Loo gaystay dhibaato

Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 4 7 2019

Waa mamnuuc in la isticmaalo dagaal, hanjabaad iyo in la dhaawaco dad kale. Qofka dagaalamaa wuxuu ku xad gudbay xuquuqda bani'aadamka oo galay dembi. Maaha qaladkaaga haddii laguu geystay dhibaato. Waxaad xaq u leedahay ilaalin iyo taageero.

Waa maxay dhibaato u geysasho?

Dhibaato u geysasho waxay ahaan kartaa arrimo badan. Waxay ahaan kartaa tusaale ahaan dhinac jir ahaan, maskax ahaan, galmo ahaan, dhaqaale ahaan ama maadi ahaan.

Dhowr tusaale waa haddii qof

  • qof kale wax ku dhufto, laado ama riixo
  • ku sheego wax xun oo kugu yiraahdo inaad wax xun tahay
  • kuu hanjabo oo kugu khasbo inaad samayso wax aanad doonayn inaad samayso ama kaa hor istaago inaad samayso wax aad doonaysid
  • doonayo inuu kantaroolo waxa aad samayso, tusaale ahaan mar kastaba fariin moobilka kuugu soo dirayo oo doonayo inuu ogaado waxa aad samaynayso iyo halka aad joogto. Eego moobilkaaga, Facebook-gaaga iyo Instagram-kaaga
  • kaala hadlayo galmo. Sawiro ama filim ka duubo adigoo aan ogolayn marka aad samaynaysaan galmo. Faafiyo sawiradaada adigoo bilaa dhar ah ama in galmo lagugla sameeyo adigoo aan doonayn. Kugu qasbo arrimo galmo oo kala duwan. Kufsi.
  • u taliyo dhaqaalahaaga iyo lacagtaada. Qaato kaarkaaga bangiga iyo lambarka sirta u ah.
  • jajabiyo alaabtaada, tusaale ahaan moobilkaaga
  • ku hanjabo dhaawicida ama dilida xayawaan aad rabaysatay.

Qofkee fuliya dhibaato?

Badanaaba waa rag kuwa isticmaala dhibaato. Xitaa ragaba dhibaato way soo gaartaa, badanaaba uga timi rag aanay garanayn meel ah banaanka guriga. Tani si kale ayay u eegtahay dhanka gabdhaha iyo haweenka taas oo dhibaatadu ka dhici karto banaanka guriga iyo gudaha guriga labadaba. Wax badan oo ka mid ah dhibaatada ragu u gaysto gabdhaha iyo haweenka waxay ka dhacdaa gudaha dadka xiriirka dhow lala leeyahay. Haweenaya waxaa dhibaato gudaha guriga ugu haysta qof ay garanayso oo ay ku tiirsantahay. Qofka samaynaya dhibaatadan badanaaba waa ninka ay xiriirka leeyihiin laakiin wuxuu xitaa ahaan karaa caruur, walaal ama xubnaha kale ee qoyska. Banaanka guriga gabdhaha iyo haweenka waxaa u iman karta dhibaato ah dhanka jinsiga ama kufsi ka yimi rag aan la garanayn.

Xukumid iyo kantaroolid

Dhacdooyinka dhibaatada dagaal waxay dhacaan marka qof doonayo inuu lahaado xukumida iyo kantaroolida qof kale. Qaramada Midoobay waxay ku qortay Bayaanka joojinta dagaalka ka dhanka ah haweenka in dagaalkani ay sabab u tahay sinaan la'aanta u dhaxaysa raga iyo haweenka. Sinaan la'aantan waxay tahay in ragu kaox ahaan haystaan awooda ah inay takooraan haweenka oo u gaystaan dhibaato. Dawlada Iswiidhan waxay hadafka sinaanta u dhaxaysa raga iyo haweenka ka dhigtay in dhibta ragu u gaystaan haweenka la joojiyo.

Dhibaatada ku salaysan sharaf dhawrida iyo cadaadiska

Dagaalka ku salaysan sharafta wuxuu ku jiheysanyahay qofkii jebiya caadooyinka qoyska ama qaraabada iyo dhaqamada. Tani waxay badanaaba dhib ku keentaa gabdhaha iyo haweenka, laakiin xitaa wiilasha way soo gaari kartaa dhib.

