Khamriga, daroogada, maadooyinka jirka, tobaakada iyo khamaarka (ANDTS)

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 15/8-2023

Caadooyinka nolosha waa caadooyin micno weyn u leh caafimaadkeena. Sigaar cabista, khamriga iyo daroogadu waxay sababi karaan caafimaad daro. Xitaa khamaarka lacagta wuxuu keeni karaa dhibaato iyo caafimaad daro.

Tobaakada waxaa ku jira maadooyin badan oo sun ah. Waxyaabo ay ka mid tahay nikotiin taas oo ah maado balwad keenta kuna jirta alaabta tobaakada ah.Tobaakada waxay xitaa ku jirtaa buuriga afka la geliyo, sigaarka, sigaarka korontada iyo badeecada. Sigaaryada korontada badanaaba waxaa ku jirta nikotiin.

Sigaar cabistu waxay kordhisa khatarta dhowr cudur oo keentaa in dadku geeriyoodaan wakhti hore. Xanuunka neefta, kansarka, cudurada sambabada, cudurada wadnaha iyo xididada iyo nabarka caloosha waa tusaale ka mid ah dhaawacyada ay sigaar cabistu sababto. Adigu si fudud ayaad balwad ugu yeelan kartaa nikotiinta. Balwad micnaheedu waa in jirku la qabsanayo inuu wax helo oo doonayo inuu mar kale waxaas helo. Haddii aad balwad ku yeelatay nikotiinta waxaa badanaaba adkaan karta inaad iska joojiso.

Buurigu waa tobaakada la geliyo dibnaha hoostooda. Buurigu wuxuu sababi karaa dhaawacyo iyo cuduro ku dhaca afka oo keeni karaa kansar.

Sigaaryada korontada ku shaqeeya waxay ka koobanyihiin qalab ay ku jirto dareere leh maadooyin dhadhan leh oo kala duwan iyo kiimiko. Nikotiin badanaaba way ku jirtaa laakiin ma ku jirto tobaako. In la cabo sigaarka korontada ku shaqeeya waxay dhaawici karaan caafimaadkaaga. Waxaa jirta xitaa khatarta in qofku ku badalo cabida sigaarka tobaakada leh.

Badeecada waxaa lagu cabaa tobaako dhadhan leh ama qiiq ka kooban melcas, waxyaabo lagu daray iyo maado macaanaysa. Melcas ma ku jirto tobaako ama nikotiin. Xitaa haddii urteeda iyo dhadhankeedu khafiif tahay waxaa qiiqan ku jira kolmanoksiid iyo maadooyin kansar keena isla sida qiiqa tobaakada.

Marka aad isku qol ku jirtaan qof cabaya markaas adiguna neeftaada ayuu raacayaa qiiqan. Tani waxaa lagu magacaabaa sigaar cabista qarsoon oo waxay keeni kartaa in adigana ay kugu dhacaan isla cudurada ku dhici kara qofka cabaya.

Alaabta leh tobaakada ama nikotiinta ma la ogola in laga iibiyo dadka ka yar 18 sano. Sharcigan waxaa loogu talogalay in lagu ilaaliyo dadka dhalinyarada ah. Waa mamnuuc in sigaar lagu cabo maqaaxiyaha cuntada, meelaha kafeega, goobaha shaqada, banaanka isbitaal, kadinada, jardiinooyinka iskoolka, goobaha isboortiga, goobaha caruurtu ku ciyaarto, meelaha baska lagu sugo iyo kaabadaha tareenka laga raaco.

Waxaa jirta caawimaad aad heli karto

Haddii aad doonaysid inaad iska joojisid sigaarka ama buuriga waxaad caawimaad ka heli kartaa rugtaada caafimaadka. Adigu mar kastaba waxaad wici kartaa oo aad talo-bixinta xanuunka ka heli kartaa lambarka telafoonka ee 1177.

Khadka Jooji Sigaar Cabista – bog intarnat lehna macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan tobaakada halkaas oo aad si bilaash ah uga heli karto talo-bixin ay telafoonka kugu siiyaan shaqaale. Wac telafoon lambarka 020-84 00 00 haddii aad doonaysid inaad hesho taageero si aad isaga joojiso sigaarka ama buuriga.

Khamri wuxuu ku jiraa cabitaano badan oo kala duwan, tusaale ahaan biirka, siidarka, fiin iyo khamriga kulul. Khamrigu waa sun raad ku yeelata jirka. Qofna uma fiicna in la cabo khamri baan. Laakiin waxay khatar dheeraad ah ku tahay dhalinyarada inay wax badan cabaan. Maskaxdu horumar ayay ku jirtaa ilaa iyo da´da 25 sano. Sidaas darteed dadka dhalinyarada ah si fudud ayuu u dhaawici karaa khamrigu. Waxaa kale oo weyn khatarta in balwad ay yeeshaan dadka bilaabay inay khamriga cabaan markay yihiin dhalinyarada.

