Haddii aad u baahato daryeel caafimaad

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 8/2-2023

Waxaad xaq u leedahay daryeelka bukaanka iyo daryeelka ilkaha haddii aad u baahato. Waxaa jira noocyo daryeel oo badan oo kala duwan gudaha Iswiidhan. Boggan waxaad ka helaysaa caawimaada in la helo daryeelka saxda kuu ah adiga.

Haddii aad ka yartahay 18 sano oo magan-gelyo ka raadsatay Iswiidhan waxaad xaq u leedahay daryeel bukaan iyo daryeel ilko oo la mid ah ka caruurta iyo dhalinyarada kale ee gudaha Iswiidhan. Daryeelkan badanaaba wax kharash ah ma laha haddii aad ka yartahay 18 sano.

Haddii aad ka weyntahay 18 sano oo magan-gelyo ka codsatay Iswiidhan waxaad xaq u leedahay daryeelka ilkaha deg-dega ah. Waxaa kale oo aad xaq u leedahay daryeel haddii aad leedahay dhibaato mar dambe noqon karta deg-deg. Waa dhakhtarka qofka go'aaminaya haddii dhibaatadan ay hadhow noqon karto deg-deg.

Haddii aad ka weyntahay 18 sano oo heshay sharciga deganaansho waxaad xaq u leedahay daryeel bukaan iyo daryeel ilko oo la mid ah ka dhamaan dadka kale ee jooga gudaha Iswiidhan.

Muhiim ah in la ogaado haddii aad u baahato inaad raadsato daryeel

Waa inaad haysataa kaarkaaga LMA haddii aad raadsato daryeel. Waxaa lagaaga baahanyahay inaad tusto kaarkaaga LMA haddii aad dawo ka soo qaadanayso farmasiga. Haddii aanad weli helin kaarkaaga LMA waxaad tusaysaa warqada caddaynta ee inaad codsatay magan-gelyo.

Haddii aad heshay sharciga deganaansho ee Iswiidhan waxaa lagaaga baahanyahay inaad sidato kaarkaaga aqoonsiga marka aad raadsato daryeel ama aad soo qaadanayso dawo dhakhtar kuu qoray.

Gudaha Iswiidhan dhamaan shaqaalaha dhanka daryeelka caafimaadka waxaa waajib ku ah xog qarinta shaqada. Tani micnaheedu waa in iyaga aan loo oggolayn inay waxyaabo adiga kugu saabsan uga sheekeeyaan dad kale iyagoo adigu aanad oggolaan tani. Waxa aad u sheegto shaqaalaha daryeelka caafimaadka ma saamaynayso fursadahaaga ah inaad sharci ka hesho Iswiidhan. Turjumaanada ka shaqeeya hawsha dhanka daryeelka caafimaadka iyo bukaanka xitaa iyaga waxaa waajib ku ah xog qarinta shaqada. Xitaa kuwa ka shaqeeya farmasiga waxaa waajib ku ah xog qarinta shaqada.

Haddii aanad ku hadal Iswiidhish fiican waxaad heli kartaa caawimaada turjumaan marka aad la xiriirayso hey'adaha dawladeed iyo daryeelka caafimaadka. Adigu waxaad tusaale ahaan xaq u leedahay inaad hesho turjumaan marka aad la kulmayso dhakhtar ama qof kale dhanka daryeelka bukaanka ama daryeelka ilkaha.

Det är viktigt att du förstår vad vårdpersonalen säger och att vårdpersonalen förstår vad du säger. Det finns bilder som du kan använda när du träffar vårdpersonalen.

Hel daryeelka saxda ah

Kooxda caafimaadka ardayda

Dhamaan dadka iskoolka ka dhigta Iswiidhan waxay heli karaan caawimaad lagu magacaabo caafimaadka ardayda. Tani micnaheedu waa inaad la kulmayso kalkaaliso caafimaad ama dhakhtarka iskoolka ee jooga iskoolkaaga. Waxaa kale oo jira la taliye ama dhakhtarka cilmi nafsiga jooga iskoolkaaga oo aad la hadli karto haddii aad murugeysantahay oo xanuusanayso nafsiyan.