Dhibaadada ku salaysan sharafta iyo cadaadisku wuxuu ku saabsanyahay in la xadeeyo oo kantaroolid lagu sameeyo si loo ilaaliyo sharafta qoyska ama qaraabada, tusaale ahaan:

  • gabdhaha in aan loo ogolaan casharada qaarkood dhanka iskoolka
  • gabdhuhu ay toos u tagaan guriga ka dib iskoolka
  • gabdhaha aan loo ogolaan inay doortaan saaxiibadooda
  • wiilashu ilaaliyaan gabdhaha walaaladood dhanka banaanka guriga
  • haweenka dhalinyarada ah iyo ragu aan loo ogolaan inay keligood doortaan xiriiryadooda jacayl ama xiriiryada galmo
  • dadka dhalinyarada ah lagu qasbo inay guursadaan qof qoysku u doortay iyagoo aan doonayn
  • gabdhaha iyo haweenka xaq uma laha waxbarasho ama xaqa in la shaqeeyo.

Caadada ugu muhiimsan ee la xiriirtaa sharafta waxay ku saabsantahay jinsiga gabdhaha iyo haweenka. Caadadan waa in gabadhu ay ahaato bikrad marka la guursado iyo in iyadu aanay keligeed dooran qofka ay wada noolaanayaan. Qoyska iyo qaraabada ayaa waardiyeeya oo kantaroola iyada. Dagaalka iyo cadaadisku wuxuu xitaa dhib u keeni karaa wiilasha iyo raga jebiya caqiidooyinka qaraabada. Dadka jecel inay u galmoodaan dadka ay isku jinsiga yihiin iyo dadka aan isu arag inay jinsi ka tirsanyihiin si gaar ah ayay u dhibaataysanyihiin.

Qofka jebiya caadooyinka iyo caqiidooyinka qoyska waxaa lagu ciqaabi karaa in loo hanjabo, la garaaco iyo in laga hor istaago wada-jirka qoyska iyo qaraabada. Xaaladaha meel xun gaara waxay dhibtan keeni kartaa dhimasho. Go'aanka in qof la ciqaabo si wada-jir ah ayaa loogu gaaraa qoyska ama qaraabada oo waxaa fuliya raga iyo haweenka labadaba.

Guurka khasabka ah

Waxaad xaq u leedahay inaad go'aansato haddii aad doonaysid inaad guursato iyo qofka aad doonaysid inaad guursato.In qof lagu khasbo guur iyo qofka la guursanayo waxay mamnuuc ka tahay Iswiidhan. Qofka diyaariya ama qorsheeya in qof loo guuriyo qof kale waxaa lagu ciqaabi karaa xarig xabsi. Waxaa kale oo dembi ah in la qorsheeyo safar dalka dibediisa ah si qof loogu soo guuriyo qof joga dal kale.

Iswiidhan waxaa mamnuuc ka ah in la guursado qof caruur ah. Guur noocan ah oo lagu soo galay dalka dibediisa ma aha ansax gudaha Iswiidhan. Sida ku cad Qaramada Midoobay caruur waa 0-18 sano. Waxaad xaq u leedahay inaad hesho taageero iyo gabood. Waxay noqon kartaa tusaale ahaan in lala hadlo qof si loo helo talo-bixin iyo taageero, caawimaada in furniin la sameeyo ama hoyga gaboodka ah haddii xaaladu noqoto mid deg-deg ah.

Gudniinka

Waxaad xaq u leedahay inaad u taliso jirkaaga iyo jinsigaaga. Gudniinku waa in qof jaro xubinta taranka ee gabadh ama haweenay. Iswiidhan waxaa mamnuuc ka ah gudniinka. Waxaa xitaa mamnuuc ah in lagu soo sameeyo dalka dibediisa haddii qofku deganyahay Iswiidhan.

Tusaale ah gudniinka waa marka qof jaro dhamaan ama qaybo ka mid ah kintirka iyo faruuryaha oo la isku tolo oo ay adkaato in, keento xanuun in la kaajo, marka caadada iyo in la sameeyo galmo.

Waxaad xaq u leedahay inaad hesho daryeel caafimaad iyo taageero. Waxaa kale oo suurtagal ah in la sameeyo qalniin si dhibtani u yaraato.

Galmo lagu badasho lacag

Mamnuuc kama aha Iswiidhan in galmo la iibiyo, laakiin waa dembi in la iibsado galmo ama qof kale lagu khasbo galmo lagaga badalanayo lacag.

