Maxaa raad ku yeesha fursadaha in la helo sharci daganaansho? 

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 29/11-2022

Waxaad heli kartaa sharci daganaansho haddii aad tahay qaxoonti ama qof gabood kale u baahan.

Codsi magan-gelyo oo kasta waxaa loo eegayaa si shakhsiyan ah. Tani waxay tahay in Hey'ada Socdaalku ay baarayso adiga sababahaaga in aad magan-gelyo ka codsatay Iswiidhan, waxa adiga ku soo maray iyo waxa aad ka cabsanayso inay kugu dhici doonaan.

Waa inaad Hey'adda Socdaalka u sheegto qofka aad tahay, sababta aad u soo carartay iyo waxa ay kula tahay inay kugu dhacayaan haddii ay khasab kugu noqoto inaad ku noqoto dalkaaga. Ka sheekee waxa ugu badan ee aad awoodo laf ahaantaada iyo xaaladaada, xitaa haddii tani leedahay dareen adag.

Waa muhiim inaad sheegto runta oo aanad ka tegin inaad wax sheegto. Haddii aad xusuusato wax aad ilowday inaad u sheegto Hey'ada Socdaalka, waxaa muhiim ah inaad tani sheegto sida ugu dhakhso badan ee aad awoodo.

Heshiiska qaxoontiga ee Qaramada Midoobay waxaa ku qoran waxa shuruud u ah in qof loo arko qaxoonti ahaan. Qof qaxoonti ah badanaaba wuxuu hela sharci deganaansho oo saddex sanno ah.

Waxaad xisaabsantahay qaxoonti haddii Hey'ada Socdaalku qiimeyso in aad haysato sabab fiican oo ah inaad ka cabsanayso dhibaato kugu dhacda. Dhibaato waxaa sabab u ahaan karta:

  • qawmiyad
  • dalka aad u dhalatay
  • aaminaada diin ama siyaasad
  • jinsiga
  • hab dhaqankaaga jinsi
  • ka tirsanaanta koox bulsho oo gaar ah


Taa mid la mid ah ayaa khuseysa haddii laguu arko inaad ka tirsantahay mid ka mid ah aasaasyada qaxoonti. Micnihii waa, haddii aad khatar ugu jirto dhibaato iyadoo ay sabab u tahay in dad kale aaminsanyihiin inaad ka tirsantahay qawmiyad, jinsiyad, diin ama aaminaada siyaasad, jinsiga ama hanaanka jinsiga.

Midowga Yurub waxay leedahay qawaaniin ka dhaxeeya dhinaca waxa shuruud u ah in qof loo arko inuu u baahanyahay magan-gelyo kale. Qof u baahan magan-gelyo kale badanaaba wuxuu helaa sharci daganaansho oo ah 13 bilood.

Adiga waxaa laguu arkaa qof u baahan magan-gelyo kale haddii Hey'adda Socdaalku qiimeyso inuu jiro khatar ah in:

  • Lagugu ciqaabo dil.
  • Lagugu dhibo ciqaab jir ahaan ah, jir dil, lagugula dhaqmo wax kale oo ka baxsan bini'aadminimo ama sharaf ridid ah ama ciqaab kale.
  • Ay waxyeelo ku soo gaarto iyadoo ay sabab u tahay dagaal hubeysan, inkastoo adigu aanad ahayn askari.

Way dhici kartaa in dad magan-gelyo doon ahi helo sharciga deganaansho inkastoo aan iyaga lagu qiimeyn inay yihiin qaxoonti ama qof halis ku muddan kara haddii wadankiisa lagu celiyo.

Tani waxay tusaale ahaan noqon kartaa haddii adigu aad leedahay xaalad caafimaad oo aad khatar u ah, haddii dhibaato kaa soo gaartay ka ganacsiga dadka ama aad ka qayb-qaadanayso baaritaanka dembi.