Daryeel iyo caafimaad

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 8/12-2022

Dhamaan dadka degan Iswiidhan waa inay helaan daryeelka ay u baahanyihiin. Boggagan waxaad ka helaysaa warbixin ku saabsan daryeelka bukaanka iyo daryeelka ilkaha ee Iswiidhan. Waxaa kale oo aad akhrin kartaa dheeraad ku saabsan waxa adigu aad samayn karto si aad u hesho caafimaad.

Hagida daryeelka caafimaadka ee 1177

Iswiidhan maamulada gobollada ayaa mas'uul ka ah daryeelka caafimaadka iyo bukaanka. Maamulka gobol kasta wuxuu leeyahay bog intarnat oo gaar u ah oo ay ku jiraan warbixinaha ku saabsan daryeelka ay ku bixiyaan isbitaalada iyo rugaha caafimaadka. Waxaa kale oo jirta bog intarnat oo wada-jir u ah dhamaan maamulada gobolada taas oo lagu magacaabo Hagida daryeelka caafimaadka ee 1177.

Bogga Hagida daryeelka caafimaadka ee 1177 waxaad ka akrhin kartaa dheeraad ku saabsan nooca rugta caafimaadka ee kugu haboon adiga iyo baahiyahaaga. Halkaasi waxaa kale oo aad ka helaysaa macluumaadka xiriirka iyo wakhtiyada furitaanka ee rugaha caafimaadka ee kala duwan iyo rugaha daryeelka ilkaha ee dalka oo dhan.

Kharashyada daryeelka caafimaadka

Caruurta iyo dhalinyarada ka yar 20 sano waxay helaan daryeel bukaan iyo daryeelka ilkaha oo bilaash ah gudaha maamulada gobolada badankooda. Haddii aad ka weyntahay 20 sano waxaad badanaaba u baahantahay inaad bixiso khidmad marka aad raadsato daryeel. Inta ay leegtahay lacagta aad bixinaysaa way ku kala duwanyihiin maamulada gobolada ee kala duwan.

Haddii aad marar badan u baahato daryeel waxaa jirta daboolida kharashka badan. Tani waa ilaalin loogu talogalay adiga si aanay u badan kharashaadka daryeelka iyo dawada.

Hoos u dhac awooda ah

Qof leh hoos u dhac awooda ah wuxuu leeyahay hoos u dhac ah awooda shaqo ee jir-ahaan, maskax ahaan ama caqliyan. Haddii aad leedahaay hoos u dhac awooda ah waxaad heli kartaa taageero iyo caawimaad.

Loo gaystay dhibaato

Waa mamnuuc in la isticmaalo dagaal, hanjabaad iyo in la dhaawaco dad kale. Dagaal wuxuu ahaan karaa waxyaabo kala duwan. Tani waxay tusaale ahaan noqon kartaa jir-ahaan, maskax-ahaan, galmo, dhaqaale iyo alaab. Haddii laguu geystay dhibaato dagaal waxaa xaq u leedahay gabood iyo taageero.