Haddii aad tahay magan-gelyo doon oo aad noqonayso 18 sano

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 12/1-2023

Marka aad buuxiso 18 sano ama haddii da'daada kor loo dhigay in ka badan 18 sano waxaad xisaabsantahay in aanad ahayn caruur. Tani waxaa lagu magacaabaa inaad sharciyan tahay qaan gaar. Halkan waxaad adigaaga magan-gelyo doonka ahi ka akhrin kartaa waxa dhacaya marka aad noqoto qaan-gaar.

Intaas ka dib Adeega arrimaha bulshada ma laha mas'uuliyada dhaqaalahaaga iyo hoygaaga. Wax xaq ah uma lihid wakiilka caruurta.

Haddii aad qaan gaar noqoto ka hor intaanad helin jawaabta codsigaaga magan-gelyo waxaa mas'uuliyadaada la wareegaysa Hey'ada Socdaalka. Waxaa laguugu yeerayaa wada-hadalka 18 sano oo ka dhaca Hey'ada Socdaalka si aad u hesho warbixinta ku saabsan waxa dhacaya markaad noqoto qaan-gaar. Hey'ada Socdaalka waxaa kale oo ay kuu sheegaysaa sida ay u shaqaynayso kaalmo maalmeedkaaga dhaqaale.

Dacwadaadi taalay Hey'ada Socdaalka waxaa looga shaqaynayaa sida waafaqsan qawaaniinta khuseeya dadka waaweyn ee magan-gelyo doonka ah. Adiga laf ahaantaada ayaa mas'uul ka ah xiriiryada aad la leedahay Hey'ada Socdaalka.

Marka aad buuxiso 18 sano, ama kor loo dhigo da'daada in ka weyn 18 sano, markaasi ma ku sii noolaan kartid hoygi ay degmadu kuu diyaarisay.

Laga yaabee inaad fursad u leedahay inaad sii joogto degmadan adigoo degan hoy gaar kuu ah (EBO). Haddii kale waxaad u guuri kartaa Hey'ada Socdaalka hoygeeda la dego. Markaasi ma dooran kartid degmada aad ku noolaan doontid. Hey'ada Socdaalku waxay isku daydaa helitaanka hoy u dhow halka aad degantahay haddii ay tani suurtagal tahay. Degmooyinka qaarkood waxay diyaariyaan hoyga, waxay u ogolaadaan dhalinyarada ka weyn 18 sano inay ku sii noolaadaan degmadan. Adeega arimaha bulshada waxaa kale oo ay kuu soo bandhigi karaan hoy aad ku sii nolaato haddii ay qiimeeyaan inay jiraan sababo gaar ah dhanka arintan.

Haddii aad doorato inaad keligaa diyaarsato hoy xilliga wakhtiga aad tahay magan-gelyo doon, ma helaysid caawimaad dhanka hoyga haddii aad hesho sharciga deganaansho.

Marka aad buuxiso 18 sano ama kor loo dhigo da'daada inay ka weyntahay 18 sano waxaa isbadala qawaaniinta dhanka daryeelka caafimaadka iyo bukaanka. Dadka waaweyn ee magan-gelyo doonka ah waxay xaq u leeyihiin oo keliya daryeelka aan la sugi karin, daryeelka ummulida, daryeelka xilliga ilmo iska soo tuurida, talo-bixinta waxyaabaha lagaga hortago dhalmada, daryeelka caafimaadka hooyada iyo daryeelka ku cad sharciga ilaalinta cudurada faafa.