Haddii aad u baahantahay daryeel caafimaad

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 8/2-2023

Waxaa jira rugo caafimaad oo badan oo kula duwan kuwaas oo aad ka raadsan karto daryeel. Dhinaca boggan waxaad ka helaysaa caawimaada in daryeel sax ah loo helo dhibta ama baahida aad adigu qabto.

Muhiim ku saabsan haddii aad u baahantahay raadsashada daryeel

Adigu waxaad u baahantahay inaad sidato kaarkaaga aqoonsiga marka aad raadsato daryeel ama aad soo qaadanayso dawo.

Haddii aad magan-gelyo doon ku tahay Iswiidhan waa inaad sidato kaarkaaga LMA marka aad raadsanaysid daryeel. Waxaad xitaa u baahantahay inaad farmasiga tusto kaarkaaga LMA haddii aad soo qaadanayso dawo. Haddii aanad weli helin kaarkaaga LMA waa inaad tusto warqada rasiidhka inaad codsatay magan-gelyo.

Gudaha Iswiidhan dhamaan shaqaalaha dhinaca daryeelka waxaa waajib ku ah qarinta sirta. Tani micnaheedu waa in iyaga aan loo oggolayn inay waxyaabo adiga kugu saabsan uga sheekeeyaan dad kale iyagoo aan haysan oggolanshahaaga. Turjumaanada ku shaqeeya hawsha daryeelka caafimaadka iyo bukaanka xitaa iyagana waxay waajib ku ah qarinta sirta. Xitaa kuwa ka shaqeeya farmasiga waxaa waajib ku ah qarinta sirta.

Haddii aanad ku hadal iswiidhish fiican markaasi waxaad heli kartaa caawimaada turjumaan marka aad la kulmayso shaqaalaha daryeelka caafimaadka.

Waa muhiim inaad fahanto waxa shaqaalaha daryeelku sheegayo iyo in shaqaalaha daryeelku fahmaan waxa adigu aad sheegayso. Waxaa jira sawiro aad isticmaali karto marka aad la kulanto shaqaalaha daryeelka.

Hel daryeelka saxda ah

Wac Hagida daryeelka caafimaadka ee 1177

Haddii shaki kaaga jiro marka ay tahay inaad raadsato daryeel waxaad mar kastaba Hagida daryeelka ka wici kartaa 1177 Vårdguiden. Lambarka telafoonkan waa 1177. Markaasi waxaad la hadli doontaa kalkaaliso caafimaad taas oo ku siin karta talo. Kalkaalisadan caafimaad waxay xitaa ku siin kartaa macluumaad ku saabsan halka aad ka helayso daryeelka saxda ah. Waxaad wici kartaa telafoon lambarka 1177 maalintii iyo habeenkiiba. Gobolada qaarkood waxaa laga helaa fursada ah in talo-bixin lagu helo luqado kale oo aan ahayn Iswiidhishka.

La xiriir rug caafimaad

Badanaaba waa inaad rug caafimaad la xiriirto marka hore haddii aad xanuusato ama qabto dhib. Halkaasi waxaad ka heli kartaa caawimaada badankeeda. Waxaa kale oo aad la xiriiri kartaa rug caafimaad haddii aad caafimaad daro dareemaysid maskaxiyan. Rugta caafimaadka waxay xitaa kaa caawin kartaa in aad xiriir la yeelato rugaha caafimaadka ee cilmi nafsiga.

Dhinaca bogga Hagida daryeelka caafimaadka ee 1177 waxaa ku jira macluumaadka xiriirka iyo wakhtiyada furitaanka ee rugaha caafimaadka ee dalka oo dhan. Halkaasi waxaad xitaa ka helaysaa macluumaad ku saabsan noocyada kale ee rugaha caafimaadka iyo daryeelka takhasuska ah.

Tag qaabilaada deg-dega

Haddii adiga ama qof kale u xanuusanayo si aad ah ama dhaawac halis ah qabo waa inaad caawimaad ka raadsato qaabilaada deg-dega. Qaabilaada deg-dega ah waxay ku taalaa isbitaal oo way furantahay maalin iyo habeenba sanadkii oo dhan.

Haddii adiga ama qof kale aad u xanuusanayo maskaxiyan oo u baahantihiin caawimaad dhakhso ah waa inaad tagtaa qaabilaada deg-dega ee cilmi nafsiga.

Wac lambarka qaylo dhaanta ee 112

Haddii ay tahay xaalad halis ah oo khatar ku ah qof naftooda waa inaad wacdo telafoon lambarka 112. Markaasi waxaad helaysaa caawimaad dhakhso ah iyo ambulaans ku kaxaynta ilaa iyo qaabilaada deg-dega. Dhanka telafoon lambarka 112 waxaad ka helaysaa xiriirka ambulaanska, booliiska iyo gurmadka dab demiska intaba.