaar kalena adigaa keligaa ogaanaya.

Xadka da'da ee muhiimka ka ah Iswiidhan

Xadyada da'da qaarkood waxay u jiraan si loo ilaaliyo caruurta iyo dhalinyarada, tusaale ahaan in aan la ogolayn in la bilaabo barashada wadida baabuurka ka hor intaanu qofku buuxin 16 sano.

Xadyada da'da ee kale waxay u jiraan in dadka dhalinyarada ag la siiyo xuquuqo, tusaale ahaan in qofku bilaabi karo inuu codeeyo xilliga doorashada marka la buuxiyo 18 sano.

Haddii waalidkaa doonayaan inaad badasho magacaaga dambe waa in marka hore adigu aad oggolaato.

Haddii aad buuxisay laba iyo toban sano ma la oggola in qoys kale ku soo korsado iyadoo adigu aanad ogolaan in qoys kale ku soo korsado. Laakiin xitaa ka hor intaanad buuxin laba iyo toban sano waxaad xaq u leedahay inaad sheegto fikirkaaga.

  • Adiga waxaa waajib kugu ah ciqaabta dembiga Tani micnaheedu waa in laguu ciqaabi karo dembi.
  • Adiga waxaa laguu ogolyahay inaad kaxaysato mooto (nooca 1).
  • Adigu waxaad daawan kartaa filimada caruurta mamnuuca ka ah ee shineemada.
  • Haddii baaskiilkaaga ama mootadaadu leedahay kursi ku haboon waxaa laguu ogolyahay inaad qof ku kaxayso. Qofkaasi waa inuu ka yaryahay 10 sano.
  • Galmada: Sharcigu wuxuu sheegayaa in qof aanu galmo la samayn karin qof ka yar 15 sano. Sharcigan maaha inay mamnuuc tahay in laba qof oo isku da' ah ama da' ahaan isku mid ah ay galmo wada sameeyaan laakiinse waxaa loogu talogalay in qof weyn laga joojiyo inuu ka faa'ideysto qof ka yar.
  • Ku khasbanaanta iskoolka ayaa joogsanaysa marka aad dhamayso fasalka sagaalaad.
  • Adigu waxaad geli kartaa shaqo caadi ah oo bilaa khatar ah, micnihii waxaad shaqayn kartaa 40 saacadood toddobaadkiiba. Laakiin shaqo-bixiyaha waxay mas'uuliyad dheeraad ahi ka saarantahay adigaaga aan qaan-gaarin marka la bar-bar dhigo dadka kula shaqeeya ee qaan-gaarka ah.
  • Adigu waad bilaabi kartaa shirkad gaar kuu ah.
  • Adigu keligaa ayaad go'aamin kartaa lacagta aad shaqayso.
  • Adigu waxaad qaadan kartaa liisanka mootada fudud iyo cagafta.
  • Adigu waxaad bilaabi kartaa inaad barato baabuur wadista.
  • Adigu waxaad samayn kartaa diiwaan-gelinta guurida oo aad keligaa saxeexi kartaa diiwaan-gelintan.
  • Waalidkaagu ma kugu helayaan lacagta kaalmada caruurta. Iminka waxaad helaysaa oo taas lagu badalayaa kaalmada waxbarashada haddii aad wax barato.

Sida ku cad sharciga waxaa istaagaysa waajibki waalidkaaga ee inay ku masruufaan marka aad buuxiso 18 sano. Tani micnaheedu waa in iyaga aanay waajib ku ahayn inay ku sii masruufaan. Laakiin haddii aad weli dhigato iskoolka waxaa waalidkaaga waajib ku ah inay ku masruufaan. Hadday sidaas tahay waa inay ku masuruufaan ilaa inta aad dhiganayso dugsiga sare ama ilaa inta aad buuxinayso 21 sano.

  • Adigu waxaad noqotay qaan-gaar.
  • Adigu waad guursan kartaa.
  • Adigu waad codeyn kartaa xilliga doorasho.
  • Adigu waad iibsan kartaa sigaar.
  • Adigu khamri waad ka iibsan kartaa maqaaxiyaha cuntada iyo biirka dukaamada.
  • Adigu waxaad qaadan kartaa liisanka baabuurka iyo mootada culus.

Adigu cabitaanada khamrigu ku jiro ayaad ka iibsan kartaa Sytembolaget.