Go’aanka codsigaada magan-gelyo

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 24/5-2024

Marka Hey’adda Socdaalka ay samayso baaritaanka magan-gelyo ayay sameeyaan qiimeyn. Ka dib ayaad helaysaa go’aanka ah haddii codsigaada magan-gelyo la oggolaaday ama haddii aad heshay diidmo.

Go’aanku wuxuu noqon karaa haa ama maya

Haddii aad heshay haa ah codsigaaga magan-gelyo waxaad helaysaa sharci degganaansho oo waxa aad xaq u leedahay in aad joogto Iswiidhan.

Haddii aad heshay maya ah codsigaaga magan-gelyo waxaa taas lagu magacaabaa in aad heshay diidmo dhanka codsigaada magan-gelyo.

Hey’adda Socdaalka waxay go’aankeeda ku salaysaa sheekadaada, iyo caddaymaha aad dhiibatay ee taageero u ah wixii aad ka sheekaysay. Hey’adda Socdaalka waxay go’aanka xitaa ku salaysaa waxa ay ka ogyihiin xaaladda dalkaaga aad u dhalatay.

Hey’adda Socdaalka waxa ay go’aanka kuugu wargelin kartaa qaabab kala duwan

Marka Hey’adda Socdaalka ay samayso baaritaanka magan-gelyo ayay awoodaan in ay go’aankan kuugu sheegaan kulan aad adiga iyo qofka wakiilka kaa ah aad kula kulmeysaan hawl-wadeen, ama waxay kuu soo dirayaan warqad wadata go’aankaas.

Xitaa haddii go'aanka laguugu soo diro warqad ahaan, waxay Hey'adda Socdaalka ay adiga iyo qofka wakiilka kaa ah idiinku yeeri doontaa kulan, halkaas ayaad ku helaysaa warbixinta ku saabsan go’aankan iyadoo turjubaan ku caawinayo. Markaas ayaa hawl-wadeenkaas kuu sharraxayaa micnaha go’aankaas, waxa xuquuq ah ee aad leedahay iyo waxa dhici doonaa intaas ka dib.