Waxbarasho

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 14/12-2023

Waxaa jira waxbarashooyin kala duwan oo badan looguna talogalay dadka waaweyn.

Waxaa jira waxbarashooyin ah:

  • Heerka dugsiga hoose-dhexe
  • Heerka dugsiga sare
  • Heerka dugsiga sare ka dambeeya

Haddii aad ka weynaatay inaad wax ka barato dugsiga hoose-dhexe ama dugsiga sare waxaad taas baddelkeeda aad tusaale ahaan wax ka baran kartaa waxbarashada dadka waaweyn ee degmada ama dugsiga dadka waaweyn. Dhinaca heerka dugsiga hoose-dhexe waxaad baranaysaa maadooyin u dhigma kuwa lagu barto dugsiga hoose-dhexe. Dhinaca heerka dugsiga sarena waxaad ku baranaysaa maadooyin u dhigma kuwa lagu barto dugsiga sare.

Haddii aad dhamaysatay waxbarasho dugsiga sare ah waxaad sii wadan kartaa inaad wax ka barato heerka dugsiga sare ka dambeeya, tusaale ahaan jaamicad sare, jaamicad ama machadka xirfada.