Go'aanka codsiga magangelyo

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 2/3-2023

Ka dib marka Hey'adda Socdaalku samayso baaritaanka magangelyada ayay sameeyaan qiimeynta. Markaas ka dib ayaad helaysaa go'aanka ah haddii codsigaaga magangelyo la oggolaaday ama la diiday.

Go'aankan wuxuu ku salaysanyahay sheekadaadi iyo caddaynti aad dhiibtay si ay u taageerto wixii aad ka sheekaysay. Waxaa kale oo ay xitaa ku salaysantahay waxa Hey'adda Socdaalku ka ogtahay xaalada ka jirta dalkaaga.

Hey'adda Socdaalka shaqaalaheeda ayaa kuu sheegaya go'aankan

Marka Hey'ada Socdaalku ay gaarto go'aan ayay kuu soo dirayaan warqad. Warqadan waxaa ku qoran xilliga iyo meesha adiga iyo wakiilkaaga caruurta aad kula kulmaysaan Hey'ada Socdaalka shaqaalaheeda.

Shaqaalahan ayaa kuu sheegaya haddii codsigaagi magangelyo la oggolaaday ama la diiday. Shaqaalahan ayaa xitaa kuu sheegaya sida ay Hey'adda Socdaalku u soo gaartay go'aankan.