Galmo wax kale lagu badalanayo waa haddii aad galmo samayso ama dhacdooyin galmo ah samayso oo aad hesho wax laguugu badalo. Galmo waxay tusaale ahaan noqon kartaa

  • in qof la iska tuso kamarada intarnatka
  • la eego marka qof siigaysanayo ama qof kale hortiisa lagu siigaysto
  • qof kale lala sameeyo galmo ama dhacdooyin galmo ah

Waxa la helayaa maaha khasab inay ahaato lacag. Waxay xitaa ahaan kartaa moobil, dhar, sigaar, khamri, daroogo ama in la helo meel la seexdo.

Waxaa jira sababo badan in galmo lagu badasho wax la helo. Waxay ahaan kartaa in la helo lacag ama alaab. Waxay ahaan kartaa qofka la khiyaameeyay, la khasbay ama in loo dareemay wax fiican oo qofku u arko in ay tahay xaqiijin. Sharcigu wuxuu sheegayaa in haddii galmadu aanay ahayn mid la oggolyahay ay tahay sharci daro. Waxaad xaq u leedahay taageero haddii aanad wanaag dareemayn oo doonaysid inaad iska joojisid galmo wax kale lagu badasho.

Ka ganacsiga jirka iyo ganacsiga bani'aadamka ee ujeedadu tahay galmo

Mamnuuc kama aha Iswiidhan in qofku jirkiisa iibiyo, laakiin waa dembi in la iibsado galmo ama qof kale lagu khasbo ka ganacsiga jirkooda. Haddii qof kugu qasbo inaad galmo la samayso qof kale tani waxay ahaan kartaa ka ganacsiga dadka. Ka ganacsiga bani'aadamka waa gaadiid ku qaadida dadka oo habaysan si looga faa'iidaysto qaabab kala duwan. Laga yaabee in qof kaa caawiyay inaad timaado Iswiidhan oo ka dib lagugu qasbo dhilaysi si aad u bixiso lacagta safarkaas iyo amaahda. Waxaa kale oo ay ahaan kartaa inaad ku khasbantahay iibinta jirkaaga si aad isu masruufto naftaada iyo qof kale. Ka ganacsiga bani'aadamka ee ujeedadu tahay galmo waa dembi gudaha Iswiidhan. Ka ganacsiga bani'aadamka ee ujeedooyin kale xitaa iyana waa dembi, waxay ahaan kartaa in laisku khasbo tuugnimo, tuuksi, ka ganacsiga xubnaha jirka iyo waxyaabo badan.

Waxaad xaq u leedahay taageero iyo hoy gabood ah. Waxaad heli kartaa caawimaada inaad dib ugu noqoto dalkaaga.

Caruurta iyo dhalaanka ku nool dhibaato dagaal

Caruurta waxay dhibaato ka soo gaari kartaa dagaal dhanka gudaha qoyska uga yimaada. Waxaa kale oo ay ku dhaawacmi karaan haddii ay arkaan waalid loo hanjabayo oo la garaacayo. Way badantahay in dagaalkan laga sheego wax aan macno lahayn oo ay dafiraan qofka wax garaacay iyo kan la garaacay labadaba. Laakiin caruurtu waxbay maqlaan, arkaan oo dareemaan.

Cabsida iyo wel-welka dagaalku waxay raad toos ah ku yeelataa caafimaadka caruurta. Laakiin caruurta dhib dagaal ah ku arka guriga waxa xitaa xilli dambe oo nolosha ah ku dhici kara dhibaatooyin maskax ahaan iyo jir ahaan ah. Caruur badan waxaa ku adag inay ka hadlaan waxay arkeen oo sidaas darteed dhibta dagaalku way adkaataa in la fahmo. Maaha qayr caadi in caruurtu isku dayaan inay ilaaliyaan waalidkooda oo dembiga isa saaraan.

Waa muhiim in fiiro gaar ah loo yeesho caruurta ku nool dhibaato dagaal oo ka jirta guriga. Waxay u baahan karaan taageero gaar ah iyo caawimaad.

Qofka dhalinyarada ah waxay dhibaato dagaal ahi uga iman kartaa waalidka iyo walaalaha, iyo xitaa qof ay saaxiib yihiin. Waxay ku saabsanaan kartaa kantaroolida Facebook iyo Instagram, kalmado sharaf ridid ah iyo kufsi. Dhalinyaradu waxay u fahmi karaan in tani tahay dhibaato dhanka xiriirka ah oo aanay ahayn dhibaato dagaal ah.

