Ammaanka ilmaha
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 3 7 2018
Waa muhiim in laga fikiro ammaanka canugga. Taasi waxay yareyn kartaa in canuggaagu uu shil la kulmo. Halkan waxaad ka akhrisan kartaa sida looga hor tegi karo shilal iyo waxa aad sameyn kartid haddii uu shil dhaco.
Masawirqaade: Colourbox
-
Carruur biyo agtooda
Waa muhiim in carruurtu sida ugu dhakhsi badan ee suurta gal ah ay u bartaan dabaal.
Carruurtu waa in ay haystaan jaakadda sabbeynta marka ay biyo ag joogaan, saaranyihiin doon ama ku ciyaarayaan xeebta. Laakiin khatartu sidoo kale guriga berkadda lagu qubeysto wey ka jirtaa. Dhawr santimitir oo biyo ah ayaa ku filnaan kara. Biyo agtood carruurtaada marnaba ha uga tegin iyadoo aan isha lagu hayn, hana ka fogaannin in ka badan inta aad canugga ka qaban kartid.
Haddii aadan qabin wax jaakad sabbeyn ah waxaad badanaa ka deynsan kartaa degmada.
-
Carruur baaskiil saaran
Dhammaan kuwa gaaray 15 sano waa in ay haystaan koofiyadda madaxa dhawrta ee baaskiilka. Waa lagu ganaaxi karaa haddii aad canug ku qaadid baaskiilkaaga isagoo aan haysan koofiyadda madaxa dhawrta.
Koofiyadda madaxa dhawrta waa in ay si suga madaxa ugu fadhidaa. Wax ma dhawreyso haddii ay gadaal-gadaal ama horay-horay u fadhido.
-
Canug ku jira gaari
Swiidhan waxaa ka jira sharci dhahaya in dhammaan kuwa raacaya baabuur ay suun xirtaan, horay iyo gadaal labadaba. Carruurta ka gaaban 135 sentimitir waxaa u dheeri ah in ay isticmaalaan wax badbaado oo gaar loogu farsameeyay, badbaadiyaha canugga yar, kursiga carruurta ee gawaarida ama kursi suun leh/barkin.
-
Ammaanka canugga ee guriga
Canuggu wuxuu si fuduuli ah u baarayaa hareerihiisa isaga oo aan wacyi u lahayn dhammaan khataraha ka jira dhinacyadiisa.
Xiriirada bogagga internetka ee kale
Buugga yar ee macluumaadka ee Hey’adda macaamiisha ee Carruur ammaan ah - waaliddiin kalsooni qaba, oo loo turjumay luqado fara badan, waxaad ka akhrisan kartaa waxbadan oo ku aaddan ammaanka carruurta oo loogu tala galay canugga yar. Hey’adda badbaadada iyo diyaargareynta bulshada (MSB) Barteeda intarneedka Ammaankaaga ayaad kasii akhrisan kartaa wax badan oo ku aaddan ammaanka carruurta inta canuggu uu korayo. -
Carruur iyo intarneet
Adiga ka waalid ahaan waa ay kugu adkaan kartaa in aad dusha kala socotid waxa uu canuggaagu intarneetka ka sameynayo iyo xiriirada uu abuurayo ama ay abuureyso. Waxa intarneetka ka dhacaya waa kuwo aan khatar lahayn laakiin waxaa mararka qaar dhacda in canug lagu waxyeelleeyo ama uu qeyb ka noqdo waxyeelleyn carruur kale tusaale ahaan foorjeyn iyo caayid.
Guddiga warbaahinta ee xukuumadda ayaa soo saaray dukumiinti kugu caawinaya in aad si wanaagsan u taageertid.
-
Wadno- iyo sambabo badbaadin
Hey'adda badbaadada iyo diyaargareynta, MSB, waxaa ay soo saartay laba filin oo tilmaamamaya sida soo sameynayo wadno- iyo sambabo badbaadin.
Carruur 1 sano ka yar
Carruur 1 sano ka weyn