Daryeelka ilkaha

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 9/12-2022

Iswiidhan waxa ka jira daryeelka ilkaha ee guud iyo daryeelka ilkaha ee barayfadka ah. Daryeelka ilkaha ee guud waxa maamula maamulka gobolka. Waxana lagu magacaabaa daryeelka ilkaha dadweynaha (Folktandvården).

Waxa Iswiidhan ka jira dhakhaatiir ilkood barayfad ah oo fara badan. Sharciyada lacagta aad bixinaysaa inta ay leegtahay way kala duwanyihiin. Wax ay ku xirantahay meesha aad degentahay iyo dhakhtarka ilkaha ee aad doorato.

Daryeelka ilkaha ee Iswiidhan wuxu badiyaaba ku saabsan yahay daryeel ilkood oo ka hortag ah. Taas macneheedu waxa weeye in aad had iyo jeer u tagto dhakhtarka ilkaha si aad caafimaad qabka ilkaha u ilaaliso.

Gudaha Iswiidhan dhamaan dadka ka yar 23 sano waxay helaan daryeel ilko oo bilaash ah, dhanka Daryeelka Ilkaha Dadweynaha iyo dhanka dhakhtarada ilkaha ee gaarka loo leeyahay labadaba. Dhamaan caruurta iyo dhalinyarada waxaa si joogto ah looga yeeraa dhakhtarka ilkaha si loo baaro, loo daryeelo iyo daryeelka ilkaha ee ka hortaga ah.