Ku tababaro Hej svenska

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 21/1-2026

Hej svenska waa barnaamij luqadeed oo loogu talagalay adigaaga raba inaad ku tababarato af Iswiidhishka. Barnaamijkan waa bilaash gebi ahaanba oo wuxuu leeyahay afar heer. Waxaad sidoo Hej svenska ku isticmaali kartaa kombiyuutarka.

Barnaamijka luqadda ee Hej svenska waxaad ku baran kartaa ereyo iyo weedho cusub oo af Iswidhish ah oo waxaad ku tababaran kartaa naxwahaaga af Iswiidhiska. Waxaad tababaryadan ku samaynaysaa akhris, qorid iyo dhegaysi.

Telafoonka moobilka ama kombiyuutarka - adigu dooro!

Waxaad ku isticmaali kartaa Hej svenska taleefankaaga moobilka ama kombiyuutarka. Si aad Hej svenska ugu isticmaasho taleefankaaga moobilka waa in aad marka hore barnaamijkan ka soo dejisato App Store ama Google Play.

Waxaad u baahan tahay intarnet si aad u isticmaasho Hej svenska. Tani waxay khuseysaa haddii aad isticmaalayso moobil ama kombiiyuutar.

Laga bilaabo heerka bilowga ilaa heerka sare

Hej svenska wuxuu leeyahay afar heer oo sii kala adag: 1–4. Heerka 1-aad looguna talagalay adigaaga ah bilow. Heerarka kale waxay ka kooban yihiin tababaryo ka sii adag.

Heer kasta wuxuu ka kooban yahay toban mawduuc. Mawduuc kastaa waxaa ku jira dhowr tababar. Adiga ayaa dooran kara mawduuca iyo tababaryada aad rabto inaad ka shaqayso. Haddii aad rabto tababar isku mid ah ayaad samayn kartaa dhowr goor.

Hej svenska 1–4

Halkan waxaad ka soo dejisan kartaa Hej svenska dhanka App Store ama Google Play. Haddii aad isticmaaleyso kombiyuutar markaas toos ayuu u furmayaa Hej svenska.

Badhanka dhagaysiga

Badhanka dhageysiga wuxuu leeyahay calaamad ah sameecad. Riix badhankan si aad u dhageysato nuxurka ku jira tababar.

Badhanka OK

Riix badhanka OK si aad u saxdo tababar aad samaysay. Haddii jawaabtaadu sax tahay, waxaa lagu calaamadeyn doonaa midab cagaar ah. Haddii jawaabtaadu khaldan tahay, waxaa lagu calaamadin doonaa midab guduudan.

Badhanka fallaadha

Riix badhanka fallaadha si aad ugu sii gudubto tababarka ku xiga. Waa inaad saxdaa tababarkan ka hor intaadan riixin badhanka fallaadha ah.

Badhanka caawinta

Badhanka caawinta wuxuu leeyahay calaamad su'aal. Riix Badhanka Caawinta si aad u aragto tababarkaas jawaabihiisa saxda ah wakhti ah dhowr il-biriqsi. Waxaad ku dhufan kartaa badhanka inta mar ee aad rabto ee u baahantahay.

Su’aalo iyo jawaabo

Haa, haddii aad sameyso tababaryo leh xiriir taxanne ah waxaad u baahanaysaa inaad tababaryada u dhammaystirto siday isug xigaan si aad u sii gudubto.