Oggolaansho sharci daganaansho

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 17/10-2023

Haddii laguu oggolaaday sharciga deganaansho micnaheedu waa in la aqbalay codsigaaga magan-gelyo. Tani micnaheedu waa in laguu oggolyahay inaad joogto Iswiidhan.

Noocyada kala duwan ee sharciiyada daganaansho

Haddii aad heshay sharci daganaansho oo qaxoonti ahaan ah waxaa sharcigaagu ansax yahay saddex sanno.

Haddii aad heshay sharci daganaansho oo ah baahi magan-gelyo oo kale waxaa sharcigaagu ansax yahay 13 bilood.

Diiwaan gelinta dadweynaha

Marka aad hesho sharciga deganaansho waa inaad iska diiwaan gelisaa diiwaan gelinta dadweynaha ee Iswiidhan. Tani waxaad ka samaynaysaa mid ka mid ah xafiisyada Hey'ada Canshuuraha. Waa in wakiilkaaga caruurtakuu raacaa Hey'ada Canshuuraha si aad isu diiwaan geliso.

Diiwaan gelinta dadweynaha waxaa lagu diiwaan geliyaa macluumaadka ku saabsan dadka ku nool Iswiidhan, iyo halka ay ku noolyihiin. Marka aad is diiwaan geliso waxaa kale oo aad helaysaa afarta lambar ee ugu dambeeya ee lambarkaaga shakhsiga ah.

Dacwadaadi magan-gelyo way dhamaatay

Hal bil ka dib marka aad hesho sharciga deganaansho waxaa lagaa aarayaa nidaamka Hey'ada Socdaalka. Markaasi ma heli doontid kharashka maalinlaha ah. Kaarkaaga bangiga wuu joogsanayaa oo ma shaqaynayo. Sidaas darteed waxaa muhiim ah inaad kala baxdo lacagta ku harsan kaarka bangiga ka hor intaan lagaa saarin Hey'ada Socdaalka.

Marka lagaa saaro nidaamka Hey'ada Socdaalka way dhamaatay dacwadaadi magan-gelyo.

Degmada ayaa leh sii wadaysa inay mas'uul kaa noqoto, ilaa iyo inta aad buuxinayso 18 sano. Degmada ayaa tusaale ahaan hubinaysa inaad haysato meel aad deganaato iyo inaad tegi karto iskoolka.