Diidmo

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 17/10-2023

Haddii la diido codsigaaga magan-gelyo micnaheedu waa in Hey'adda Socdaalku ay u aragto in aanad haysan sabab kugu filan si aad u joogto Iswiidhan.

Adiga iyo wakiilkaaga caruurta ayaa kala hadlaya Hey'ada Socdaalka wixi ku saabsan xaaladaada iyo waxa aad ka fikirayso mustaqbalka.

Haddii aad hesho diidmo waxaad haysataa laba doorasho:

  • In aad rafcaan ka qaadato go'aankan
  • In aad ku noqoto dalkaagi ama dal kale oo aad ka haysato sharci aad ku joogto.

Haddii aad aqbasho Hey'ada Socdaalka go'aankeeda in la diiday codsigaaga magan gelyo waxaa tani lagu magacaabaa inaad ku qanacday. Haddii aad ku qanacday markaasi ma dooran kartid inaad rafcaan ka qaadatid go'aankan xilli dambe.

Haddii aad u aragto in Hey'ada Socdaalku aanay si sax ah u qiimeyn dacwadaada waxaad xaq u leedahay inaad rafcaan ka qaadato go'aankan.

In rafcaan la qaato micnaheedu waa in adiga iyo wakiilkaaga caruurta aad warqad u qoraysaan Hey'ada Socdaalka oo sheegaysaan in aanaydin ku raacsanayn go'aankan.

Go'aanka Hey'adda Socdaalka waxaa ku qoran dhererka wakhtiga aad haysato inaad rafcaan ku qaadato. Tani badanaaba waa saddex toddobaad oo ka bilaabanta marki aad heshay go'aankan.

Haddii aad doonayso inaad rafcaan ka qaadato Hey'ada Socdaalka go'aankeeda waa in adiga iyo wakiilkaaga caruurta aad la hadashaan gar-yaqaankaaga. Gar-yaqaankaaga ayaa kaa caawinaya inaad si sax ah u qaadato rafcaan.

Rafcaanka u gudba Maxkamadda arrimaha socdaalka

Haddii aad doonayso inaad rafcaan ka qaadato Hey'ada Socdaalka go'aankeeda markaasi gar-yaqaankaaga ayaa warqad u diraya Hey'ada Socdaalka. Taasi waa inay ku qorantahay:

  • Go'aanka uu yahay ka aad doonaysid in Hey'adda Socdaalku ay baddasho.
  • Sababta aad u doonaysid in Hey'adda Socdaalku ay u baddasho go'aankan.
  • Macluumaadkaaga shakhsiga ah.
  • Lambarka dacwadaada. Lambarka dacwadaada wuxuu ku qoranyahay kaarkaaga LMA-ga.
  • Lambarka telafoonka iyo cinwaanka ay Hey'adda Socdaalka ama maxkamaddu kaa heli karto.

Hey'adda Socdaalku waxay eegaysaa rafcaankaaga si loo eego haddii go'aankan la baddalayo. Haddii Hey'adda Socdaalku u aragto inay sameeyeen go'aan qalad ah way baddali karaan go'aankooda. Tani waxay ahaan kartaa tusaale ahaan haddii ay jirto sabab magan-gelyo taas oo Hey'adda Socdaalku aanay ogayn markii ay gaarayeen go'aankan.

Haddii Hey'adda Socdaalku aanay u arag in ay jirto sabab loo baddalo go'aankan waxaa loo gudbiyaa Maxkamadda arrimaha socdaalka. Maxkamaddu way baddali kartaa go'aankan, ama raaci karaan Hey'adda Socdaalka.

Rafcaanka u gudba Maxkamadda sarre ee arrimaha socdaalka

Haddii aanad ku qanacsanayn Maxkamada arrimaha socdaalka xukunkeeda waxaad rafcaan u dirsan kartaa Maxkamada sare ee socdaalka. Gar-yaqaankaaga ayaa ku caawin kara.

Adigu waa inaad rafcaan u dirsataa Maxkamada sare ee socdaalka gudaha saddex toddobaad laga soo bilaabo maalinti aad xukunkan ka heshay Maxkamada arrimaha socdaalka.

