Waxbarashooyinka kala duwan

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 14/12-2023

Adigaaga doonaya inaad wax barato waxaad kala dooran kartaa waxbarashooyin kala duwan iyadoo ay ku xirantahay waxaad doonaysid inaad barato, haddii aad hore wax u soo baratay iyo qaabka waxbarasho ee kugu haboon. Halkan waxaa ku jirta warbixin ku saabsan waxbarashooyinka kala duwan ee dadka waaweyn.

Degmada ayaa diyaarisa waxbarashada dadka waaweyn ee heerka dugsiga hoose-dhexe iyo heerka dugsiga sare. Tani waxaa lagu magacaabaa Komvux. Komvux waxaa loogu talogalay adigaaga u baahan inaad dhigato maadooyin ama koorsooyin ah heerka dugsiga hoose-dhexe ama dugsiga sare, laakiin ka weynaaday inaad wax ka barato dugsi-hoose dhexe ama dugsi sare.

Adigu waxaad dhigan kartaa Komvux haddii aad buuxisay 20 sano, aad ka diiwaan gashantahay ama ka diiwaan gashanaan doonto degmo isla markaana aanad haysan aqoonta ay waxbarashadani ay tahay inay bixiso.

Ka hor waxbarashadan waxaa la qiimeeyaa aqoontaada, waa si ay waxbarashadani ugu bilaabmi karto heer sax ah. Waxaad Komvux ka dhigan kartaa hal ama dhowr koorso. Waxaad wax baran kartaa wakhti buuxa ama wakhti kala bar ah. Ka din waxaad sii wadan kartaa inaad wax ka barato jaamicad, machad xirfad ama inaad bilowdo shaqo.

Magdhawga maalmeed marka aad wax ka barato Komvux

Haddii aad wax ka barato Komvux oo aanad helin tusaale ahaan magdhawga maalmeed waxaad kaalmo iyo deyn ka codsan kartaa CSN.

Sugninta aqoontaada

Waxaad Komvux ka samayn kartaa sugninta aqoontaadi hore. Tani micnaheedu waa in aad heli karto in la daraasadeeyo aqoontaada, qiimeeyo oo la diiwaan geliyo. Waxay ahaan kartaa aqoon aad ku heshay qaabab kala duwan, tusaale ahaan inaad ku soo shaqaysay ama soo baratay. Sugnintu waxay kordhin kartaa fursadahaaga in la helo shaqo ama in waxbarasho la sii wato. Sugninta waa in loo sameeyo si waafaqsan xaaladahaaga iyo baahidaada.

Haddii aad doonaysid inaad wax barato, ama samayso sugnin, waxaad weydiin kartaa hagaha waxbarashada iyo xirfada ee ka shaqeeya Komvux sida ay tahay inaad samayso. Waxaad xitaa la xiriiri kartaa hawl-wadeenkaaga jooga Xafiiska Shaqada haddii aad adigu ka qayb qaadato barnaamijka meelaynta ee Xafiiska Shaqada.

Waxbarasho gaar ah oo loogu talogalay dadka waaweyn waa waxbarasho loogu talogalay adigaaga leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah oo garaadka ah ama ay ku dhacday dhaawac maskaxda ah. Waxbarashadan waxaa lagu magacaabaa Waxbarasho Gaar ah mararka qaarkoodna Waxbarasho dad waaweyn. Degmadu waxay diyaarisaa waxbarasho ah heer aasaasi ah iyo heer dugsiga sare. Adigu waxaad xitaa baran kartaa Iswiidhishka loogu talogalay ajnabiga, sfi, dhinaca waxbarashada gaarka ah ee loogu talogalay dadka waaweyn.

Adigu waxaad dhigan kartaa waxbarashada gaarka ah ee dadka waaweyn haddii aad buuxisay 20 sano, aad ka diiwaan gashantahay ama ka diiwaan gashanaan doonto degmo isla markaana aanad haysan aqoonta ay waxbarashadani ay tahay inay bixiso. Ka hor waxbarashadan waxaa la qiimeeyaa aqoontaada, si waxbarashadani ugu bilaabmi karto heer sax ah.

Waxbarashooyinka xirfada waa waxbarasho ah dhinaca xirfad cayiman. Waxaad tegi kartaa waxbarasho xirfad oo Komvux ama waxbarashada gaarka ah ee dadka waaweyn ah. Waxaa kale oo aad tegi kartaa waxbarasho xirfad oo ku taala mid ka mid ah machadyada xirfada.

Xilliga waxbarashadan waxaad xiriir badan la yeelanaysaa shirkado. Waxaad tusaale ahaan samaynaysaa tababarka goob shaqo. Tani waxay kordhinaysaa fursadahaaga in aad shaqo hesho ka dib waxbarashadan.

