In la ahaado waalid
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 24/3-2025
Waalidiintu waxay muhiim u yihiin horumarka iyo caafimaadka carruurta. Halkan adigaaga ah ama noqon doona waalid waxaad ka akhrin kartaa wixi ku saabsan iskoolka iyo dugsiga xanaanada, waxa ay tahay in aad ka fikirto haddii ilmahaagu ku dhasho Iswiidhan iyo nooca taageero kale ee aad ku heli karto waalidnimadaada marka aad hesho sharciga deganaansho.

Ilmahaaga u codso boos ah dhanka iskoolka ama dugsiga xanaanada
Iskoolka Iswiidhan waxaa loogu talagalay dhammaan carruurta ku nool Iswiidhan. Iskoolku waa khasab laga bilaabo sanadka ilmuhu buuxinayo 6 jir ilaa inta ilmuhu ka baxayo fasalka 9aad. Intaa ka dib ilmuhu wuxuu dooran karaa inuu wax ka barto dugsiga sare. Dugsiga sare waa loo madax-bannaanyahay laakiin muhiim ayuu u yahay helitaanka shaqo – shaqooyinka badankooda waxaa shuruud u ah shahaado dugsi sare.
Carruurta u dhaxaysa 1 iyo 6 jir waxay dhigan karaan dugsiga xanaanada. Haddii aad rabto in ilmahaagu aado dugsiga xanaanada waxaa lagaaga baahanyahay in aad khidmad ka bixiso ilmaha.
La xidhiidh degmada aad ku nooshahay si ilmahaagu boos uga helo dugsiga ama dugsiga xanaanada. Degmada ayaa markaas kugu wargelin doonta dugsiyada xannaanada iyo iskoolada jira oo kuu sheegaya sida aad u codsanayso. Booska dugsiga xanaanada wuxuu qaadan karaa wakhti in la helo – sidaas darteed codso booska ilmahaaga sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtagalka ah.
Haddii ilmahaagu ku dhasho Iswiidhan
Carruurta ku dhalatay Iswiidhan waxay helaan dhalasho la mid ah tan waalidkood. Haddii adigaaga waalidka noqonayaa aad muwaadin ka tahay dal ka baxsan Midowga Yurub waa inaad sharciga deganaanshaha u dalbato ilmahaaga. Waa in aad sharciga deganaanshaha u codsatid ilmaha xitaa haddii ilmuhu ku jiro diiwaangelinta dadweynaha.
Xaqiiji waalidnimada haddii adiga iyo lammaanahaaga aadan is qabin
Haddii adiga iyo lammaanahaagu aad isqabtaan marka ilmuhu dhasho markaas waxay Hay’adda Cashuuraha si ootomaatig ah u diiwaan-gelinaysaa in labadiinuba tihiin waalid. Laakiin haddii aanad is qabin waxaad u baahantihiin in aad xaqiijisaan waalidnimada qofka kale ee aan ilmaha ummulin.
Waalidnimada ku xaqiiji mid ka mid ah qaababka soo socda:
- Adeegso adeegga elektaroonigga ah ee Hay’adda Cashuuraha ee ”Xaqiijinta dhijitaalka ee waalidnimada”.
- La xiriir guddiga arrimaha bulshada ee degmada uu ilmuhu ka diiwaangashan yahay.
Xaqiijintu waxay muhiim u tahay in ilmuhu sharci ahaan ku xirnaado labadiina qof ka aan ummulin ilmaha. Xiriirka sharci ahaan micnihiisu waa in ilmuhu xaq u helayo waxyaabo ay ka mid tahay dhaxalka, masruuf, magac iyo dhalasho.
Waxa aad fasax ku ahaan kartaa in aad guriga la joogto ilmahaaga
Markaad noqoto waalid waxaad xaq u leedahay inaad fasax ka qaadato waxbarashada ama shaqada si aad guriga ula joogtid ilmahaaga. Taas waxaa lagu magacaabaa fasaxa waalidka. Labada waalidba waxay ku jiri karaan fasax waalid.
Marka aad ku jirto fasax waalidnimo waxaad gunno dhaqaale oo lagu magacaabo gunnada waalidka ka codsan kartaa Qasnadda Caymiska.