Maxkamadda sarre ee arrimaha socdaalka waxay ka shaqeeyaan oo keliya dacwado gaar ah. Tani waxaa lagu magacaabaa inay eegaan dacwada. Maxkamadda sarre ee arrimaha socdaalka waxay eegi karaan dacwad aan la hayn jidki loo mari lahaa oo aan lagu arag xukunyo hore ama haddii Maxkamadda arrimaha socdaalku ay dacwadan u eegtay si qalad ah.

Dacwadaha badankooda waxay Maxkamadda sarre ee arrimaha socdaalka go'aamisaa in aanay eegin rafcaankan. Markaasi waxaa ansax noqonaysa Maxkamada arrimaha socdaalka xukunkeedi. Haddii Maxkamadda sarre ee arrimaha socdaalka go'aamiso inaanay eegin rafcaankan waxaa bilaabmaysa in xukunkii Maxkamada arrimaha socdaalku uu si toos ah u noqdo ansax.

Marka aanay suurtagal ahayn in rafcaan la qaato

Adigu ma qaadan kartid rafcaan:

  • Haddii aad aqbashay go'aankan och saxeexday xilliga waxa lagu magacaabo ku dhawaaqida in lagu qancay.
  • Haddii Maxkamadda sare ee arrimaha socdaalka ay go'aamisay in aanay eegin dacwadaada.
  • Aad heshay sharci daganaansho oo ku meel gaar ah.

Haddii aad hesho go'aan ah mustaafurin ama diidmo waxaa loo yeerayaa adiga iyo wakiilkaaga caruurta dhowr kulan oo ka dhaca Hey'ada Socdaalka si loo qorsheeyo safarka dib ugu noqoshada dalkaaga ama dal kale oo aad xaq u leedahay inaad joogto.

Xilliga kulamadan ayaad su'aalo weydiin kartaa Hey'ada Socdaalka shaqaalaheeda. Waxaad helaysaa macluumaadka ku saabsan doorashooyinka kala duwan ee in dib loo noqdo.

Haddii aad ka yartahay 18 sano waa inay jiraan wax ah waalid, qaraabo kale ama urur ku qaabili kara marka aad halkaasi timaado. Adiga iyo wakiilkaaga caruurta ayaa dhiibaya magaca iyo lambarka telafoonka ee waalidkaaga ama qaraabadaada si Hey'ada Socdaalku ula xiriiri karto iyaga.

Haddii aad doorato inaad safarto keligaa waxay Hey'ada Socdaalka kaa caawinaysaa safarkan. Haddii Hey'ada Socdaalku u aragto in aanad samayn wada-shaqaynta in aad dib u noqoto markaasi waa in adigu aad keligaa diyaarsato safarkan.

Haddii aad ka wayntahay 18 sano, oo kharashka maalinlaha ah aad ka hesho Hey'ada Socdaalka, waxay Hey'ada Socdaalku yarayn kartaa kharashkaaga maalinlaha ah haddii ay iyagu u arkaan in adigu aanad la samayn wada-shaqayn dhinaca dib u noqodka.

Mararka qaarkood waxaad heli kartaa kaalmo dhaqaale taas oo la bixiyo marka aad adigu dib u noqoto. Tani waxay ku xirantahay dalka aad dib ugu noqonayso. Waa in adigu aad codsato kaalmadan dhaqaale ka hor intaanad ka safrin Iswiidhan.

Goorma ayay tahay inaad ka tagto Iswiidhan?

Waxaad helaysaa wakhti cayiman in aad kaga baxdo Iswiidhan ka dib markaad hesho go'aankaaga. Go'aanka ayay ku qorantahay wakhtiga aad haysato.

Haddii aanad dib u noqon gudaha wakhtigan waxaad khatar ugu jirtaa in aad hesho mamnuucida dib u soo noqosho. Tani micnaheedu waa in aanad safar ku soo geli karin dal ku yaala gudaha Midowga Yurub (EU), Noorway, Iislaand, Siwisarland, Layjastayn, Roomaaniya ama Bulgaariya wakhti ah muddo hal ilaa shan sanno ah. Tani waxay ku qorantahay go'aankaaga muddada uu ansaxa yahay dhererka mamuucida safar dib u soo noqosho.