La jirka kuwa kale ku tababaro swiidhishka

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 13 7 2018

​Si fiican oo lagu barto swiidhishka waa in lala hadlaa dad horbaba yaqaanna swiidhishka.

Ka fikir in aad taxaddir lahaatid haddii aad la kulmeysid cid aad intarneetka ku wada xiriirteen. Fadlan cid u sheeg meesha aad aadeysid, ballanta aad la leedihid saaxiibkaaga intarneetkana ka dhigo meel dadka oo dhan u dhexeysa.

Hage qaxooti ama saaxiib luqadeed

Degmooyin iyo ururo tabaruc ah oo badan waxay ka shaqeeyaan inay caawiyaan qaxoontiga dalka ku cusb iyo ajnabiga inay xiriir la sameeyaan Iswiidhishka. Magaca hawshu way kala duwanaan kartaa, waxaa lagu magacaabi karaa saaxiib luqada ah, hagaha qaxoontiga, caawiyaha qofka cusub, la taliye ama saaxiib.

Adigoo maraya hagahaaga qaxootiga ama saaxiibkaaga luqadda ayaad si degdeg ah u baran kartaa swiidhishka, xiriirra cusub oo nolol maalmeedka kuu fududeyn karana waad xir-xiraneysaa. Degmadaada ayaad u sheegeysaa in aad daneyneysid in aad heshid saaxiib luqadeed ama hage qaxooti.

Si loo helo hawlaha meesha aad ku nooshahay ka raadi bogga intarnatka ee degmadaada ama jedwalka hawlaha.

Jadwalka hawlaha - Hawlaha gudaha Iswiidhan

"Hawlaha gudaha Iswiidhan" waa jedwal kaas oo aad ka raadin kartid hawlaha kugu haboon. Waxaad tusaale ahaan ka heli kartaa ururada u dhow meesha aad degantahay ee haya hawlo ku haboon waxa aad xiisayso.

Waxaad ku qori kartaa kalmada la raadinayo ama dooran kartaa maalin ama hawlo gaar ah dhinaca arrimo gaar ah. Tusaale ahaan Isboortiga, Luqada iswiidhishka ama Dhaqanka iyo madadaalada.

Ku tababaro filim

Filimyadan waxaad ka baranaysaa kalmado iyo oraahyo caadi ah. Waad joojin kartaa oo dib ugu soo ceshan kartaa filimada haddii aad doonaysid. Waxaad heli kartaa filimkan oo qoraal leh haddii aad dhag ka siiso qoraalada hoose ee ku jira afar geeska dhinaca midigta ee gudaha filimkan.

Maktabad

Maktabad - goob lagu kulmo

Joogaa makhaayad shaah

Qaamuus qaxweysi

Tilmaamid wado

Wakhtilummiska