Dugsi

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 5 7 2019

Waxaa jiro sharciyo kala duwan oo ka hadlaayo habka uu iskuulka ahanaayo si dhamaan caruurta iyo dhalinyarade ee hormari karaan sida ugu fiican. Iskuulku tusaale ahaan waxuu tixgalinaa ardayda baahidooda kala duwan. Qorshooyin waxbarasho ee kala duwan ayaa jiro oo ka waramaayo waxa laga baranaayo maadooyinka kala duwan iyo fasalada. Halkan waxaad ka akhrin kartaa wixii ku saabsan iskoolka Iswiidhan.

  • Hadafka dhanka koorsooyinka sanadaha kala duwan iyo maadooyinka iskoolka

    Iskoolku wuxuu leeyahay hadafyo kala duwan oo u dejisan. Waxaa jira hadafyo dhanka dugsiga hoose-dhexe ah oo guud iyo waxaa jira hadafyo loogu talogalay in lagu go'aamiyo haddii arday ku baasay maado. Waxaa jira sharaxaado dhanka waxa ay tahay inaad barato dhanka maadooyinka kala duwan iyo waxa ay tahay inaad awoodo si aad uga baxdo iskoolka.

    Waxa ay tahay in qofku awoodo si gaaro heer cayiman iyo si loo awoodo in la sii gudbo waxay ku sharaxantahay waxa lagu magacaabo manhajka waxbarasho ee dugsiga hoose-dhexe iyo dugsiga sare.

  • Qiimeynta iyo shahaado

    Xilliga sanad-dugsiyeedyada 1-5 wuxuu ardaygu helaa qiimeyn dhanka maado kastaba. Qiimeyntan waxaa loogu talogalay inaad ku ogaato halka aad ka marayso dhanka maadooyinkan kala duwan.

    Laga bilaabo sanad-dugsiyeedka 6 waxaad heli doontaa shahaado hal mar calaa nus sanadeedkii. Dhamaan maadooyinka dugsiga dhexe waxay leeyihiin shuruuda aqoonta. Shuruudaha aqoonta waxaa loogu talogalay inay sheegaan waxa ardaygu u baahanyahay si uu u gaaro shahaado cayiman. Darajada shahaado waxay leedahay lix darajo, laga bilaabo A ilaa F. Waxaa jira shan darajo dhanka baasida A, B, C, D iyo E. F waxay tahay in ardaygu aanu baasin.

    Dhanka dugsiga sare waxay ardaydu shahaado ku helaan koorso kasta oo la dhamaystiray iyo shaqada dugsiga sare. Dhamaan koorsooyinka dugsiga sare waxay leeyihiin shuruuda aqoonta. Shuruudaha aqoonta waxaa loogu talogalay inay sheegaan waxa ardaygu u baahanyahay si uu u gaaro shahaado cayiman. Ka dib waxbarashadan waxaad helaysaa cadaynta shahaado haddii aad buuxisay shuruuda shahaadadan, haddii kale waxaa iskoolkan bixinayaa caddayn waxbarasho.

  • Waajibka iskool dhigashada

    Iswiidhan waxaa ka jiro Waajib Iskuul dhigasho illaa dugsiga hoose -dhexe. Waajibka iskuul dhigashada waa xuquuq iyo waajib labadaba. Taasi macnaheedu waxa waaye inaad xaq u leedahay waxbarasho aasaasi ah, sidoo kale macnaheedu waa in aad ka qeyb qaadaneeyso waxa uu iskuulka qabanqaabiyo.

    Waajibka iskool dhigashada waxay bilaabantaa xilliga dayrta ee sanadka ilmahani buuxinayo 6 sano. Fasalka barbaarinta waa khasab. Haddii ay jiraan sababo gaar ah ma bilaabanto waajibka iskool dhigashadu ilaa iyo ka hor xilliga dayrta ee ilmahani buuxinayo 7 sano. Xaaladaha qaarkood waxaa suurtagal ah in toos loo bilaabo dugsiga hoose-dhexe, dugsiga hoose-dhexe ee caruurta laxaadkoodu kala dhantaalanyahay ama iskool gaar ah. Waajibka iskool dhigashadu waxay badanaaba ansax tahay xilli ah toban sano.

