In la ahaado magan-gelyo doon
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 8/5-2023
Hey'adda Socdaalku waxay lahaan kartaa safaf dhaadheer oo waxaad sugi kartaa wakhti dheer inaad timaado baaritaanka magan-gelyo. Wakhtiyada sugitaanku dhererkoodu way ku kala duwanaan karaan dadku. Codsiyada magan-gelyada oo dhan way kala duwan yihiin oo sidaas darteed wakhtiyo kala duwan ayay qaadataa in la baaro.
Waa caadi in la dareemo caafimaad daro
Waa caadi in la dareemo wel-wel ah waxa dhici doona mustaqbalka marka qofku sugayo go'aanka ku saabsan codsiga magan-gelyo. Dadka qaarkood waxay xitaa caafimaad daro ka dareemi karaan inay soo mareen dhacdooyin aad u xun markay joogeen dalkoodi wakhtigii safarka ay ugu soo carareen Iswiidhan.
Kaarka LMA
LMA micnaheedu waa "sharciga qaabilaada magan-gelyo doonka".
Marka aad magan-gelyo ka codsato Iswiidhan waa lagu sawirayaa. Ka dib waxaad helaysaa waxa lagu magacaabo kaarka LMA. Wakiilkaaga caruurta kaarkaaga LMA ka soo qaadaya Hey'ada Socdaalka xafiiskeeda qaabilaada.
Kaarka LMA waa kaar caag ah oo leh sawirkaaga taas oo muujinaysa inaad tahay magan-gelyo doon. Kaarkani maaha kaar aqoonsi, laakiinse waa caddaynta in adigu aad tahay magan-gelyo doon iyo inaad joogi kartid Iswiidhan wakhtiga aad sugaysid go'aan.
Kaarka LMA wuxuu baddelaa warqadi lagu siiyay markii aad is dhiibtay. Waa inaad mar kastaba sidataa kaarkaaga LMA. Tani waa muhiim tusaale ahaan marka aad booqato daryeelka caafimaadka ama soo qaadanayso dawo laguu qoray. Waxaad heli kartaa qiime raqiis ah haddii aad wadato kaarkaaga LMA.
Baaritaanka caafimaadka
Dadka magan-gelyo doonka ah oo dhan waxaa lagu casuumaa baaritaan caafimaad oo bilaash ah. Rugta caafimaadka ee meesha aad degantahay ayaa kuu soo diraysa warqad ay ku qorantahay inaad timaado baaritaan caafimaad.
Xilliga baaritaanka caafimaadka waxaad la kulmaysaa shaqaalaha daryeelka caafimaadka: kalkaaliso caafimaad iyo dhakhtar. Kalkaalisada caafimaad waxay ku su'aalaysaa wixi ku saabsan caafimaadkaaga oo qaadaysaa dhiigag si loo eego haddii aad leedahay wax cudur ah oo u baahan in la daweeyo. Kalkaalisada caafimaad waxaa kale oo ay kuu sheegaysaa sida daryeelka caafimaadka ee Iswiidhan u shaqeeyo. Waxaad la kulmaysaa dhakhtar samayn kara baaritaanka jirka haddii tani loo baahdo.
Weydii shaqaalaha caafimaadka haddii aad ka fikiraysid wax ku saabsan caafimaadkaaga. Ka sheekee caafimaadkaaga maskax ahaaneed. Waxaa jira caawimaad la heli karo haddii aad dareemaysid niyad-jab, murugo, wel-wel, walbahaar, riyooyin xun ama ay kugu adagtahay inaad seexato. Adigu waxaad xitaa la hadli kartaa shaqaalaha caafimaadka haddii aad u baahantahay dawooyinka uurka la isaga ilaaliyo iyo daryeelka hooyada.
Shaqaalaha caafimaadka ma u shaqeeyaan Hey'adda Socdaalka oo waxaa waajib ku ah xog-qarinta shaqada. Tani micnaheedu waa in iyagu aanay qof kale uga sheekayn karin wixi ku saabsan booqashadaada ama waxa aad adigu u sheegtay iyaga.
Baaritaanka caafimaadka wax raad ah kuma yeesho codsigaaga magan-gelyo. Tani waxaa loogu talogalay inaad adigu hesho caawimaad haddii aad u baahantahay daryeel.