Dugsi
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 11 11 2020
Halkan waxaad wax ka akhrisan kartaa xagga dugsiyada Swiidhan.
-
Dugsiga xanaanada
Haddii aad shaqeyneysid ama aad waxbaraneysid wuxuu canuggaagu maalintii oo dhan dhigan karaa dugsiga xannaanada iyo barbaarinta carruurta laga billaabo hal sano jir. Taasi waa xuquuq la leeyahay. Haddii aadan shaqeyneynin ama aadan waxbaraneynin canuggu saas oo ay tahay wuxuu dhigan karaa dugsiga guud ee xannaanada iyo barbaarinta carruurta dhawr saacadood maalintiiba laga billaabo da'da 3 sano jirka.
-
Fasalka dugsiga barbaarinta
Fasalka barbaarinta waa nidaam iskool oo waajib ah. Caruurta badankoodu waxay dhigtaan fasalka barbaarinta laga bilaabo bilowga sanad dugsiyeedka ay buuxinayaan 6 sano. Waxbarashadan waa inay dar-dargeliso caruurta horumarkooda una diyaariso waxbarasho sii socota.
-
Dugsiga hoose-dhexe
Dugsiga hoose-dhexe waa waajib Swiidhan gudeheeda. Halkan carruurta oo dhan waxay dhigtaan sagaal sano. Badankoodu waxaa ay fasalka 1 billaabaan dayrta ay buuxinayaan 7 jir. Sannad dugsiyeed kasta waxaa uu ka koobanyahay laba xilli dugsiyeed, mid deyrta ah- iyo mid xilli dugsiyeed gu' ah.
-
Dugsiga hoose-dhexe ee ilmaha caqliga dhimman
Dugsiga hoose-dhexe ee carruurta caqliga dhimman waxaa loogu tala galay carruurta iyo dhallinyarada qaba jihawareerka koritaanka, 7-15 sano.
Carruurta xagga koritaanka jiha wareerka ka qaba mar walba kama soo bixi karaan dugsiga hoose-dhexe ee caadiga ah. Markaas ka dibna wuxuu canuggu beddelkiisa dhigan karaa dugsiga hoose-dhexe ee carruurta caqliga dhimman. Waa qaab dugsi oo iskiis u gooni ah oo arday walba siinaya waxbarasho hadba taagtiisa iyo baahidiisa.
-
Dugsiga sare
Dugsiga sare ee swiidhishku waa mid aan waajib ahayn. Dugsiga sare seddax sano ayuu dadka badankooda u yahay. Dad badan waxaa ay halkan si toos ah u billaabaan dugsi hoose-dhexe ka dib marka ay jiraan16 sano. Waxbarashada waa in la billaabaa ugu dambeyn sannadka la buuxinayo 20 sano.
-
Dugsi sare oo loogu tala galay kuwa caqliga dhimman
Dugsiga hoose-dhexe ee carruurta caqliga dhimman waxaa loogu tala galay dhallinyarada qaba jihawareerka koritaanka, 16-20 sano. Waxaa uu soconayaa afar sanadood. Waxaa jira barnaamijyo waddani ah iyo barnaamijyo gaar ahaaneed oo la kala dooran karo.

Masawirqaade: Colourbox