Hawlo loogu talogalay adigaaga ku jira fasax waalidnimo
Adigaaga ku jira fasax waalidnimo waxaad hawlo kale qaybqaadan kartaa dad kale oo ku jira fasax waalidnimo. Tusaale ahaan waxaad ilmahaaga la tegi kartaa kulamada dhallaanka yar yar ee maktabadda, maqaaxiyaha waalidka ama kulamada heesaha iyo dhaq-dhaqaaqa ee carruurta. Hawl kale oo caadi ah waa dugsiga xanaanada ee furan. Dugsiga xanaanada ee furan waa goob kulan halkaas oo waalidka iyo carruurtu tegi karaan isla markaana lagu ciyaaro lagulana kulmo qoysas kale. Waa bilaash oo digu ma u baahnid inaad hore usii wargeliso.
Hawlahaas waxaad heli kartaa markaad intarnatka ka raadiso ”hawlaha loogu talogalay kuwa ku jira fasax waalidnimo” ama ”dugsiga xanaanada ee furan” iyo magaca xaafadaada ama degmadaada.
Haddii ilmahaagu xanuusado ama u baahdo taageero kale
Waalid ahaan waxaad u baahan kartaa caawin haddii ilmahaagu xanuusado oo loo baahdo daryeel caafimaad. Haddii aad ka welwelsan tahay caafimaadka ilmahaaga, waa inaad ugu horeyn wacdaa 1177 oo ah hagidda daryeelka bukaanka ama rugtaada caafimaadka. Waxa kale oo aad bogga intarnatka ee www.1177.se ka heli kartaa warbixin ku saabsan cudurrada iyo jirrooyinka kala duwan.
Waxaad ka heli kartaa taageero iyo la-talin xagga waalidnimada ah
Mar walba ma fududa in la ahaado waalid. Haddii aad ka welwelsan tahay ilmahaaga oo aad u baahan tahay taageero iyo caawimo waxaad la xidhiidhi kartaa degmadaada. Degmadu ayaa kugu casuumi karta tusaale ahaan waxbarashooyin waalid, talo-bixin dhanka telafoonka ah ama booqasho iyo hawlo kale. Wax kharash ah ma laha oo ma u baahnid in aad sheegto magacaaga.
Carruurta leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah waxay xaq u leeyihiin taageero gaar ah
Haddii ilmahaagu leeyahay hoos u dhac awoodda laxaadka ah waxaa ilmuhu xaq u leeyahay taageero laga helo bulshada. Tusaale ahaan waxay noqon kartaa taageero dheeraad ah dhanka iskoolka ama qalab caawiye ah si loo dabaran karo nolol maalmeedka, sida aaladda maqalka ama kursiga qofka aan socon karin. Nooca taageero iyo gunnooyinka ilmahaaga waxay ku xirnaan kartaa hoos u dhaca laxaadka ilmaha iyo inta ay raad ku leedahay nolosha maalinlaha ee ilmaha.
Badanaaba waa adigaaga waalidka ah qofka taageerada u codsanaya ilmahaaga. La xidhiidh degmadaada ama rugta caafimaadka si aad u ogaato nooca taageero ee ilmahaagu heli karo.
Hadii aad waalid u tahay qof dhowr iyo toban jir ah
In waalid loo ahaado dhowr iyo toban jir waxaa loo dareemi karaa in ay hawl badantahay. Laga yaabee in adigu aad u aragto in ilmahaagu uu is-taxallujin aad ah iska saarayo dhanka iskoolka ama tababarka, dhibaato kala dhexeyso saaxiibada ama inuu yeeshay dabeecad isbadashay oo aan u muuqan mid fiican. Waxa kale oo ay noqon kartaa in xidhiidhkinu aanu si fiican u shaqaynayn.
Haddii aad dareento welwel ku saabsan dhowr iyo toban jirkaaga waxaad taageero u heli kartaa qaabab kala duwan:
- Waxaad la hadli kartaa dadka waaweyn ee kale, tusaale ahaan saaxiibada, qaraabada, dad aad wada shaqaysaan ama waalidiinta saaxiibada ilmahaaga.
- Waxaad ku biiri kartaa kooxaha waalidka, tusaale ahaan dhanka iskoolka.
- Waxaad la xidhiidhi kartaa rugta dhalinyarada, rugta caafimaadka ama guddida caafimaadka ardayda ee iskoolka ilmahaaga.
- Waxaad la xiriiri kartaa degmada. Degmooyinka qaarkood waxay dadka ku casuumaan taageerada waalidka oo koox ahaan ama gaar ah.
