Ku maqnaanshaha xanuun

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 13/11-2023

Haddii aad xanuusanayso waxaad xaq u lahaan kartaa inaa dhesho guno. Xuquuqyo kala duwan ayaa jira haddii aad tahay shaqaale ama shaqo raadiye ama haddii aad ku jirto fasax waalidnimo. Waxaa kale oo jira qawaaniin kala duwan kuna xiran dhererka wakhtiga aad xanuusanaysay.

Haddii aad xanuusato waa inaad diiwaan gelisaa inaad xanuusanayso si aad xaq ugu yeelato gunada bukaanka ee laga helo Qasnada Caymiska. Gunada bukaanka waa guno ku meel-gaar ah taas oo magdhabid u ah dakhliga shaqo ee aad wayday ilaa inta aad caafimaadayso ee dib u shaqayn karto mar kale.

Intay leegtahay gunada bukaanka ee aad helayso waxay ku xirantahay dakhligaaga. Qawaaniinta khuseeya gunada bukaanka way kala duwanyihiin iyadoo ku xiran haddii aad ahayd bilaa shaqo, shaqaale ama qof haysta shirkad.

Marka aad gunada bukaanka ka codsanayso Qasnada Caymiska waa inaad codsigaaga raacisaa caddaynta dhakhtarka taas oo muujinaysa sababta aanad u shaqayn karin. Qasnada Caymiska ayaa samaynaysa qiimeynta ku saabsan haddii shuruuda gunada bukaanka aad buuxisay iyo haddii kale.

Si aa xaq ugu yeelato gunada bukaanka waa inaad xanuusanayso ugu yaraan afar meelood meel ahaan ka mid ah wakhtigi aad shaqayn lahayd, raadin lahayd shaqo ama ku jiri lahayd fasax waalidnimo. Adigu waa inaad xitaa ku jirtaa caymiska Iswiidhan.

In la qiimeeyo xaqa loo leeyahay guno

SGI

Inta ay leegtahay gunnada bukaanka ee aad helaysaa waxay ku salaysantahay SGI-gaaga, dakhliga ku salaysan gunnada bukaanka. SGI-gaaga wuxuu ku xiranyahay inta ay leegtahay lacagta aad shaqayso ama aad u hesho kaalmo ahaan. Adigu ma u baahnid inaad codsato inaad hesho SGI. Qasnadda Caymiska ayaa qiimeysa oo go’aamisa SGI-gaaga xilliga marka aad codsato in aad hesho gunnada bukaanka.

Haddii aad tahay shaqaale oo aad xanuusato waa inaad wargelinta jirada siiso shaqo-bixiyahaaga. 14-ka maalmood ee ugu horeeya shaqo-bixiyahaaga ayaa bixinayaa mushahaarada bukaanka oo ku siinaya. Mushahaarada bukaanka waa 80% ah mushahaaradaada caadiga ah. Shaqo-bixiyahaaga ayaa ka jara mushahaaradaada bukaanka waxa lagu magacaabo maalinta ugu horeysa ee jirada ee bilaa lacag qofku yahay. Shaqo-bixiyahaagu wuxuu codsan karaa caddayn dhakhtar taas oo muujinaysa sababta adigu aanad u shaqayn karin, laakiin badanaaba wax caddayn ah ma loo baahna toddobada maalmood ee ugu horeeya ee aad jirantahay.

Ka dib maalinta 14-aad ayaad gunnada bukaanka ka codsan kartaa Qasnadda Caymiska. Tani sida ugu fudud waxaad uga samaynaysaa Qasnadda Caymiska boggeeda intarnatka.

Shaqo-raadiye ahaan xitaa waxaad xaq u yeelan kartaa gunada bukaanka haddii aad xanuusato oo sidaas darteed aanad raadin karin ama geli karin shaqo. Shaqo-raadiye ahaan waxaad xaq u yeelan kartaa gunnada bukaanka isla bilowga wakhtiga xanuunka. Qofku waa inuu wargelinta xanuunka ka sameeeyaa Qasnadda Caymiska qaybta adeegeeda qofku iskii u sameeyo.

Adigu waa inaad Xafiiska Shaqada ka diiwaan-gashaneed inaad ahayd shaqo-raadiye si aad xaqu ugu yeelato gunada bukaanka ee shaqo-raadiyaha.

Haddii aad xanuusato oo aanad daryeeli karin ilmahaaga waxaad hakad gelin kartaa gunnadaada waalidnimo oo taas baddalkeeda aad heli kartaa gunnada bukaanka. Adigu waxaad xaq u yeelan kartaa gunnada bukaanka haddii

  • adigu aad xanuusanayso oo qof kale daryeelayo ilmaha
  • adigu aad leedahay dakhli ku salaysan gunnada bukaanka (SGI).

Adigu waxaad heli kartaa gunno bukaan oo ah boqolkiiba 25, boqolkiiba 50, boqolkiiba 75 ama boqolkiiba 100.

Adigaaga leh shirkad gaar kuu ah ee xanuusaday waxaad xitaa xaq u yeelan kartaa gunnada bukaanka. Nooca qawaaniinta ansaxa ah dhinaca gunnada bukaanka way kala duwanyihiin kuna xirantahay nooca shirkadda aad leedahay, tusaale ahaan shirkad saamilay ama shirkad gaar loo leeyahay.

Gunnada hawlaha waa gunno loogu talogalay adigaaga u dhaxeeya 19–29 jir oo sababtoo ah jiro, dhaawac ama hoos u dhac awoodda laxaadka ah ay u badantahay in aanad awoodi doonin inaad shaqayso wakhti buuxi muddo ah ugu yaraan hal sano. Waxaad xitaa gunnada hawlaha heli kartaa haddii aad u baahantahay inaad sii wadato tegitaanka iskoolkaaga sababtoo ah jiro ama hoos u dhac awoodda laxaadka ah.

Lacagta bukaanka waa guno taas oo aad heli karto haddii aad u dhaxayso 19 iyo 64 sano oo aad leedahay xanuun ama hoos u dhac awooda ah taas oo keenay in weligaa aanad awoodi doonin inaad shaqayso, iminka iyo mustaqbalka labadaba.