Dugsi

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 16/5-2023

Caruurta oo dhan xaq ayay u leeyihiin waxbarasho. Degmada ayay waajib ku tahay in boos lagaa siiyo iskoolka. Halkan waxaad ka akhrin kartaa nooca qawaaniinta jirta iyo nooca taageero ee aad heli karto si aad u awoodo inaad inaad dhigato iskoolka iswiidhishka.

Xaqa waxbarasho

Adigu waxaad xaq u leedahay dugsiga xanaanada, fasalka barbaarinta, dugsiga hoose dhexe ama dugsiga hoose- dhexe ee la habboonaysiiyay, dugsi gaar ah iyo hoyga wakhti firaaqaha.

Haddii aad tahay magangelyo-doon waxaad xaq u leedahay inaad dhigato dugsiga sare ama dugsiga sare ee la habboonaysiiyay haddii aad bilowdo waxbarashadaada ka hor inta aanad buuxin 18 jir.

Haddii aad haysato sharciga daganaanshaha waxaad xaq u ledahay inaad dhigato dugsiga sare iyo dugsiga sare ee la habboonaysiiyay ilaa iyo nus sanadeedka ugu horeeya ee sanadka aad buuxinayso 20 jir.

Waajibka iskool dhigashada

Waajibka iskool dhigashada waxay tahay in ay khasab tahay inaad dhigato iskoolka haddii aanay jirin sabab macquul ah in aanad sidaas samayn.

Haddii aad dhigato dugsiga hoose-dhexe, haysato sharciga deganaansho kana diiwaan gashantahay ama ka diiwaan gashanaan doonto degmo waxaa waajib kugu ah iskool dhigasho. Waajibka iskool dhigashada waxay bilaabantaa xilli dugsiyeedka dayrta aad buuxinayso lix sano. Waajibka iskool dhigashada badanaaba waxay socotaa toban sano. Waajibka iskool dhigashada waxay u dhigantaa xaqa waxbarasho.

La xiriir degmadaada

Degmadaada ayay waajib ku tahay inay ku siiyaan boos ah iskoolka. Haddii aad tahay magan-gelyo doon waa inaad bilowdaa dugsiga hoose-dhexe ama lagu siiyaa boos ah dugsiga sare sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah, tani waa inay dhacdaa ugu dambeyn hal bil ka dib markii aad timi Iswiidhan. Haddii aad haysato sharciga deganaansho waa inaad bilowdaa dugsiga hoose-dhexe ama lagu siiyaa boos ah dugsiga sare sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah.

Daraasadayn

Daraasadaynta dugsiga hoose-dhexe

Marka aad bilowdo dugsiga hoose-dhexe waxay shaqaalaha iskoolka u baahanyihiin inay darsaan waxa aad hore u taqaanay. Daraasadayntan waxay shaqaalaha iskoolka tix-geliyaan da'daada, aqoontaada hore iyo xaaladahaaga qof ahaan. Laba bilood gudaheed kana soo bilaabmaysa markii aad bilowday iskoolka waa in maamulaha iskoolkan go'aamiyaa sanad-dugsiyeedka iyo fasalka aad dhigan doonto. Daraasadaynta aqoontaada waxaa loo isticmaalaa si loo sii wado qorshaynta waxbarashadaada. Xilliga araasadayntan waxaa la isticmaalaa turjubaan ama macalin ku hadla afkaaga hooyo.

Daraasadaynta dugsiga sare

Dhinaca dugsiga sare waa in macalimiintu ay si joogto ah u sameeyaan qiimeynta aqoontaada. Qiimeyntan ayaa aldhig u ah sii waditaanka waxbarashadaada.

Waa wax iskeed loo doorto in la aado dugsiga sare. Dugsiga sare waxaad ka dhigan kartaa barnaamijyo qaran oo kala duduwan ama barnaamijyo hordhac ah. Barnaamijyada qaranka waxaa ku jira barnaamijyo xirfadeed iyo barnaamijyada isu diyaarinta jaamicadda.

Si aad u hesho barnaamij xirfadeed waxaa lagaa rabaa inaad haysato shahaaddo baasitaan oo ku aaddan af Iswiidhishka ama af Iswiidhish oo luqad labaad ahaan ah, af Ingiriisi, xisaab iyo shan maaddo oo dheeraad ah. Micnhii waxaa loo baahanyahay shahaaddo baasitaan ah ku aaddan isu geyn siddeed maaddo.

Si aad u awoodo inaad tegi karto barnaamijka u diyaarinta jaamicada waxaa loo aahanyahay in aad ku baastay iswiidhishka ama iswiidhishka oo luqad labaad ahaan ah, ingiriisi, xisaab iyo sagaal maado oo dheeraad ah. Waxay tahay in loo baahanyahay ku baasida isu geyn laba iyo toban maado.

