Dugsi

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 27/3-2024

Waxaa jiro sharciyo kala duwan oo ka hadlaayo habka uu iskuulka ahanaayo si dhamaan caruurta iyo dhalinyarade ee hormari karaan sida ugu fiican. Iskuulku tusaale ahaan waxuu tixgalinaa ardayda baahidooda kala duwan. Qorshooyin waxbarasho ee kala duwan ayaa jiro oo ka waramaayo waxa laga baranaayo maadooyinka kala duwan iyo fasalada. Halkan waxaad ka akhrin kartaa wixii ku saabsan iskoolka Iswiidhan.

Iskoolku wuxuu leeyahay hadafyo kala duwan oo u dejisan. Waxaa jira hadafyo dhanka dugsiga hoose-dhexe ah oo guud iyo waxaa jira hadafyo loogu talogalay in lagu go'aamiyo haddii arday ku baasay maado. Waxaa jira sharaxaado dhanka waxa ay tahay inaad barato dhanka maadooyinka kala duwan iyo waxa ay tahay inaad awoodo si aad uga baxdo iskoolka.

Waxa ay tahay in qofku awoodo si gaaro heer cayiman iyo si loo awoodo in la sii gudbo waxay ku sharaxantahay waxa lagu magacaabo manhajka waxbarasho ee dugsiga hoose-dhexe iyo dugsiga sare.

Xilliga sanad-dugsiyeedyada 1-5 wuxuu ardaygu helaa qiimeyn dhanka maado kastaba. Qiimeyntan waxaa loogu talogalay inaad ku ogaato halka aad ka marayso dhanka maadooyinkan kala duwan.

Laga bilaabo sanad-dugsiyeedka 6 waxaad heli doontaa shahaado hal mar calaa nus sanadeedkii. Dhamaan maadooyinka dugsiga dhexe waxay leeyihiin shuruuda aqoonta. Shuruudaha aqoonta waxaa loogu talogalay inay sheegaan waxa ardaygu u baahanyahay si uu u gaaro shahaado cayiman. Darajada shahaado waxay leedahay lix darajo, laga bilaabo A ilaa F. Waxaa jira shan darajo dhanka baasida A, B, C, D iyo E. F waxay tahay in ardaygu aanu baasin.

Dhanka dugsiga sare waxay ardaydu shahaado ku helaan koorso kasta oo la dhamaystiray iyo shaqada dugsiga sare. Dhamaan koorsooyinka dugsiga sare waxay leeyihiin shuruuda aqoonta. Shuruudaha aqoonta waxaa loogu talogalay inay sheegaan waxa ardaygu u baahanyahay si uu u gaaro shahaado cayiman. Ka dib waxbarashadan waxaad helaysaa cadaynta shahaado haddii aad buuxisay shuruuda shahaadadan, haddii kale waxaa iskoolkan bixinayaa caddayn waxbarasho.

Iswiidhan waxaa ka jiro Waajib Iskuul dhigasho illaa dugsiga hoose -dhexe. Waajibka iskuul dhigashada waa xuquuq iyo waajib labadaba. Taasi macnaheedu waxa waaye inaad xaq u leedahay waxbarasho aasaasi ah, sidoo kale macnaheedu waa in aad ka qeyb qaadaneeyso waxa uu iskuulka qabanqaabiyo.

Waa waajib iskuul laga bilaabo sanadka ilmuhu buuxinayo lix jir ilaa ilmuhu ka baxayo fasal sanadeedka ugu sareeya ee dugsiga hoose-dhexe ama buuxinayo 18 jir.

Haddii aadan keenin waxbarashada la iska rabo marka waajibka iskuulka uu dhamaanayo, waxaad xaq uu leedahay in aad waxbarashada dhameeystirto muddo laba sano gudaheed ah. Taas macnaheedu maahan in la dheereeyey waajibka iskuul dhigashada. Waxaad kaloo dooran kartaa inaad bilaawdo barnaamijka hordhaca ee dugsiga sare. Waa adiga qofka dooranayo haddii aad sii joogeyso dugsiga hoose -dhexe ama aad bilaabeyso barnaamijka hordhaca ee dugsiga sare. Waajibka waxbarashada ma khuseeyo dugsiga sare lakiin adiga dhigta barnaamij dugsiga sare waxa lagaa filayaa inaad ka qeyb qaadato waxbarashada.

