Sharciga dugsiga sare

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 22/1-2024

Hadda ka hor, waxaa jiray sharci ku meelgaar ah oo suurtogeliyay in carruurta Iswiidhan timaada iyadoo waalidkood aanay la socon ay helaan sharci deggenaansho si ay wax uga bartaan heerka dugsiga sare. Sharcigaas ku meel gaarka ah wuxuu istaagay 20-kii Julaay 2021.

Mar dambe suurtogal ma aha in sharci deggenaansho lagu helo in wax lagu barto heerka dugsiga sare.

Adigaaga horey u haystay sharciga degganaansho ee waxbarasho heer dugsi sare ah waxaad codsan kartaa in laguu dheereeyo sharciga degganaansho si aad u raadiso shaqo ka dib markaad dhammaysato waxbarashadaas.

Adigaaga helay shaqo ka dib markaad soo haysatay sharci deggenaansho ee loogu talogalay in wax lagu barto heerka dugsiga sare, waxaad codsan kartaa sharci deggenaansho oo joogto ah. 

Qawaaniintan waxay ku jiraan waxa lagu magacaabo sharciga deggenaanshada ee dugsiga sare.