Xilli firaaqaha, dhaqanka iyo nolosha jaaliyadaha

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 8/2-2023

Halkan waxaad ka akhrin kartaa dheeraad ku saabsan noocyada kala duwan ee hawlaha xilli firaaqaha.

Xilli firaaqaha caruurta iyo dhalinyarada

Xilli firaaqo waa wakhtiga aad adigu keli ahaantaa dooranaysid waxa aad doonaysid inaad samayso. In la lahaado xilli firaaqo waa muhiim. Waxaa jira hawlo xilli firaaqo oo badan oo kala duwan kuwaas oo ay
habeeyaan degmada aad adigu degantahay ama ururada iyo naadiyada. La xiriir degmadaada si aad u ogaato waxa ka jira halka aad degantahay ama ka akhri bogga intarnatka ee degmada.

Noocyada kala duwan ee hawlaha xilli firaaqaha ee caruurta iyo dhalinyarada

Gudaha degmooyinka waxaa badanaaba ka jira naadiyada xilli firaaqaha ee dhalinyarada u dhaxaysa 12 iyo 16 sano. Waxaa kale oo ka jiri kara naadiyada xilli firaaqaha ee dhalinyarada intaas ka sii weyn. Dhanka naadiga xilli firaaqaha waxaa laga helaa fursada ah in tusaale ahaan la daawado filim ama lala kulmo saaxiibada.

Marka laga yimaado naadiyada xilli firaaqaha waxay degmooyin badan leeyihiin hawlo gaar ah dhanka dhalinyarada. Laga yaabee naadiyada dhalinyarada ama goobaha kulanka halkaas oo dhalinyaradu ku kulmi karto kuna bilaabi karto mashruucyo kala duwan ama kooxo.

Naadiyada isboortiga waxay muhiim u yihiin caruur iyo dhalinyaro badan gudaha Iswiidhan. Halkaas waxay ku tababaran karaan isboortiyo kala duwan tusaale ahaan kubada cagta, faras wadida ama dabaasha.

Dhanka iskoolka dhaqanka waxay caruurtu ku baran karaan inay bartaan qalabka muusiga, heesida, daansiga, jilida masraxa iyo inay ku mashquulaan qaababka farshaxan ee kala duwan ka dib iskoolka.

Iskoolka dhaqanka wuxuu siiyaa caruurta iyo dhalinyarada fursada in laga qayb qaato barashada farshaxanka iyo hawl dhaqan ka dib iskoolka.

Degmo kastaa waxay leedahay maktabad. Maktabadu waxay u furantahay dadka oo dhan.

Maktabada waxaa laga helaabuugta caruurta iyo dhalinyarada oo ku qoran luqada kala duwan, joornaalo, wargeysyo, koorsooyin luqad, macluumaadka bulsho, muusig, filimo, kombiyuutaro iyo waxyaabo dheeraad ah. Wax kharash ah ma laha in buug laga amaahdo maktabada. Si loo amaahdo buugta waxaa loo baahanyahay kaarka amaahda. Kaarka amaahda waa bilaash. Wakhtiga amaahda badanaaba waa 4 toddobaad, laakiin wuu ka gaabnaan karaa, ka hubso warqadaada rashiidhka!

Nolosha jaaliyada ee caruurta iyo dhalinyarada

Waxaa jira jaaliyado iyo naadiyo badan gudaha Iswiidhan. Waxaa jira naadiyo dhanka dhamaan xiisooyinka suurtagal ah. Naadiyo isboorti, naadiyo filim, wehelka masraxa, jaaliyadaha ciyaaraha, dhaq-dhaqaaqa sahamiska, jaaliyadaha qawmiyadaha,
jaaliyadaha ku tamashlaynta banaanka, jaaliyadaha sawirlayda iyo wax kaloo badan. Iyadoo aad ka mid ahaato jaaliyad waxaad helaysaa inaad ka qayb qaadato wax aad u aragto inay xiiso leedahay. Halkaas waxaad xitaa ku baranaysaa dad kale oo aad isku xiiso tihiin.