Lycksele

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 11 8 2020

Lycksele, magaalada ku taalo Lappland, waxeey boqolaal sano ahaatay bartamaha Lappland. Dhulka baadiyaha dhaw, jilaalka xogga leh, xagaaga iftiinka leh iyo wakhti la isla qaato qaali ee nolosha ka tahay.

Xaqiiqooyinka degmada

Tirada dadka

12,251

Cabirla dhulka

5,889 kiilomitir oo laba jibaaran

Masaafada u jirta magaalada waaweyn

  • Umeå 128 kiilomitir
  • Skellefteå 154 kiilomitir
  • Luleå 268 kiilomitir
Kvällsbild av Lycksele upplyst av gatubelysning med vattenspegel i förgrunden.

Masawirka: Marino Karlsson

Halkaan tayiga nolsha waa sareeya, shirkadaheena waxeey asaasasyaan jawi ganacsi si fiican uu kala soconayo. Ayadoo ee baahida loo qabo shaqaale iyo ayadoo la qabo aaminaad mustabal, waan ku sugeeynaa!

Deegaan

Xafiiska maamulaha iyo dalaalka guriyaha Lycksele waa shirkada degmada lee dahay ee Lycksele Bostäder AB (LYBO). LYBO waxeey lee dahay, hadana maamushaa ku dhawaad 1 340 guryaal oo la kireeysto. Haddii aad rabto in aad safkooda guri istaagto, hesho warbixin kale oo ku saabsan jirtaanka guriyada iyo haddi aad rabtid in aad aragto guriyaal oo hadda banaan , waxaad ka fiirin kartaa bogga degmada LYBO.

Lycksele waxeey lee dahay dhowr shirkado guri oo madaxbanaan oo kireeyo guriyaal. Marka ee ku saabsan tahay qaxootiga dalka ku cusub waxaa guri helida ku caawinaayo Xafiiska is dhexgalka.

Meego luqadood oo kala duwan ayaa looga hadlaa magaalada

Dad luuqado kala duwan ku hadlo ayaa joogo degmada Lycksele, taasi waxaa keentay in degmada ee mudo dheer laheeyd qaabilaad qaxooti. Qaar ka mid ah luuqadaha weeyn iswiidhiska markii laga saaro waa: af ingriis, af carabi, af tigrinya, af amxaari, af oromo, af soomali, afka thayland, af daari, af kriyo, afka dinka, afka lingala, afka fransiiska, afka saamiga iyo af sawaaxili.

Jaaliyado iyo ururu

Lycksele waxeey taajir ka tahay ururada ayadoo leh ku dhawaad 245 urur. Ururada waxeey sanadkii qabtaan dhowr howlo habayn, tartarmo iyo howlo. Waxeey lee dahay dhowr kaniisado, ururo diimeed oo ku yaalo Lycksele, waxaa ka mid ah kaniisada Iswiidhan, kaniisada bingisti, kaniisada faafinta, shuhuud yaho, ururka dimeed ee katologia Kristi Moders iyo ururka muslimiinta Lycksele. Uroro kale waa laanta cas ee Lycksele iyo Iskuulka-dadweeynaha Lycksele. Ururado dhamaantood waxaa ka heleysaa diiwaanka-ururada.

Maxaa ka ag dhaw

Lycksele soo bandhigeeda dukaamo iyo adeega kale waa badanyihiin. Waxaa ka mid ah dhow dukaamo- cunto, dhar, kobo, alaab guri iyo alaab elegtroni, hal dukaan ee soo galooyti, sadax dukaamo ee gacan labaad, farmashiyaha, hotelka, maqaayadaha, bankiga, dukaanka macmacaanka iyo kafeteeriyada iyo in kale oo badan.

Marknadsdag i Lycksele med ponnyridning. Ett gäng pensionärer sitter på bänkar i solen. Ett stort rött trähus finns i bakgrunden.

Masawirka: Nina Lindberg

Adeega bulshada sidii Xafiiska shaqada, Xafiiska qasnada ceeymiska, Hey'adda canshuuraha, xafiiska bulshada iyo xafiiska boostada waxeey ku wada yaalaan degmada. Sido kalena bartamaha waxaad ka heleeysaa beerta xayawaanka Lycksele, Goobta-dabaashada Ansia, maktabad, guriga-dabaasha, goobta jimicsiga, goobta xilliga firaaqada, goobta bowlingka, shaleemo, urur-waxbarasho, dugsi darawaleed iyo in kale.

Gågata med affärer och blomsterarrangemang. Flera människor är ute och går och i slutet av gatan står en midsommarstång.