Kooxaha sida gaarka ah u dhibaataysan

Kooxaha taageero diciif ah ku leh bulshada waxay badanaaba si dheeraad ah ugu nugulyihiin dhibaato dagaal marka loo eego kuwa kale Qofkan sida gaarka ah u nugul badanaaba wuxuu ku tiirsanyahay qof kale. Waxaa jiri kara fikrado cuqdad ah oo kooxdan laga qabo kuwaas oo raad ku yeesha nooca caawimaad iyo nooca taageero ee qofkani ka heli karo bulshada. Koox kastaba gudaheeda waxaa ka jira kala duwanaansho. Waa suurtagal in dhowr kooxood laga tirsanaado isla mar ahaantaas.

Haweenka waayeelka ah

Cudur, hoos u dhac awooda laxaadka ah iyo kelinimo waxay haweenayda waayeelka ah ka dhigtaa mid si dheeraad ah ugu tiirsan dadka kale. Muuqasho la'aan iyo ku tiirsanaan waxay keenta inay korodho khatarta loogu jiro dhibaato dagaal.

Dhibta dagaal waxay noqon kartaa noocyo kala duwan. Haweenay waayeel ah oo badan waxaa kale oo lagu dhibaa daryeelid la'aan. Waxay ahaan kartaa in aanay helin caawimaada inay is dhaqaan ama qaataan dawooyinkooda. Kuwan isticmaalaya dhibaatada dagaal waxay ahaan karaan shaqaalaha daryeelka dadka waayeelka ama qof qaraabo ah.

Haweenka leh balwad

Dhibta dagaalku waa arin ku badan nolosha maalinlaha ah ee haweenka sida xun u isticmaala khamriga ama daroogada. Iyaga waxaa badanaaba dhib u gaysta dad badan. Waxay ahaan karaan qofka ay saaxiibka yihiin, shaqaalaha xanaanada, booliiska iyo dadka kale ee balwada leh.

Haween badan oo balwad leh waxay aragti xun ka soo arkeen kulamada ay la soo yeesheen Hey'adaha dawladeed Tani waa sababta aanay u samayn askhato dacwad haddii loo gaysto dhibaato dagaal. Iyagu waxaa kale oo ay ka cabsadaan in caruurtooda lagala wareegi karo haddii balwadani soo shaac baxdo.

Haweenka leh hoos u dhac awooda laxaadka ah

Muuqasho la'aanta, ku tiirsanaanta dad kale iyo u nuglaan dheeraad ah waxay qofka leh hoos u dhac awooda laxaadka ah ka dhigtaa mid si gaar ah ugu dhibaataysan dagaal. Nugeylkani wuxuu u eekaan karaa siyaabo kala duwan taas oo ku xiran hoos u dhaca awooda laxaadka. Haweenaydan waxaa ku adkaan karta inay is difaacdo oo ka tagto xiriirkan dhibta dagaalka ah leh. Waxaa iyada ku adkaan karta inay sharaxdo waxa dhacay iyo qof dhagaysta oo rumeysta waxa ay sheegayso. Qaar badan waxay ku noolyihiin nolol ay bulshada ka dhex baxsanyihiin.

Haweenka asal ahaan ka soo jeeda dalal kale

Haweenka ay ku adagtahay luqada, ku nool iyagoo bulshada ka dhex baxsan oo aan lahayn shabakad xiriir oo ay liidato aqoontooda ku saabsan xuquuqdooda waxay u nuglaan karaan si aad ah. Xitaa dhaqaalo xumo iyo ku tiirsanaanta qofkan u gaysanaya dhibta waxay kordhisaa khatarta dhanka u nugeylka dhibta dagaalka.

Aqoonta liidata ee ku saabsan xuquuqda waxay keeni kartaa in haweenaydan aanay raadsan caawimaad. Waxaa kale oo jirta khatarta ah in dhibaatadan dagaalka ah lagu sharaxo inay ka mid tahay dhaqanka oo aan loo arkin dhib.

Muxuu sharcigu sheegayaa?

Miyaad garanaysaa qof u dhibaataysan dagaal loo gaysto? La xiriir:

Warbixin dheeraad ah