Kaalmada iyo amaahda laga helo CSN

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 22/2-2023

In wax lagu barto Iswiidhan badanaaba waa bilaash. Waxaad codsan kartaa noocyo kaalmooyin oo kala duwan iyo amaah laga helo Guddiga ammuuraha kaalmada iyo waxbarashada ardayda, CSN, si aad u daboosho kharashyadaada xilliga wakhtiga aad waxbaranayso.  

Waxaad codsan kartaa kaalmo iyo amaah haddii aad heshay sharciga deganaansho. Nooca kaalmada iyo amaahda aad codsan karto waxay ku xirantahay da'daada iyo nooca heerka aad wax ku barato.

Daawo filimka CSN ee ku saabsan kaalmooyinka kala duwan iyo amaahda

Taageerada waxbarasho

Haddii aad wax ka barato dugsiga sare waxaad heli kartaa taageerada waxbarasho ilaa iyo nuska dambe ee sanad dugsiyeedka aad buuxinayso 20 sano. Taageerada waxbarasho waxay ka koobantahay kaalmooyin kala duwan, tusaale ahaan kaalmada dhaqaale ee waxbarasho iyo kaalmo dheeraad ah.

Kaalmada dhaqaale ee waxbarasho waad codsan kartaa marka aad buuxiso 16 sano ee aad wax ka barato dugsiga sare. Waa inaad wax barataa wakhti buuxa.

Kaalmada dheeraadka ah waa kaalmo aad codsan karto haddii qoyskaaga lacagta ay shaqeeyaan yartahay. Hadii aad ka yartahay 18 sano oo aad Iswiidhan timi iyadoo waalidkaa aanay kula socon, markaasi waa lacagta aad adigu shaqayso waxa la xisaabinayaa.

Haddii aad ka maqnaato iskoolka markaasi xaq ma u lihid kaalmadan. Markaasi CSN way joojinaysaa lacagta ay bixiso oo xitaa waxaa dhici karta in lagaaga baahdo inaad dib u bixiso lacagtan. Xitaa kaalmooyinka kale ee adiga iyo qoyskaagu aad heshaan way ku yeelan karaan raad, tusaale ahaan kaalmada kirada guriga iyo kaalmada caruurta badan ee laga helo Qasnada Caymiska.

Kaalmada waxbarasho

Laga bilaabo 1 Julaay ee sanadka aad buuxiso 20 sano ayaad codsan kartaa kaalmada dhaqaale ee waxbarasho. Haddii aad wax ka baran doonto waxbarasho heerka dugsiga sare ka dambeysa, markaasi waad codsan kartaa kaalmada dhaqaale xitaa haddii aad ka yartahay 20 sano.

Lacagta waxbarasho waxay ka koobantahay kaalmo iyo amaah. Adigu ma ku khasbanid inaad amaahato lacag. Waxaad dooran kartaa inaad codsato kaalmada oo keliya haddii aad doonaysid. Waa inaad buuxisaa shuruudaha kala duwan si aad u yeelato xaqa in la helo taageero waxbarasho, tusaale ahaan waa inaad wax barataa ugu yaraan wakhti kala bar ah.

Haddii adigu aad haysato mas'uuliyada sharci ee caruur waxaad heli kartaa gunno dheeraad ah. Tani waxaa lagu magacaabaa kaalmada dheeraadka ah.

Haddii aad amaahato lacag waa inaad dib u bixisaa. Waa inaad dib u bixisaa lacagtan xitaa haddii aad ka guurto Iswiidhan. Inta ay leegtahay lacagta aad bixinaysaa iyo dhererka wakhtiga waxay ku xirantahay inta ay leegtahay amaahda aad qaadatay iyo inta ay leegtahay ribadu.

Taageerada bilaabida waxbrasho

Miyaad ahayd bilaa shaqo wakhti dheer oo u baahantahay inaad dhigato waxbarasho dugsi sare si aad u hesho shaqo? Markaas waxaad xaq u yeelan kartaa taageerada bilaabida waxbarasho. Waa kaalmo aad heli karto inta lagu jiro qiyaastii hal sano si wax looga barto waxbarashada dadka waaweyn ama kuliyadda dadka waaweyn. Si loo helo xaqa taageerada bilaabid waxbarasho waa inaad bilaa shaqo tahay wakhti buuxa una dhaxayso 25 iyo 60 jir. Waxaa xitaa jira dhowr shuruudo oo ay tahay inaad buuxiso.

Waxaad kaalmada bilaabida waxbarasho ka codsanaysaa degmada aad ku nooshahay. Gacan yarahaaga jooga Xafiiska Shaqada ama degmada ayaa kuu sheegi kara qofka ay tahay inaad la xiriirto.