Waxbarashada tababarka xirfad ee dhalinyarada waa nooc ah waxbarasho xirfadeed taas oo ah dhinaca Komvux iyo waxbarashada gaarka ah ee dadka waaweyn. Waxaad tegi kartaa waxbarashada tababarka xirfada ee dhalinyarada si aad u hesho waxbarasho xirfadeed oo aasaasi ah iyo waayo-aragnimada xirfad. Waxaa kale oo aad helaysaa aqoon dheeraad ah dhinaca xirfad iyadoo wadata caawimaada gacan-yare jooga goobtan shaqada.

Dugsiga dadka waaweyn waa dugsi loogu talogalay ardayda dadka waaweyn ah. Halkaasi waxaad ku baranaysaa koorsooyinka heerka dugsiga hoose-dhexe iyo heerka dugsiga sare. Dugsiyo badan oo dadka waaweyn ah waxaad ku noolaan kartaa dugsigan xilliga aad wax baranayso.

Dugsiga dadka waaweyn waxaad ku dhigan kartaa koorsooyinka guud ama koorsooyin gaar ah. Waxaad dhigan kartaa koorsooyinka guud oo baddel u ah dugsiga sare iyo mararka qaarkood baddel u ah dugsiga hoose-dhexe. Waxaad ku dhigan kartaa koorsooyin gaar ah oo ku jiheysan maado gaar ah. Adigu waxaad tusaale ahaan baran kartaa muusig ama farshaxan. Waxaa kale oo aad baran kartaa xirfad gaar ah.

Dugsi kasta oo dadka waaweyn ah isagaa go'aamiya qofka wax ka baran kara dugsigan. Dugsiyada dadka waaweyn waxay leeyihiin nidaam calaamadaha ah. Waxbarashada dugsiga dadka waaweyn waxay ku siin kartaa calaamadaha aasaasiga u ah gelitaanka jaamicad sare iyo jaamicad. Calaamadaha aasaasiga ah micnaheedu waa inaad haysato aqoonta aad u baahantahay si aad u awoodo inaad wax ka barato jaamicad sare ama jaamicad.

Haddii aad haysato waxbarasho xirfad oo aad ka heshay dal kale oo aan ahayn Iswiidhan, ama ku soo shaqaysay xirfad gudaha dal kale, waxaad u baahan kartaa inaad dhigato waxbarasho dhamaystir ah. Waa waxbarasho aad ku baranayso waxa looga baahanyahay si aad ugu shaqayso xirfadan gudaha Iswiidhan.

Waxbarashooyinka dhamaystirka ah waxaa laga helaa jaamicadaha iyo kuliyadaha. Waxaa jira tusaale ahaan waxbarashooyinka:

  • takhasuska dhaqaale
  • injineerada
  • kalkaalisooyinka caafimaadka
  • cilmiga bulshada
  • aqoonta nidaamka kombiyuutarada
  • dhakhtarnimo
  • macalinimo

Waxbarashooyinkan dhererkoodu waa inta u dhaxaysa 1–2 sano. Waxaad kaalmo waxbarasho ka heli kartaa Guddiga ammuuraha kaalmada iyo waxbarashada ardayda, CSN, xilliga wakhtiga aad dhigato waxbarashadan.

Waxbarashada suuqa shaqada waa waxbarasho ku jiheysan xirfadaha ay ku yartahay in loo helo shaqaale waxbarasho u leh. Nooca waxbarashooyinka laga helo waxay ku xirantahay sida suuqa shaqadu u eegyahay xilligaas la joogo.

Maaha hubaal inaad heli doonto shaqo haddii aad dhigato waxbarasho suuqa shaqada ah, laakiin in la dhigto waxbarashadan waxay kordhinaysaa fursadahaaga ah inaad hesho shaqo oo waxaad noqonaysaa qof aad ugu haboon suuqa shaqada.

Waxbarasho meel fog

Qaab wax lagu barto waa in wax la barto iyadoo meel fog la joogo. Haddii aad wax barato adigoo meel fog jooga markaasi ma tegaysid iskool ama jaamicad si aad wax u barato. Taas baddelkeeda adiga ayaa dooranaya halka aad wax ku baranaysid. Adigu waxaad tusaale ahaan joogi kartaa guriga ama maktabad.

Waxbarashooyinka qaarkood waxaa la isticmaalaa intarnat oo keliya. Qaar kale waxay leeyihiin tusaale ahaan dhowr xilli sanadkii markaasi oo aad la kulmayso macalimiin iyo arday kale. Wakhtiga u dhaxeeya kulamadan waxaad ku wada xiriiraysaan dhinaca intarnat-ka, e-boosto ama telafoonka.

Waxaa jira waxbarashooyin kala duwan oo badan oo meel fog laga barto. Waxaad dhigan kartaa koorsooyin gaaban iyo kuwo dhaadheer labadaba oo meel fog laga dhigto. Waxbarashooyinka meel fog laga dhigto waxay ahaan karaan wakhti buuxa iyo wakhti kala bar ah.

