Sharciga dugsiga sare
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 1/12-2022
Hadda ka hor, waxaa jiray sharci ku meelgaar ah oo suurtogeliyay in carruurta Iswiidhan timaada iyadoo waalidkood aanay la socon ay helaan sharci deggenaansho si ay wax uga bartaan heerka dugsiga sare. Sharcigaas ku meel gaarka ah wuxuu istaagay 20-kii Julaay 2021.
Mar dambe suurtogal ma aha in sharci deggenaansho lagu helo in wax lagu barto heerka dugsiga sare.
Adigaaga horey u helay sharci deggenaansho oo loogu talogalay in wax lagu barto heerka dugsiga sare, waxaad codsan kartaa dheereynta sharciga deggenaanshada haddii aad wakhti dheeraad ah u baahantahay si aad u dhammaysato waxbarashadaada, ama sababtoo ah in aad doonayso inaad raadiso shaqo ka dib markaad dhammaysatay waxbarashada.
Adigaaga helay shaqo ka dib markaad soo haysatay sharci deggenaansho ee loogu talogalay in wax lagu barto heerka dugsiga sare, waxaad codsan kartaa sharci deggenaansho oo joogto ah.
Qawaaniintan waxay ku jiraan waxa lagu magacaabo sharciga deggenaanshada ee dugsiga sare.