Daryeelka waayeelka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 18/1-2023

Marka qof noqdo waayeel waxaa badanaaba u baahdaa caawimaada waxyaabaha gacanta laga qaabto maalin walba. Gudaha Iswiidhan waxaa dadka waayeelka ah ee u baahan taageero iyo caawimaad sida ku cad sharciga ay xaq u leeyihiin inay tani ka helaan bulshada.

Waxa daryeelka dadka waayeelka ahi uu caawimaad ka gaysan karo way ku kala duwanyihiin waxayna ku xirantahay kolba degmada aad adigu degantahay.

Daryeelka dadka waayeelka ahi wuxuu caawimaad ka gaysan karaa gudaha guriga iyo noocyada kala duwan ee hoyga dadka waayeelka ah.

Markii qof u geeriyoodo

In la dhinto waxaa xitaa lagu magacaabaa in la geeriyoodo. Marka qof waayeel ah oo ehel ahi ku geeriyoodo guriga waa in lala xiriiraa shaqaalaha daryeelka bukaanka. Mararka qaarkood waxay soo qaadaan maydka una qaadaan isbitaal halkaas oo dhakhtar mas'uul ka yahay xaqiijinta dhimashada. Haddii qofku leeyahay rabitaano gaar ah, tusaale ahaan ku salaysan nidaamyo diineed, waa in arintan lagala hadlaa shaqaalaha daryeelka.

Tilmaamaha ehelka qofka geeriyooday

In la waayo qof ehel ah oo kuu dhow waxay ahaan kartaa xaalad adag oo waxaad u baahan kartaa caawimaad iyo taageero si aad u maarayso murugadan iyo arrimaha waxa la qabanayo. Tilmaamaha ehelka qofka geeriyoooday waa bog intarnat oo madax-banaan kaas oo lagu ururiyay waxa ugu muhiimsan ee adigu aad u baahantahay inaad ogaato marka qof kuu dhow dhinto.

Taageerada ehelka qofka geeriyooday

Xaalada dhaqaale way is badashaa haddii aad dhaqaalaha si wada-jir ah ula lahayd qof ehel ah oo geeriyooday. Adigu waxaad u baahan kartaa inaad qorshayso oo samayso miisaaniyada dhaqaalahaaga. Laakiin waxaa kale oo jira taageero dhaqaale oo aad heli karto marka qof ehel ah oo kuuu dhow dhinto.

Lacagta hawl-gabka ee ehelka qofka geeriyooday waa taageero dhaqaale oo la bixin karo haddii qofku lahaa qof qaraabo u dhow oo geeriyooday. Lacagta hawl-gabka ee ehelka qofka geeriyooday waxaa laga fikiray inay daboosho qayb ka mid ah masruufidii qofkii geriyooday caawimaad ka gaysan jiray.

Dhaxalka

Qofka dhaxlaya haddii ay jiraan lacago iyo hantiyo kale oo uu ka tagay qofka geeriyooday waxaa ay tani ku nidaamsantahay sharciga Iswiidhan ee lagu magacaabo xaqa dhaxalka.