Filinka ku saabsan Lycksele

Dalyeelka carruurta

Lycksele waxeey soo bandhigeeysaa xanaaneeyn-caruur afar bilood gudaheed, waxaana furnay dugsiyaal xanaano oo cusub. Waxaa ka mid ah mid furan habeenada iyo maalmaha fasaxa si maarkaas loo daboolo baahida loo qabo xanaanada caruurta. Sido kale degmada waxeey lee dahay xanaaneeyn waxbarasho (xanaanada reerka maalmeedka) iyo dugsiga xanaanada ee furan.

Dugsiga heese dhexe iyo sare

Degmada Lycksele waxaa ku taalo toban dugsi hoose, dugsi gaar ah iyo fasal luuqadeed. Dugsiga sare ee iskuulka Tannberg waxuu soo bandhigaa waxbarasho loogu tala galay dhalinyaro iyo dad waa weeyn. 16 barnaamij ee qarameed ma ahanee, waxaa tusaale ahaan jiro dugsi sare ee kubada-cagta iyo ciyaaraha barafka, dugsiga sare ee gaarka ah iyo waxbarasho dadka waa weeyn loogu tala galay. Lycksele waxaan ku lee nahay Second chance school oo ah dhameeystirka waxbarashada dugsiga sare.

Furadaha waxbarasho

Waxbarashada dadka waa weeyn ee Lycksele waxeey waxbarasho uu heeysaa dadka dhamaantooda, laga bilaaba heer dugsi hoose illa heer dugsi sare kadib, barashad iswiidhiska, waxbarashada shaqada ee dadka waa weeyn iyo Second chance school. Sido kale degmada Lycksele waxeey soo bandhigeeysaa waxbarasho waxbarasho heer jaamacadeed ah. Xarunta-waxbarashada Lycksele waxeey qabqaabisaa waxbarasho ayadoo la shaqeeyneeyso jaamacado badan. Isku celcelis, 50 arday jaamacadeed ayaa waqti buuxo ku dhigto Lycksele.

Caafimaadka

Lycksele waxeey lee dahay isbitaal-degdeg oo sii fiican uu qalabeeysan, helikobtarka-ambulaanska ee gobolka meeshan ayee taala. Si loo soo bandhigo nabad qabi, waxaa jiro daryeel prehospital ah oo si fiican uu hormarsan oo leh shaqaale ambulans oo si fiican uu waxbartay. Lycksele waxaa ku taalo labo xarun-caafimaadeed, hal uu maamulo gobolka caafimaadka: Stenbergska iyo mid madax banaan: Medicinkonsulten AB. Labada xarunta-caafimaadka waxaa laga helaa dhakhtar, kalkaalisada degmada, kaalkaalisada dhaqdhaqa jirka, kalkaalisada jimcsiga bukaanka iyo umuliso. Sido kale Stenbergska waxaa ku jiro qaabilaada-dhalinyarada iyo daryeelka ilkaha ee dad weeynaha.

Caawinaad turjubaan

Fursada caawinaada turjumaanka waxeey ka jiraan dhamaan xariirka-hey'addaha iyo degmada. Turjumaan waxaa laga heli karaa khadka-turjumaanka.

Xiriirka gaadiidka

Lycksele waxeey xariir fiican jawi kasto, ayadoo xariirkaas yahay jidadka, duulimaadka iyo tareemada. Xariir bas oo isku dhaw oo leh qeeybo kala duwan ee goblka iyo qeeybo kale ee Iswiidhan. Sido kale tareen ayaa maro Lycksele iyo Umeå. Sido kale tareen ayaa maro inta uu dhaxeeyso Lycksele iyo Umeå. Duulimaad maalin ka baxaayo Lycksele oo tagaayo Stockholm, waxuu wax badan usoo kordhinaa helida. Madaarka waxuu ku yaalaa ku dhawaad 5 kilomitir markii laga tago bartamaha Lycksele. Todobo maalmood ee isbuuca waxaad 85 daqiiqo gudaheed ku tagi kartaa , ugna imaan kartaa Stockholm/Arlanda.

Shaqo iyo ganacsi

Lycksele waa degmad shirkadaha isku dhaw-dhaw yihiin markii loo fiiriyo weeyninka magaalada ayadoo leh 900 oo shirkad. Haddii aad rabto shirkad la xariir degmada ee markaas weeydii hormariyaha ganacsiga. Shaqo dhiibaha ugu weeyn waa xafiiska degmada Lycksele, gobolka caafimaadka Västerbotten, godka macdanta ee Kristineberg, Boliden Mineral, Hotell Lappland, ICA Supermarket, Coop, Hedlunda industrier iyo Texor. Waxaan lee nahay oo kale shaqo dhiibo weeyn ee gudaha ganacsiga dalxiiska gudaha xaafadaha iyo baadiyaha.