    Haddii aadan keenin waxbarashada la iska rabo marka waajibka iskuulka uu dhamaanayo, waxaad xaq uu leedahay in aad waxbarashada dhameeystirto muddo laba sano gudaheed ah. Taas macnaheedu maahan in la dheereeyey waajibka iskuul dhigashada. Waxaad kaloo dooran kartaa inaad bilaawdo barnaamijka hordhaca ee dugsiga sare. Waa adiga qofka dooranayo haddii aad sii joogeyso dugsiga hoose -dhexe ama aad bilaabeyso barnaamijka hordhaca ee dugsiga sare. Waajibka waxbarashada ma khuseeyo dugsiga sare lakiin adiga dhigta barnaamij dugsiga sare waxa lagaa filayaa inaad ka qeyb qaadato waxbarashada.

  • Kulanka horumarinta

    Ugu yaraan hal mar nus sanad-dugsiyeed kastaba waa in macalinka, ardayga (adiga) iyo qofka wakiilka kaa ah ama waalidkaa yeelataan kulanka horumarinta. Xilliga kulanka horumarinta waxaa laga hadlaa sida ugu fiican ee lagaaga caawin karo inaad horumarto. Waxaa laga hadlaa horumarka aqoonta iyo horumarka dad la dhaqan labadaba.

  • Waafajin dheeraad ah iyo taageero gaar ah

    Adigu arday ahaan waxaad xaq u leedahay hawlo taageero gudaha iskoolka haddii aad khatar ugu jirto in aanad gaarin shuruuda aqoonta ee dhanka hal ama dhowr maado. Tani waxay ahaan kartaa baahida waafajin dheeraad ah ama taageero gar ah. Waafajinta dheeraadka ah badanaaba way ka yartahay hawlaha taageerida ee gudaha waxbarashada caadiga ah.

    Haddii arday helay waafajin dheeraad ah khatar ugu jiro in aanu gaarin shuruuda aqoonta waa in macalinku arrintan wargeliyo maamulaha iskoolka. Maamulaha iskoolka ayaa baaraya haddii ardaygan u baahanyahay taageero gaar ah. Haddii baaritaankan muujiyo in ardaygu u baahanyahay taageero gaar ah waa in iskoolku sameeyo barnaamijka talaabooyinka la qaadayo.

  • Dugsiga sare

    Maaha khasab in la tago dugsiga sare. Dhinaca dugsiga sare waxaad dhigan kartaa barnaamijyada qaran ee kala duwan ama barnaamijka soo gelida. Dhinaca barnaamijyada qaran waxaa ka jira barnaamijyada u diyaarinta xirfada iyo barnaamijyada u diyaarinta jaamicada.

    Si aad u awoodo inaad tegi karto barnaamijka u diyaarinta xirfada waxaa loo baahanyahay in aad ku baastay iswiidhishka ama iswiidhishka oo luqad labaad ahaan ah, ingiriisi, xisaab iyo shan maado oo dheeraad ah. Waxay tahay in loo baahanyahay ku baasida isu geyn sideed maado.

    Si aad u awoodo inaad tegi karto barnaamijka u diyaarinta jaamicada waxaa loo baahanyahay in aad ku baastay iswiidhishka ama iswiidhishka oo luqad labaad ahaan ah, ingiriisi, xisaab iyo sagaal maado oo dheeraad ah. Waxay tahay in loo baahanyahay ku baasida isu geyn laba iyo toban maado.

    Haddii adigu aanad geli karin barnaamijyada qaran waxaad dhigan kartaa mid ka mid ah barnaamijyada soo gelida. Barnaamijyada soo gelida way dabacsanyihiin markay noqoto xawaaraha waxbarasho, baahsanaanta iyo nuxurka. Barnaamijyadani waa inay xitaa waafaqsanaadaan aqoontaad hore u haysatay iyo baahidaada.

  • Waxaa jira doorashooyin kale

  • Haddii aad hayso aragtiyo ama aanad ku qanacsanayn wax ku saabsan iskoolka

    Haddii aad hayso aragtiyo ama aanad ku qanacsanayn wax ku saabsan iskoolkaaga waa inaad ugu horeyn la xiriirtaa macalinka ama maamulaha iskoolkaaga.

    Haddii aad dareemayso in macalinka ama maamulaha iskoolka aanay ku dhagaysanayn waxaad la xiriiri kartaa mas'uuliyiinta iskoolkan. Mas'uuliyiintu waa degmada dhanka iskool degmo iyo hogaanka dhanka iskoolada madaxa banaan. Haddii weli aanad u arkin in aragtidaada la tix-geliyay waxaad ashkato u gudbin kartaa Kormeerka Iskoolada. Kormeerka iskoolada waa hey'ad dawladeed oo ka warhaysa shaqada iskoolada.

