Dib u mideynta qoyska

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 6/12-2022

Carruurtu waxay xaq u leeyihiin inay la joogaan qoyskooda. Tani waxay ku qorantahay Qaramada Midoobey qaraarkeeda ku saabsan carruurta xuquuqdooda kaas oo Iswiidhan saxeexday.

Waa maxay dib u mideynta qoyska?

Dib u mideynta qoyka micnaheedu waa in qoys kala maqnaa ay codsan karaan inay ku wada noolaadaan Iswiidhan oo la joogaan xubinta qoyska ee sharci degganaanho hehay.

Hey'adaha dawladeed ee Iswiidhan ayaa kaa caawin kara inaad hesho qoyskaaga, haddii aad timi Iswiidhan iyagoo aanay iyagu kula socon. Haddii waalidkaaga ama qaraabada kale ay ammaan ku yihiin dal kale markaasi halkaas ayaad tegi kartaa.

Haddii waalidkaagu aanay amaan dal kale waxay iyagu Iswiidhan ka codsan karaan inay sharci deggenaansho. Si taasi u suurtagasho waa in adigu aad haysato sharci degganaansho oo ah qaxoonti ama qof u baahan badbaado. Xaaladaha qaarkood waxay tani khuseyn kartaa xitaa adigaaga helay sharci degganaansho oo ay sabab u tahay xaalado laga damqado oo gaar ah.

Qofkee xaq u leh dib u mideynta qoyska?

Haddii aad haysato sharciga deganaansho ee Iswiidhan markaasi waalidkaaga iyo walaaladaa waxay codsan karaan inay dib kuugula midoobaan gudaha Iswiidhan.

Si Hey'ada Socdaalka ay u eegto haddii waalidkaagu xaq u leeyihiin inay u soo guuraan Iswiidhan waa in adigaaga ku nool gudaha Iswiidhan:

  • ahaato aan lahayn xaas/nin,
  • ahaato ka yar 18 jir,
  • timi Iswiidhan iyadoo waalid aan kula socon ama cid kale oo haysata mas'uuliyadda sharci ee ilmaha ama keligaa lagaa tagay ka dib markaad adigu timi Iswiidhan,
  • haysataa sharci degganaansho oo ah ku meel gaar ama joogto ah, laakiin aanad noqon muwaadin Iswiidhish ah.

Adigu waxaad xaq u yeelan kartaa in aad dib ula midowdo qoyskaaga xitaa haddii aad ka weyntahay 18 sano marka aad heshay sharci deggenaansho oo qaxoonti ahaan ah ama qof si kale ugu baahan badbaado, haddii aad 18 jir ka yarayd markaad magan-gelyo ka codsatay gudaha Iswiidhan. Taasi waxay shaqaynaysaa oo keliya haddii qoyskaagu uu codsado saddex bilood gudaheed kana bilaabmaysa markaad heshay sharcigaaga deggenaanshada.