Xuquuqda xilliga wakhtiga magan-gelyada

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 25/1-2023

Caruurta magan-gelyo doonka ahi waxay leeyihiin xuquuq la mid ah sida caruurta kale ee ku jirta bulshada iswiidhishka.

Tani micnaheedu waa tusaale ahaan in:

  • Adigu aad xaq u leedahay inaad sheegto waxaad ka fikirayso iyo dareenkaaga. Dadka waaweyn waa inay dhagaystaan adiga iyo baahiyahaaga marka ay gaarayaan go'aan adiga kugu saabsan.
  • Adigu waxaad xaq u leedahay daryeelka bukaanka iyo daryeelka ilkaha haddii aad u baahato.
  • Adigu waxaad xaq u leedahay inaad dhigato iskool.

Xuquuqda gaarka ah xilliga wakhtiga magan-gelyo doonka

Adigu waxaad xaq u leedahay inaad tagto iskool ama dugsi sare xilliga wakhtiga magan-gelyada si la mid ah caruurta kale ee ku nool Iswiidhan.

Adigaaga ka y ar 18 sano waxaad xaq u leedahay daryeelka bukaanka iyo daryeelka ilkaha si la mid ah caruurta kale ee ku nool Iswiidhan. Daryeelka ilkaha bilaash ayuu u yahay qofka ka yar 18 sano. Daryeelka bukaanka badanaaba bilaash ayuu u yahay qofka ka yar 18 sano.

Haddii aanad haysan lacag, ama aanad shaqaysan lacag, waxaad kaalmo dhaqaale ka codsan kartaa Hey'ada Socdaalka.

Haddii aad tahay 16 ama ka weyn oo aad caddaysay qofka aad tahay xilliga baaritaanka magan-gelyo waxaad xaq u yeelan kartaa inaad ka shaqayso Iswiidhan wakhtiga aad tahay magan-gelyo doonka.

Adigu waa inaad heshay caddaynta ah in laguu oggolyahay inaad shaqayn karto wakhtiga aad sugayso go'aanka codsigaaga magan-gelyo. Tani waxaa lagu magacaabaa AT-UND. Waxaad AT-UND ka heli kartaa Hey'ada Socdaalka.

Haddii aad leedahay hoos u dhac laxaadka ah taas oo raad kugu yeelatay jir ahaan iyo caqli ahaan waxaa tani lagu magacaabaa in la leeyahay hoos u dhac laxaadka ah. Adigaaga leh hoos u dhac laxaadka ah waxaad leedahay xuquuq gaar ah xilliga wakhtiga aad tahay magan-gelyo doon:

  • Waxaad heli kartaa caawimaada inaad la hadasho shaqaalaha Hey'adda Socdaalka marka aad is dhiibto.
  • Waxaad xaq u leedahay taageero kuu fududeysa inaad soo dhex gasho bulshada Iswiidhan haddii aad hesho sharci daganaansho.
  • Degmada aad degantahay waa inay hubsataa inaad hesho taageerada aad u baahantahay si aad u dabari karto noloshaada maalinlaha ah.

Caruurtu waxay xaq u leeyihiin inay la joogaan qoyskooda. Tani waxay ku qorantahay xeerka caruurta ee Qaramada Midoobay taas oo Iswiidhan ay saxeexday.

Hey'adaha dawladeed ee Iswiidhan waxay kaa caawin karaan inaad hesho qoyskaaga haddii aad timi Iswiidhan iyagoon kula socon. Haddii waalidkaa ama qaraabo kale ay amaan ku joogaan dal kale waad tegi kartaa halkaasi.

Haddii waalidkaa aanay amaan ku haysan dal kale waxay heli karaan sharciga deganaansho ee Iswiidhan. Si tani suurtagal u noqoto waa in aad heshay sharciga deganaansho ee ku meel gaarka ah ee qaxoontinimo ama sharciga deganaansho ee joogtada ee qof gabood u baahan. Xaaladaha qaarkood waxay tani khuseyn kartaa xitaa adigaaga helay sharciga deganaansho oo ay sabab u tahay xaalado nuglaan oo aad u adag.

Adigu waxaad xaq u leedahay inaad rafcaan ka qaadato Hey'adda Socdaalka go'aankeeda haddii la diido codsigaaga magan-gelyo.