Goobaha internetka ee leh macluumaad, talo iyo taageero

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 13/12-2023

Terrafem waxay leedahay sanado badan oo ah waayo-aragnimada in la taageero haweenka iyo gabdhaha lagu dhibaateeyay dagaal. Iyagu waxay ku hadlaan luqado badan oo kala duwan.

Unizon wuxuu ururinayaa in ka badan 130 xarrumo dumar, xarrumo gabdho iyo xarrumo kaalmeeyn ah kuwaaso ka shaqeynaya bulsho simman oo ka maran gacan ka hadal.

Khadka nabadgelinta dumarka waa telefoon lambar oo qaranka, wuxu quseeyaa adiga hanjabaad iyo jirdil la kulmay.

Killfrågor.se waa wadasheekeysi kaalmo ah oo wiilasha iyo kuwa bedelay jinsigooda ee da'dooda u dhexeyso 10 illaa 18 sano ay kula sheekeysan karaan ayagoo qarsoon dad mutadawiciin ah.

1000 Möjligheter waxey ku siin kartaa caawinaad iyo kaalmo adiga ka yar 25 sano kaasoo soo dareemay ama dareensan in lagu xadgudbay dareenkiisa galmo.

Transföreningen FPES, , Full Personality Expression Sweden, waxay cod u yihiin dadka jecel inay noqdaan jinsi aanay ahayn ee bulshada ku jira. Ururkan wuxuu ka shaqeeyaa warbixinaha ku saabsan arrimaha dadka jecel inay noqdaan jinsi aanay ahayn.

ROKS waxay haysataa qiyaasti 120 ah xubnaha heeganka kuwaas oo taageero iyo gabood siiyaa haweenka, gabdhaha iyo caruurta lagu dhibaateeyay dagaal kaga yimi ragga, iyo haweenka ku jira xiriirka naagaha jecel naagaha kale.

Khadka kaalmada ee Rädda barnen waa khad kaalmo oo luqado badan looguna tala galay ilmaha iyo dhalinyarada. Adiga wacaya waxaad ahaan kartaa mid aan la garaneyn. Dadka qaan gaarka ah ee ka jawaabaya waxey waayo arag ku yihiin iney dhageystaan waadna hadli kartaa, isla markaasna waxaad heleysaa talo iyo kaalmo oo luqadaada hooyo ah.

Carruurta iyo iyo dhalinyarada ee ilaa 18 sano ah waxey si qarsoodi iyo kharash la'aan ah u tagi karaan BRIS marka ay u baahan yihiin kaalmo dadka weyn ah.

Halkan waxaad ka akhrisan kartaa, kana fiirsan kartaa filmaan ku aaddan galmada, caafimaadka iyo xiriirrada iyo wax fara badan oo dheeraad ah.

Heegan gabdho- iyo dumar oo dumarka loo geysto dhibaatada siinaya deegaan gabbaad ah iyo talo iyo taageero khadka taleefanka ah. Waxay ku hadlaan luqado aad u fara badan oo kale duwan.

Ururka dalladda guud ee ka warbixinta galmada - RFSU (Riksförbundet för sexuell upplysning).

Ururka dalladda guud ee sinnaanta xuquuqda galmada - RFSL (Riksförbundet för sexuellt likaberättigande).

Dhinaca kollpasoc.se waxaad ka helaysaa caawimaada in la helo taageero, macluumaad ku saabsan waxa adeega arrimaha bulshadu sameeyaan isla markaana laga helayaa caawimaada in la fahmo erayada adag ee aad la kulmi karto marka lala joogo adeega arrimaha bulshada.