Macluumaad dheeraad ah
Su’aalo iyo jawaabo
Carruurta ku cusub Iswiidhan waxay heli karaan noocyo kala duwan oo ah caawin dheeraad ah dhanka iskoolka. Tusaale ahaan ilmahaagu wuxuu xaq u leeyahay inuu caawin ka helo qof ka taageera waxbarashada oo ku hadla afka hooyo ee ilmaha, haddii ilmuhu u baahdo sidaas. Taageeraha waxbarashada ayaa ilmaha ka caawinaya in uu horumariyo aqoonta dhanka af Iswiidhishka iyo maadooyinka kale.
Ilmahaagu wuxuu xitaa dhigan karaa fasalka diyaarinta, iyadoo isla mar ahaantaas ilmuhu waxbarasho ku helayo gudaha fasal caadi ah. Fasalka diyaarinta wuxuu ilmuhu ku tababaranayaa af Iswiidhishka kuna baranayaa maadooyinka iskoolka ee kala duwan. Ujeedadu waa in ilmuhu sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagal ah u awoodo barashada dhammaan maadooyinka fasalkiisa caadiga ah. Waa maamulaha iskoolka qofka go’aamiya haddii ilmahaagu dhigan doono fasalka diyaarinta.
Ilmahaagu wuu geli doonaa diiwaan-gelinta dadweynaha haddii idinkiina ah waalidka aad buuxisaan mid ka mid ah shuruudaha soo socda:
- Waalidka ilmaha ummulay ku jiro diiwaan-gelinta dadweynaha.
- Waalidka aan ilmaha ummulin ku jiro diiwaan-gelinta dadweynaha oo xaqiijiyay waalidnimadiisa.
Haddii waalidka ilmaha ummulay ku jiro diiwaan-gelinta dadweynaha markaas si toos ah ayaa ilmuhu u galayaa diiwaan-gelinta dadweynaha, waa xilliga ummulisadu ay dhalashadaas ku wargelinayso Hay’adda Cashuuraha.
Maya, Iswiidhan carruurta ku dhalataa ma helaan caddayn dhalasho Taas beddelkeeda waxaad caddayn shakhsi oo ilmahaaga ah ka dalban kartaa Hay’adda Cashuuraha. Caddaynta dhalasho waa warqad daabacan oo ka timi diiwaan-gelinta dadweynaha.
Haa, waad ka qayb qaadan kartaa barnaamijka laqabsiga dalka hal gelin haddii aad fasax waalid ku jirto hal gelin. Kama qayb qaadan kartid barnaamijka laqabsiga dalka haddii aad fasax waalid ku jirto wakhti buuxa.
Sharraxaadda kalmado iyo erayo
Diiwaan-gelinta dadweynaha
In lagu jiro diiwaangelinta dadweynaha micnaheedu waa in aad diiwaan-gashantahay in aad ku nooshahay gudaha Iswiidhan. Dhammaan dadka ku jira diiwaan-gelinta dadweynaha waxay helaan lambar shakhsi. Waa Hay’adda Cashuuraha ta mas’uulka ka ah diiwaangelinta dadweynaha. In lagu jiro diiwaangelinta dadweynaha ma la mid aha in la haysto sharciga deganaanshaha.
Lacagta kabista
Lacagta kabista waa lacag uu waalid ka bixiyo ilmahiisa haddii waalidkaas aanu la noolayn ilmaha. Lacagtan waa in la siiyaa waalidka uu ilmuhu la noolyahay.
Hoos u dhac awoodda laxaadka ah
Ilmo leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah wuxuu leeyahay hoos u dhac awoodda laxaadka ah oo u baahan karo taageero si uu uga qaybqaato bulshada si la mid ah dadka kale. Hoos u dhac awoodda laxaadka ah waxay ahaan kartaa
- jir ahaan, haddii, tusaale ahaan ilmahaaga ay ku adagtahay dhaq-dhaqaaqa, aragga ama maqalka
- nafsiyan, tusaale ahaan haddii ilmahaagu leeyahay jirro dhimirka ah
- caqliyan, haddii tusaale ahaan ilmahaagu u baahanyahay wakhti dheeraad ah si uu wax u fahmo ama u barto waxyaabo cusub
- garashada, haddii, tusaale ahaan ilmahaagu u baahanyahay taageero si u raaco tilmaamaha ama u qorsheeyo wakhtigiisa.
Waxa kale oo jira hoos u dhacyo kale oo awoodda laxaadka ah oo aan ahayn kuwa kor lagu soo sheegay.