Gudaha Iswiidhan dhamaan dadka ka yar 18 sano waxay xisaabsanyihiin caruur. Si loo ilaaliyo caruurta iyo dhalinyarada waxaa jira sharciyo khuseeya khamriga.

  • Adigu waa inaad ahaataa ugu yaraan 18 sano si aad khamri uga cabta maqaaxi cunto ama baar
  • Adigu waa inaad ahaataa ugu yaraan 20 sano si aad khamri ugu iibsato Systembolaget
  • Sharci daro ayay ku tahay qof weyn inuu qof ka yar 20 sano u iibiyo ama siiyo khamri

Waxaa jirta caawimaad aad heli karto

Haddii adiga ay ku haysato dhibaato khamriga ah ama aad ka wel-welsantahay saaxiib waxaad la xiriiri kartaa kooxda caafimaadka ardayda ee joogta iskoolka, rugta qaabilaada dhalinyarada ama rugta caafimaadka. Adigu mar kastaba waxaad wici kartaa oo aad talo-bixinta xanuunka ka heli kartaa lambarka telafoonka ee 1177.

Waxaa kale oo aad wici kartaa telafoonka khamriga Alkohollinjen haddii aad ka fikiraysid caadooyinkaaga khamriga ama kuwa qof kale. Halkaas waxaad kula hadli kartaa talo-bixiyayaal aqoon leh. Dhanka Alkohollinjen waxaad wacaysaa iyadoo bilaash ah oo aanad lagu garanayn. In aad wacdo iyadoo aan lagu garanayn micnaheedu waa in adigu aanad u baahnayn inaad sheegto qofka aad tahay.

Wac Alkohollinjen lagana helo telafoon lambarka 020-844 448.

Waxaa jira urur loogu talogalay adigaaga ah dhalaanka kaas oo lagu magacaabo BRIS - Caruurta xuquuqdooda dhanka bulshada. BRIS waad wici kartaa, u diri kartaa ii-mayl ama la sheekaysan kartaa la-taliye. Waa bilaash oo waxaad la hadli kartaa adigoo aan sheegin magacaaga. BRIS ka wac telafoon lambarka 116 111.

Haddii aad ka wel-welsantahay qof aad u sakhraama:

  • La xiriir qof weyn
  • La xiriir talo-bixinta daryeelka bukaanka lagana helo telafoon lambarka 1177
  • La xiriir booliiska
  • Tag isbitaal
  • Wac 112 haddii qofkani yahay bilaa miyir

Haddii aad doonaysid inaad wax dheeraad ah ka ogaato khamriga waxaad booqan kartaa boggagan intarnatka:

Iswiidhan waa ka mamnuuc dhamaan iibinta daroogada. Kalmad kale oo loo isticmaalo daroogada waa maan-dooriye. Waxaa jir daroogooyin kala duwan oo badan sida tusaale ahaan, amfatamiin, kokayn, hirawiin iyo xashiishada. Qaadku wuxuu xisaabsanyahay maan-dooriye. Waxaa xitaa jira dawooyin xisaabsan inay yihiin maan-dooriye. Kuwaas waxaa lagu qaadan karaa oo keliya iyadoo dhakhtar qoray.

Maan-dooriyaha ugu badan Iswiidhan waa xaashiishada (xashiishada iyo mariwaanada). Isticmaalka xashiishadu wuxuu keeni karaa tiro ah cawaaqib xumo bulsho, tusaale ahaan dhibaato gudaha iskoolka ah, baddelka saaxiibada iyo dagaal guriga ah. Xashiishadu raad ayay ku yeelataa maskaxda oo waxay keeni kartaa in qofku si fiican u fikiri karin oo yahay sidii qof maqan oo aan jawaabi karin. Waxaa kale oo adkaan karta in la xusuusto waxyaabo mar dhawayd dhacay iyo inay qofka ku adkaato in waxyaabo cusub la barto.

Maan-dooriyuhu waa wax balwad lagu yeesho. Haddii aad isticmaasho maan-dooriye waxaa badanaaba adag in la iska joojiyo. Khatarta in balwad lagu yeeshaa way weyntahay haddii aad daroogada isticmaasho badanaaba ama wax badan. Haddii aad yeelatay balwad waxay badanaaba keentaa dhibaatooyin caafimaad iyo bulsho ahaan.

Qaadashada dawooyinka jirka dhisa waxay tahay si xun u isticmaalida alaabta hoormoonadu ku jiraan si loo kordhiyo awooda muruqyada iyo tiradooda. Qaadashada dawooyinka jirka dhisa ma laga oggola Iswiidhan. Tusaale ka mid ah dawooyinka jirka dhisa waa isticmaalka maadooyinka istarooydhka (AAS). Qofkii isticmaala maadooyinka istarooydhka waxaa badanaaba ku dhaca inay si xoog leh raad ugu yeelato sida tusaale ahaan finan xun, dabeecada oo dhakhso isku badasha, awooda u hamoodka galmo oo yaraata, dhibaato dhinaca dhalmada iyo cuduro khatar ah oo wadnaha iyo xididada ah.

