Uur

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 9/2-2023

Halkaan waxaad ka akhrisan kartaa meesha aad la xiriireysid inta uurka aad leedihid iyo uurka ka dib, iyo welibo uureysiga aan la dooneynin.

Uurka iyo daryeelka hooyada

Xarunta xannaanada hooyooyinka, MVC

Xarunta xannaanada hooyooyinka, MVC, waxay u jirtaa tusaale ahaan dumarka uurka leh. Waxa aad tegaysaa MVC-ga inta aad uurka leedahay oo dhan si loo kontoroolo in ilmaha iyo adiga laftaadu caafimaad qabtaan. Waa bilaash in la tago MVC-ga. Waxa kale oo ka jira MVC-ga kulamo aad ku heli karto warbixin ku saabsan uurka, umulidda iyo naas-nuujinta. Waa iska caadi in ilmaha la sugayo aabihii ka qaybqaato booqashooyinka iyo kulamada. Waa iska caadi in ragga reer Iswiidhan ay joogaan wakhtiga umulidda.

Dhalitaan

Adiga naftirkaaga ayaa dooranaya qeybta dhalidda ee aad dooneysid in aad ku dhashid, laakiin mararka qaar waxaa laguu diri karaa meel kale haddii meesha aad dooratay aysan boos lahayn.

Xarunta xannaanada caafimaadka carruurta - BVC

Halkan waxad waalid ahaan ka heli kartaa caawimo. Xarunta xannaanada caafimaadka carruurta (BVC) waxa ka heli kartaa tilmaamo ku saabsan korriinka ilmaha, naas-nuujinta, cuntada iyo cudurada. Marka aad ka soo baxdo qaybta umusha, waxad adiga laftaadu la xiriiri kartaa BVC si aad u go´aamisaan wakhtiga kulanka koowaad. Kulanka koowaad wuxu badiyaaba ka dhacaa guriga. Markaa kalkaalisadu waxay ka warbixinaysaa BVC, ilmaha caafimaadkiisana way fiirinaysaa.

Uureysi aan la dooneynin

Iska ilaali uurka

Waxaa jira qaabab kala duwan oo uurka leysaga ilaalin karo. Qaababkaas waxaa caadi ahaan loogu yeeraa qaababka ka hortagga ama qalabka ka hortagga. Rugta qaabilaadda dhallinyarada, qaabilaadda umulisooyinka ama rugta caafimaadka ayaad ka codsan kartaa qalabka ka hortagga uurka, Rabadhka ka hortagga uureysiga waxaa tusaale ahaan laga iibsan karaa farmashiyayaasha ama dukaanmanka cuntada.

Uur soo ridid waxaa ay ka dhigantahay in uurka la joojiyo

Sharciga ilma iska soo rididdu wuxuu dumarka xaq u siinayaa in iyagoon sababta sheegin ay iska soo ridaan carruurta inta uusan dhammaannin usbuuca 18. Qofka uurka leh naftirkiisa ayaa go'aan ka gaaraya iska soo rididda.