Ugu yaraan hal mar nus sanad-dugsiyeed kastaba waa in macalinka, ardayga (adiga) iyo qofka wakiilka kaa ah ama waalidkaa yeelataan kulanka horumarinta. Xilliga kulanka horumarinta waxaa laga hadlaa sida ugu fiican ee lagaaga caawin karo inaad horumarto. Waxaa laga hadlaa horumarka aqoonta iyo horumarka dad la dhaqan labadaba.

Adigu arday ahaan waxaad xaq u leedahay hawlo taageero gudaha iskoolka haddii aad khatar ugu jirto in aanad gaarin shuruuda aqoonta ee dhanka hal ama dhowr maado. Tani waxay ahaan kartaa baahida waafajin dheeraad ah ama taageero gar ah. Waafajinta dheeraadka ah badanaaba way ka yartahay hawlaha taageerida ee gudaha waxbarashada caadiga ah.

Haddii arday helay waafajin dheeraad ah khatar ugu jiro in aanu gaarin shuruuda aqoonta waa in macalinku arrintan wargeliyo maamulaha iskoolka. Maamulaha iskoolka ayaa baaraya haddii ardaygan u baahanyahay taageero gaar ah. Haddii baaritaankan muujiyo in ardaygu u baahanyahay taageero gaar ah waa in iskoolku sameeyo barnaamijka talaabooyinka la qaadayo.

Waa wax iskeed loo doorto in la aado dugsiga sare. Dugsiga sare waxaad ka dhigan kartaa barnaamijyo qaran oo kala duduwan ama barnaamijyo hordhac ah. Barnaamijyada qaranka waxaa ku jira barnaamijyo xirfadeed iyo barnaamijyada isu diyaarinta jaamicadda.

Si aad u hesho barnaamij xirfadeed waxaa lagaa rabaa inaad haysato shahaaddo baasitaan oo ku aaddan af Iswiidhishka ama af Iswiidhish oo luqad labaad ahaan ah, af Ingiriisi, xisaab iyo shan maaddo oo dheeraad ah. Micnhii waxaa loo baahanyahay shahaaddo baasitaan ah ku aaddan isu geyn siddeed maaddo.

Si aad u awoodo inaad tegi karto barnaamijka u diyaarinta jaamicada waxaa loo baahanyahay in aad ku baastay iswiidhishka ama iswiidhishka oo luqad labaad ahaan ah, ingiriisi, xisaab iyo sagaal maado oo dheeraad ah. Waxay tahay in loo baahanyahay ku baasida isu geyn laba iyo toban maado.

Haddii u qalmin barnaamijyada qaranka waxaad wax ka baran kartaa mid ka mid ah barnaamijyada hordhaca ah. Barnaamijyada hordhaca way dabacsan yihiin markay noqoto dhinaca xawaaraha waxbarasho, baaxadda iyo nuxurka. Barnaamijyadan waa inay xitaa yihiin kuwo la waafajiyo aqoonta aad horey u haysatay iyo baahidaada.

Haddii aanad helin shahaado lagu geli karo jaamicad ama kuliyad dhanka waxbarashada dugsiga sare waxaa jira doorashooyin kale.

Haddii aad hayso aragtiyo ama aanad ku qanacsanayn wax ku saabsan iskoolkaaga waa inaad ugu horeyn la xiriirtaa macalinka ama maamulaha iskoolkaaga.

Haddii aad dareemayso in macalinka ama maamulaha iskoolka aanay ku dhagaysanayn waxaad la xiriiri kartaa mas'uuliyiinta iskoolkan. Mas'uuliyiintu waa degmada dhanka iskool degmo iyo hogaanka dhanka iskoolada madaxa banaan. Haddii weli aanad u arkin in aragtidaada la tix-geliyay waxaad ashkato u gudbin kartaa Kormeerka Iskoolada. Kormeerka iskoolada waa hey'ad dawladeed oo ka warhaysa shaqada iskoolada.

Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin inay amaan ku helaan gudaha iskoolka. Haddii si kastaba ha ahaatee laguula dhaqmay si xun ama lagu faquuqay waa in iskoolku ku caawiyo. Waxaad la xiriiri kartaa Wakiilka caruurta iyo ardayda (BEO) haddii si xun ay kuula dhaqmeen ardayda kale ama dadka waaweyn ee jooga iskoolka.