Waxaa jirta caawimaad aad heli karto

Haddii adiga ay ku haysato dhibaato maan-dooriye ah ama aad ka wel-welsantahay saaxiib waxaad la xiriiri kartaa kooxda caafimaadka ardayda ee joogta iskoolka, rugta qaabilaada dhalinyarada ama rugta caafimaadka. Adigu mar kastaba waxaad wici kartaa oo aad talo-bixinta xanuunka ka heli kartaa lambarka telafoonka ee 1177.

Ka caawinta xashiishada waa bog intarnat kaas oo bixiya taageero takhasus leh iyo daryeel loogu talogalay adigaaga doonaya inaad joojisid xashiishada ama taageerida adigaaga ah qaraabo.

Dhanka Heeganka dawooyinka jirka lagu dhiso waxaad ka heli kartaa caawimaad iyo taageero haddii aad isticmaasho istarooydhyada. Adigu waxaad xitaa la xiriiri kartaa Heeganka dawooyinka jirka lagu dhiso haddii aad ka wel-welsantahay qof kale oo isticmaala dawooyinka jirka lagu dhiso. Adigoo aan magacaaga sheegin ayaad wici kartaa Heeganka dawooyinka jirka lagu dhiso talo-bixintooda telafoonka lagana helo telafoon lambarka 020–546 987. In aad wacdo iyadoo aan lagu garanayn micnaheedu waa in adigu aanad u baahnayn inaad sheegto qofka aad tahay.

Waxaa jira urur loogu talogalay adigaaga ah dhalaanka kaas oo lagu magacaabo BRIS - Caruurta xuquuqdooda dhanka bulshada. BRIS waad wici kartaa, u diri kartaa ii-mayl ama la sheekaysan kartaa la-taliye. Waa bilaash oo waxaad la hadli kartaa adigoo aan sheegin magacaaga. BRIS ka wac telafoon lambarka 116 111.

Haddii aad doonaysid inaad dheeraad ka ogaato daroogada waxaad booqan kartaa boggagan intarnatka:

Haddii aad leedahay dhibaato khamaarka ah micnaheedu waa inay kugu adagtahay inaad kantaroosho inta ay leegtahay lacagta iyo wakhtiga aad gelinayso inaad ku khamaarto lacag. Dhibtaadada khamaarku waxay dhaawici kartaa xiriiryada, dhaqaalaha iyo caafimaadka. Dhibaatadan waxay raad ku yeelataa dadka aad u khamaara iyo xitaa qoysaskooda, saaxiibada iyo bulshada oo dhan.

Khamaarka badan wuxuu keeni karaa caafimaad daro maskaxiyan ah sida wel-wel, walbahaar iyo fikiryo in nafta la iska qaado. Dhibaatada khamaarka waxay keentaa natiijooyin dhaqaale xumo. Dadka leh dhibaato khamaar waxaa ku adag inay bixiyaan biilashooda, waxa ku dhacda calaamado lacag bixinta ah oo badanaa waxay ku jiraan deyn badan.

Waxaa jirta caawimaad aad heli karto

Miyaa adiga ama qof aad garanaysaa uu leeyahay dhibaato khamaar? Haddii aad doonaysid inaad wax ka badasho caadooyinkaaga khamaarka waxaad caawimaad iyo talo-bixin ka raadsan kartaa rugtaada caafimaadka ama xafiiska adeega arimaha bulshada. Adigu mar kastaba waxaad wici kartaa oo aad talo-bixinta xanuunka ka heli kartaa lambarka telafoonka ee 1177.

Taleefanka taageerada waa bog intarnat kaas oo taageero iyo caawimaad siiya dadka leh dhibaato khamaar. oo taageero iyo caawimaad siiya dadka leh dhibaato khamaar. Xitaa qofka ay qaraabo yihiin dadka leh dhibaato khamaar ayaa caawimaad ka heli kara Telafoonka taageerada. Adiga oo magacaaga aan sheegin ayaad wici kartaa Khadka taageerada oo taageero ka heli kartaa telafoon lambarka 020–819 100. In aad wacdo iyadoo aan lagu garanayn micnaheedu waa in adigu aanad u baahnayn inaad sheegto qofka aad tahay.

Bogga intarnatka ee Spelpaus.se waxaad iska xiri kartaaa dhamaan khamaarka ay shuruud u tahay inaad is-diiwaangeliso dhanka shirkadaha khamaarka ee ogolaanshaha u haysta inay ka shaqeeyaan khamaarka lacagta ee gudaha Iswiidhan.