Jaamicad sare iyo jaamicad

Loogu talogalay adigaaga doonaya inaad wax ka barato jaamicad sare ama jaamicad

Adigu maaha inaad ahaato muwaadin Iswiidhish ah ama deganaanto Iswiidhan si aad wax uga barato jaamicad sare ama jaamicad Iswiidhish ah. Si aanad ugu baahan inaad bixiso kharashyada waxbarasho waa inaad muwaadin ka ahaataa dal ku yaala EU/dal ah EES/Iswiisarlaand, haysataa sharciga deganaansho ee joogtada ah ama sharciga deganaansho ee ku meel gaarka ah (maaha mid ay sabab u tahay waxbarasho) ee gudaha Iswiidhan.

Adigaaga doonaya inaad wax sii barato waxaad fursad u haysataa inaad dhigato koorsooyin gooni ah ama barnaamij dhamaystiran dhinaca jaamicad ama jaamicad sare. Waxaa jira helitaan weyn dhanka koorsooyinka iyo barnaamijyada in la doorto, laakiin waxaa jira shuruudo gelitaan oo kala duwan si loo soo galo kuwan. Jaamicadaha iyo jaamicadaha sare ee kala duwan waxay bixiyaan barnaamijyo iyo koorsooyin kala duwan. Si aad u hesho nooca koorsooyinka iyo barnaamijyadan lagu bixiyo jaamicadaha sare iyo jaamicadaha iyo nooca shuruudaha lagu galo ee ay tahay in la buuxiyo dhanka koorso iyo barnaamij kasta waxaad booqan kartaa boggagan intarnatka.

U qalmida in wax laga barto jaamicad sare ama jaamicad

Si loo awoodo in wax laga barto jaamicad waxaad u baahantahay inaad muujiso aqoontaadi hore. Adiga waxaa lagaaga baahanyahay u qalmida aasaasiga ah ee aad ku soo qaadatay iyadoo aad u martay shahaado dhamaystiran oo laga helay dugsiga sare, shahaado dugsi sare, waxbarashada dadka waaweyn ee degmada ama kuliyada dadka waaweyn. Waxaa intaasi dheer inaad u baahantahay inaad soo dhigatay koorsooyin gaar ah si aad u buuxiso shuruuda u qalmida aasaasiga ah.

Waxbarashooyinka badankooda waxaa shuruud u ah inaad haysato u qalmid gaar ah taas oo ay ku kala duwanaan karaan waxbarashooyinka kala duwan. Tani waxay tahay badanaaba inay tahay inaad soo baratay kuna soo baastay koorsooyin dugsiga sare oo gaar ah, laakiin waxay xitaa ahaan kartaa shuruuda waayo-aragnimo shaqo, imtixaano shaqo ama koorsooyin jaamicadeed.

Dhamaystir

Haddii aanad u qalmin inaad dhigato koorso ama waxbarasho aad doonayso inaad barato waxaad fursad u haysataa inaad samayso dhamaystir. Adigu waxaad ku dhamaystiri kartaa iyadoo aad akhrisato koorsooyinka waxbarashada dadka waaweyn ee degmada ama waxbarashada kuliyadaha dadka waaweyn.

Heerarka waxbarasho ee jaamicadaha sare iyo jaamicadaha

Dhanka jaamicadaha sare iyo jaamicadaha waxaa dhamaan koorsooyinka iyo barnaamijyada loo qaybiyaaa saddex heer. Heerarkan waa heerka aasaasiga ah, heerka horumarsan iyo heerka cilmi-baarista. Heerarka oo dhan waxay ku dhisanyihiin heerka hoose. Adigaaga markii ugu horeysay wax ka baranaya jaamicad sare ama jaamicad waxaad ka bilaabaysaa heerka aasaasiga ah.

Heerka aasaasiga ah

Waxaad bilaabaysaa inaad barato koorso dhanka maado ama dhinaca aag taas oo aanay shuruud u ahayn waxbarasho hore oo jaamicad sare ama jaamicad. Barnaamijyada lagu bixiyo heerka aasaasiga badankooda waa saddex sano haddii aad wakhti buuxa wax baranayso.

Heerka horumarsan

Si loo barto barnaamij ah heerka horumarsan waxaa khasab ah inaad haysato shahaado ah ugu yaraan saddex sano oo heerka aasaasiga ah ama shahaado ajnabi ah oo u dhiganta ama aqoon u dhiganta.

Adigu waxaad xitaa dhigan kartaa koorsooyin heerka horumarsan ah, markaasi waxaa shuruud u ah inaad soo dhigatay waxbarasho heer aasaasi ah. Maaha shuruud inaad haysato shahaado.

Heerka cilmi-baarista

Haddii aad doonaysid inaad barato heer cilmi-baaris ah waxaa shuruud u ah inaad haysato shahaado ah heer horumarsan.