Naftaada ku dadaal

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 8/12-2022

Talaabo loo qaado dhanka caadooyin fiican iyo qaab nololeed caafimaad leh. Caadooyin cunto oo fiican, dhaq-dhaqaaq iyo tababar, wel-welka iyo hurdada

Caadooyin cunto oo wanaagsan

Waxa aad cunayso iyo waxa aad cabbaysaa, macno weyn ayey u leeyihiin caafimaadkaaga iyo sida aad ahaanayso. In aad si wanaagsan wax u cunto oo dhaqdhaqaaqna aad samaysaa waxay yaraynaysaa halisa cuduro badan tusaale ahaan cudurada wadnaha iyo xididada, macaanka, kansarka iyo dhibaatooyinka maskaxda.

Dhaqdhaqaaq iyo jimicsi

Dadku waxay u baahanyihiin inay dhaq-dhaqaaqan si loo dareemo caafimaad. Tababarku wuxuu yareeyaa khatarta cuduro badan, tusaale ahaan cudurada wadnaha iyo xididada dhiiga iyo noocyo ka mid ah kansarka. Tababarku wuxuu keenaa in si fiican loo seexdo, si fiican loo xamilo culayska kaana caawinayaa inaad haysato miisaan fiican. Tababarkku waxaa kale oo uu keenaa inaad sii faraxsanaato. Dadka waaweyn waa inay dhaq-dhaqaaq sameeyaan ugu yaraan 30 daqiiqo maalin kastaba.

Walbahaar (stress)

Dadka oo dhan waxaa culays ku keena wax. Tani maaha inay tahay mid khatar ah. Culaysku wuxuu keeni karaa awood dheeraad ah in la dabaro xaalado adag. Laakiin culays badan wuxuu khatar ku noqon karaa caafimaadka. Haddii aad dareemayso culays waxaa fiican inaad fahamto sababta. Markaasi ayaad si sahlan u maareyn kartaa culayskan isuguna dayi kartaa inaad baddasho xaaladaada.

Seexasho

Waa muhiim in aad si wanaagsan u seexato si caafimaadkaagu u fiicnaado. Qofka weyni wuxu u baahdaa in uu seexdo lix ilaa sagaal saacadood habeenkii iyo maalintii. Da´yartu waxay u baahan yihiin inay seexdaan intaas wax ka badan.