Hagida daryeelka ee 1177 Vårdguiden

Haddii shaki kaaga jiro marka ay tahay inaad raadsato daryeel waxaad mar kastaba Hagida daryeelka ka wici kartaa 1177 Vårdguiden. Lambarka telafoonkan waa 1177. Markaasi waxaad la hadli doontaa kalkaaliso caafimaad taas oo ku siin karta talo. Kalkaalisadan caafimaad waxay xitaa ku siin kartaa macluumaad ku saabsan halka aad ka helayso daryeelka saxda ah. Waxaad wici kartaa telafoon lambarka 1177 maalintii iyo habeenkiiba. Gobolada qaarkood waxaa laga helaa fursada ah in talo-bixin lagu helo luqado kale oo aan ahayn Iswiidhishka.

Rugta caafimaadka

Haddii aanad si deg-deg ah u xanuusanayn ama aanad dhaawac qabil waa inaad la xiriirtaa rugta caafimaadka. Rugta caafimaadka waxaad ka heli kartaa caawimaada wax badan. Waxaa kale oo aad rugta caafimaadka la xiriiri kartaa haddii aad xanuusanayso nafsiyan. Rugta caafimaadka waxay kaa caawin kartaa inaad la xiriirto rugaha caafimaadka ee cilmi nafsiga.

Daryeelka bukaanka ee deg-dega ah

Haddii adiga ama qof kale aad u xanuusanayo ama si khatar ah dhaawac u yahay waa inaad daryeel ka raadsataan qaabilaada deg-dega. Qaabilaada deg-dega waxaa laga helaa isbitaal oo waxay furantahay maalintii iyo habeenkiiba dhamaan maalmaha sanadkii oo dhan.

Haddii adiga ama qof kale aad u xanuusanayo nafsiyan oo si deg-deg ah ugu baahantihiin caawimaad waa inaad tagtaan qaabilaada deg-dega ee cilmi nafsiga. Waxaad wici kartaa telafoon lambarka 1177 si aad u ogaato meesha aad tagayso.

Lambarka qaylo dhaanta ee 112

Haddii ay tahay xaalad halis ah oo khatar ku ah nolosha qof waa inaad wacdaa telafoon lambarka 112. Markaasi ayaad helaysaa caawimaad deg-deg ah. Haddii loo baahdo waxaa imanaysa ambulaans taas oo ku geyn doonta qaabilaada deg-dega ah. Dhanka telafoon lambarka 112 waxaad kala xiriiri kartaa ambulaanska, booliska iyo dab-demiska.

Rugaha qaabilaada ee leh dhakhaatiir takhasus ah

Waxaa jira rugo caafimaad oo leh dhakhaatiir takhasusyo kala duwan leh kuwaas oo aan laga helin rugaha caafimaadka oo dhan. Tusaale ahaan cilmi nafsiga, dhakhtarka indhaha iyo dhakhtarka maqaarka.

Daryeelka ilkaha

Waxaad helaysaa daryeel ilko oo bilaash ah haddii aad ka yartahay 18 sano oo magan-gelyo ka codsatay Iswiidhan. Haddii aad heshay sharciga deganaansho waxaad helaysaa daryeel ilko bilaash ah ilaa iyo sanadka aad buuxinayso 22 sano.

Dhamaan caruurta iyo dhalinyarada jooga Iswiidhan waxaa loogu yeeraa baaritaanka caafimaad ee dhakhtarka ilkaha. Badanaaba waxaa lagaaga yeerayaa dhakhtarka ilkaha hal mar sanadkiiba. Baaritaankan waxaa loo sameeyaa si loo hubiyo caafimaadka ilkaha iyo tusaale ahaan in la helo daloolka gudaha ilkaha.

Haddii aad tahay magan-gelyo doon waxaa laguugu yeeri doonaa baaritaan ilaa iyo maalinta aad buuxinayso 18 sano.

Haddii aad heshay sharciga deganaansho waxaa laguugu yeeri doonaa baaritaan ilaa iyo sanadka aad buuxinayso 22 sano.

Iiibso dawooyin

Dawada waxaad ka iibsanaysaa farmasi. Dawooyinka qaarkood waxaa loo baahanyahay in la haysto warqada dawada oo laga helay dhakhtar. Shaqaalaha jooga farmasiga waxay wax badan ka yaqaanaan cudurada kala duwan oo waxay ku siin karaan talo-bixin ku saabsan dawooyinka. Dadka ka shaqeeya farmasiyada waxaa waajib ku ah xog qarinta shaqada.