Haddii u qalmin barnaamijyada qaranka waxaad wax ka baran kartaa mid ka mid ah barnaamijyada hordhaca ah. Barnaamijyada hordhaca way dabacsan yihiin markay noqoto dhinaca xawaaraha waxbarasho, baaxadda iyo nuxurka. Barnaamijyadan waa inay xitaa yihiin kuwo la waafajiyo aqoonta aad horey u haysatay iyo baahidaada.

Fasalka sii diyaarinta

Adiga ugu badnaan laba sanno ayaa lagu siin karaa waxbarashada fasalka sii diyaarinta. Hadafku in adigu aad hal ama dhowr maado ku barato fasalka sii diyaarinta waa in aad sida ugu dhakhso badan ee suurtagal ah aad diyaar ugu noqoto la socodka waxbarashada fasalada caadiga ah. Dhinaca fasalka sii diyaarinta waxaad ku baranaysaa maadooyin kala duwan isla markaana ku baranaysaa aasaaska luqada iswiidhishka.

Adigu waxbarashadaada oo dhan ma ku qaadan kartid fasalkan. Inta ay leegtahay qaybta waxbarasho ee ka dhacaysa fasalka sii diyaarinta iyo inta ay leegtahay qaybta axbarasho ee ka dhacaysa fasalka caaadiga ah ay kala duwantahay qof kastaba. Waa maamulaha iskoolkan qofka go'aaminaya sida waxbarashadan loo qorshaynayo.

Macalimiintu waa inay qiimeeyaan aqoontaada dhinaca maadooyinka kala duwan ee asalka sii diyaarinta. Marka macalimiintu qiimeeyaan in aad ka soo bixi karto hal maado oo ah dhinaca fasalka caadiga ah waa in aad ka qayb qaadataa waxbarashadan oo sidaas lagu badelaa.

Iswiidhishka oo luqad labaad ahaan ah

Dhinaca dugsiga hoose-dhexe waxaad heli kartaa waxbarashada maadada iswiidhishka ama iswiidhishka oo luqad labaad ahaan ah. Adigaaga iswiidhishku anu kuu ahayn luqadaada hooyo waxaad baran kartaa iswiidhishka oo luqad labaad ahaan ah haddii aad u baahanyahay tan. Waa maamulaha iskoolka qofka go'aaminaya haddii aad baranayso iswiidhishka oo luqad labaad ahaan ah. Adiga, wakiilkaaga caruurta ama qofka haysta mas'uuliyada waalidnimo ee gaarka ah ayaa la xiriiri kara maamulaha iskoolka haddii aad u baahantahay dhigashada iswiidhishka oo luqad labaad ahaan ah. Dhinaca dugsiga sare waxaad ku baran kartaa koorsada iswiidhishka ama iswiidhishka oo luqad labaad ahaan ah.

Qorshaha ahmiyada saacadaha

Dugsiga hoose-dhexe waxaad ku lahaan kartaa qorshaha hmiyada saacadaha. Haddii aad haysato qorshaha ahmiyada saacadaha waxay tani tahay inaad heli karto waxbarasho dheeraad ah dhinaca iswiidhishka ama iswiidhishka oo luqad labaad ahaan ah.

Si aad u heli karto wakhti dheeraad ah dhanka iswiidhishka waa in wakhti laga jaraa waxbarashada maadooyinka kale. Isu geynta wakhtiga waxbarasho isku mid ayay noqotaa, laakiin waa la qaybiyaaa wakhtiga axbarasho si wakhti dheeraad ahi u noqdo dhinaca iswiidhishka ama iswiidhishka oo luqad labaad ahaan ah. Waa maamulaha skoolka qofka go'aaminaya haddii aad helayso qorshaha ahmiyada saacadaha. Waxaad haysan kartaa qorshaha ahmiyada saacadaha ugu badaan hal sano.

Waxbarashada afka hooyo

Adigu waxaad xaq u yeelan kartaa waxbarashada afka hooyo haddii aad leedahay af ooyo oo aan ahayn iswiidhish. Dhinaca dugsiga hoose-dhexe iyo dugsiga sare waxaad xaq u leedahay waxbarashada afka hooyo haddii shuruudaha qaarkood la buuxiyo. Haddii aad oonaysid waxbarashada afka hooyo markaasi waa inaad codsataa. Adiga, wakiilkaaga caruurta, qofka haysta mas'uuliyada waalidnimo ayaa weydiin kara iskoolka sida aad samaynayso iyo nooca shuruudaha ku xiran.

Caawinta waxbarasho ee afka hooyo

Caawinta waxbarasho ee afka hooyo waxay muhiim u tahay in la awoodo in la xoojiyo aqoontaada iyo waxaad hore u taqaanay. Adigu waxaad helaysaa caawinta waxbarasho ee afka hooyo haddii aad u baahantahay. Waxaad la xiriiri kartaa macalimiintu ama aamulaha iskoolkan si loo helo warbixin dheeraad ah oo ku aabsan caawinta waxbarasho ee afka hooyo.