Nidaamka iskoolada

Nidaamka iskoolada ee iswiidhishka wuxuu ka koobanyahay hawlo kala duwan oo badan iyo qaabab waxbarasho. Halkan hoose waxaa ku qoran guud mar yar.

Dugsiga xanaanada

Dugsiga xanaanada waa hawl kooxeed wax barid looguna talogalay caruurta laga bilaabo 1 sano ilaa iyo bilowga iskoolka. Caruurtu waxay dugsiga xanaanada ku bilaabaan da'yo kala duwan waxayna ka qayb qaataan wakhtiyo dhererkoodu kala duwanyahay. Hawsha dugsiga xanaanada waa inay u suurto-geliso waalidka inay waalidnimada ku dhex daraan shaqo ama waxbarasho.

Fasalka barbaarinta

Fasalka barbaarinta waa nidaam iskool oo waajib ah. Caruurta badankoodu waxay dhigtaan fasalka barbaarinta laga bilaabo bilowga sanad dugsiyeedka ay buuxinayaan 6 sano. Waxbarashadan waa inay dar-dargeliso caruurta horumarkooda una diyaariso waxbarasho sii socota.

Hoyga xilli firaaqaha

Degmooyinka waxaa waajib ku ah inay bixiyaan hoyga xilli firaaqaha ilaa iyo nus sanad-dugsiyeedka xilliga gu'ga ee ilmuhu buuxinayo 13 sano. Degmooyinku waxay bixin karaan hawsha hoyga xilli firaaqaha oo furan taas oo baddel u ah hoyga xilli firaaqaha laga bilaabo nus sanad-dugsiyeedka bilaabma dayrta ee ilmahani buuxinayo 10 sano. Hoyga xilli firaaqaha waa inuu dhamaystir u ahaado fasalka barbaarinta iyo iskoolka si loogu suurto-geliyo waalidka inay waalidnimada ku dhex daraan shaqo ama waxbarasho.

Xanaanada wax barida

Degmooyinku waa inay ku dadaalaan inay baddelka dugsiga xanaanada ama hoyga xilli firaaqaha siiyaan caruurta xanaano wax barid haddii sidaas la doonayo.

Waxbarashada dugsiga hoose-dhexe

Waa waajib iskuul laga bilaabo sanadka ilmuhu buuxinayo lix jir ilaa ilmuhu ka baxayo fasal sanadeedka ugu sareeya ee dugsiga hoose-dhexe ama buuxinayo 18 jir.

Iskoolka gaarka ah

Waajibka iskoolka waxay bilaabantaa qaybta deyrta ee sanadka uu ilmuhu buuxinayo lix jir. Fasalka barbaarinta waa khasab. Iskoolka gaarka ah wuxuu leeyahay waxbarasho laga bilaabo fasalka barbaarinta ilaa fasalka 10.

Dugsi hoose-dhexe oo la habboonaysiiyay

Dugsi hoose-dhexe ee la habboonaysiiyay waa inuu dhammaan carruurta leh hoos u dhac awoodda garaadka ah siiyo waxbarasho lagu habboonaysiiyay ilmo walba awoodihiisa.

Waxbarashada dugsiga sare

Waxbarashada dugsi sare waxay bixisaa aqoonta aasaasiga ah ee sii wadashada waxbarasho iyo dhinac nolol xirfadeed oo mustaqbalka ah. Xagga dugsiga sare waxaa laga helaa 18 ah barnaamijyada dugsiga sare: lix ah barnaamijyada isu diyaarinta jaamicad iyo 12 ah barnaamijyo xirfadeed. Waxa kale oo jira lix ah barnaamijyada dugsiga sare ee dalka oo dhan laga dooran karo iyo afar ah barnaamijyada hordhaca ah.

Dugsiga sare ee la habboonaysiiyay

Waxaa jira barnaamijyo qaran iyo barnaamijyo gaar ah oo la kala doorto. Ka hor intaan arday bilaabin dugsiga sare ee la habboonaysiiyay ayaa degmadu samaysaa qiimeyn waxbarasho, cilmi-nafsi, caafimad iyo bulsho ahaan ah si loo ogaado haddii ay tani tahay qaabka iskuul ee sax u ah ardayga.