  • Wakiilka caruurta iyo ardayda (BEO)

    Dadka oo dhan waxay xaq u leeyihiin inay amaan ku helaan gudaha iskoolka. Haddii si kastaba ha ahaatee laguula dhaqmay si xun ama lagu faquuqay waa in iskoolku ku caawiyo. Waxaad la xiriiri kartaa Wakiilka caruurta iyo ardayda (BEO) haddii si xun ay kuula dhaqmeen ardayda kale ama dadka waaweyn ee jooga iskoolka.

Nidaamka iskoolada

Nidaamka iskoolada ee iswiidhishka wuxuu ka koobanyahay hawlo kala duwan oo badan iyo qaabab waxbarasho. Halkan hoose waxaa ku qoran guud mar yar.

Dugsiga xanaanada

Dugsiga xanaanada waa hawl kooxeed wax barid looguna talogalay caruurta laga bilaabo 1 sano ilaa iyo bilowga iskoolka. Caruurtu waxay dugsiga xanaanada ku bilaabaan da'yo kala duwan waxayna ka qayb qaataan wakhtiyo dhererkoodu kala duwanyahay. Hawsha dugsiga xanaanada waa inay u suurto-geliso waalidka inay waalidnimada ku dhex daraan shaqo ama waxbarasho.

Fasalka barbaarinta

Fasalka barbaarinta waa nidaam iskool oo waajib ah. Caruurta badankoodu waxay dhigtaan fasalka barbaarinta laga bilaabo bilowga sanad dugsiyeedka ay buuxinayaan 6 sano. Waxbarashadan waa inay dar-dargeliso caruurta horumarkooda una diyaariso waxbarasho sii socota.

Hoyga xilli firaaqaha

Degmooyinka waxaa waajib ku ah inay bixiyaan hoyga xilli firaaqaha ilaa iyo nus sanad-dugsiyeedka xilliga gu'ga ee ilmuhu buuxinayo 13 sano. Degmooyinku waxay bixin karaan hawsha hoyga xilli firaaqaha oo furan taas oo baddel u ah hoyga xilli firaaqaha laga bilaabo nus sanad-dugsiyeedka bilaabma dayrta ee ilmahani buuxinayo 10 sano. Hoyga xilli firaaqaha waa inuu dhamaystir u ahaado fasalka barbaarinta iyo iskoolka si loogu suurto-geliyo waalidka inay waalidnimada ku dhex daraan shaqo ama waxbarasho.

Xanaanada wax barida

Degmooyinku waa inay ku dadaalaan inay baddelka dugsiga xanaanada ama hoyga xilli firaaqaha siiyaan caruurta xanaano wax barid haddii sidaas la doonayo.

Waxbarashada dugsiga hoose-dhexe

Waajibka iskool dhigashada waxay bilaabantaa xilliga dayrta ee sanadka ilmahani buuxinayo 6 sano. Fasalka barbaarinta waa khasab. Haddii ay jiraan sababo gaar ah ma bilaabanto waajibka iskool dhigashadu ilaa iyo ka hor xilliga dayrta ee ilmahani buuxinayo 7 sano. Xaaladaha qaarkood waxaa suurtagal ah in toos loo bilaabo dugsiga hoose-dhexe, dugsiga hoose-dhexe ee caruurta laxaadkoodu kala dhantaalanyahay ama iskool gaar ah. Waajibka iskool dhigashadu waxay badanaaba ansax tahay xilli ah toban sano.

Iskoolka caruurta laxaadkoodu kala dhantaalanyahay

Iskoolka caruurta laxaadkoodu kala dhantaalanyahay waa inuu dhamaan caruurta leh dhibaato horumarineed siiyaan waxbarasho ku haboon ilmo kastaba awoodihiisa.

Waxbarashada dugsiga sare

Ardaydu waxay codsan karaan barnaamijyada qaran ee u sii diyaarinta jaamicad ama u sii diyaarinta xirfad iyo shanta barnaamijyada la qabsashada ah ee kala duwan haddii qofku aanu diyaar u ahayn barnaamijyada qaranka. Waxbarashada dugsiga sare waxay bixisaa aqoonta aasaasiga ah si loo sii wato waxbarasho iyo nolol xirfadeed dhanka mustaqbalka.

Dugsiga sare ee caruurta laxaadkoodu kala dhantaalanyahay

Waxaa jira barnaamijyo qaran iyo barnaamijyo shakhsiyan ah oo la kala dooran karo. Ka hor intaan arday bilaabin dugsiga sare ee caruurta laxaadkoodu kala dhantaalanyahay waxaa degmadu samaysaa qiimeyn waxbarasho, cilmi-nafsi, dhakhtareed iyo bulsho ahaan ah si loo ogaado haddii tani tahay qaabka iskool ee saxda u ah ardaygan.