Maxay sameeyaan hey'adaha dawladeed ee kala duwan?
Dib u cusboonaysiinti ugu dambeysay: 25 6 2019
Waxaa Iswiidhan ka jira hey'ado dawladeed oo badan. Halkan waxaa ku soo socota warbixinta ku saabsan dhowr ka mid ah oo adigu shakhsi gaar ahaaneed laga fikirayo inaad la kulmi doonto.
-
Waa maxay hey’adda laanta socdaalka?
Hey'adda laanta socdaalka baartaa codsiga dadka raba ineey soo booqdaan, ama degaan ama raba ineey gabbaad ka dhigtaan wadanka Iswiidhan ama kuwa raba in la siiyo sharciga dhalashada ee Iswiidhan.
-
Maxuu sameeyaa xafiiska shaqada?
Xafiiska Shaqadu wuxuu mas'uul ka yahay inaad si sahlan shaqo uga hesho Iswiidhan. Iyagu waxay xitaa mas'uul ka yihiin in dadka dalka ku cusub qaarkood helaan qorsheyn gaar u ah si ay u shaqo galaan ama wax u bartaan. Tani waxaa lagu magacaabaa barnaamijka qorshaynta.
-
Maxuu sameeyaa xafiiska ceymiska?
Qasnada Caymiska waxay mas'uul ka tahay qaybo badan oo ka mid ah nidaamka amaanka Iswiidhan. Qasnada Caymiska waxay gudoontaa codsiyadaada gunooyinka. Iyagu waxay go'aamiyaan haddii aad xaq u leedahay guno oo bixiyaan kaalmada iyo gunooyinka haddii aad xaq u leedahay.
Waxaa jira kaalmooyin iyo gunooyin badan oo kala duwan. Qasnada Caymisku waxay gacanta ku haysaa kaalmada kirada guriga, kaalmada caruurta, gunada barnaamijka qorshaynta iyo gunada marka aad xanuusanaysa in ka badan 14 maalmood.
-
Maxuu sameeyaa xafiiska cashuuraha?
Xafiiska canshuuraha waxuu mas'uul ka yahay canshuur celiskaada iyo kontoroollo kale si aad u bixisid canshuur sax ah. Waxeey kaloo mas'uul ka yihiin diiwaan galinta dadka iyo waxey bixiyaan warqadda caddeynta qofka. Xafiiska shaqada waxuu kaloo sameeyaa ID-ii kaarka.
-
Maxuu sameeyaa booliska?
Booliisku wuxuu baaraa lana dagaalamaa dembiga. Iyagu waxay xitaa ka shaqeeyaan si loo kordhiyo amaanka iyo in laga hortago dembiyo cusub.
-
Maxuu qabtaa xafiiska adeega bulshada?
Gudaha degmo waxaa ka jira wax lagu magacaabo adeega arimaha bulshada ama maamulka arrimaha bulshada. Iyagu way kala duwanaan karaan dhanka degmooyinka kala duwan sida la go'aamiyay inay u shaqeeyaan. Adeega arimaha bulshada wuxuu raacaa sharciga adeega arimaha bulshada kaas oo khuseeya nooca xuquuqda aad u leedahay kaalmada bulshada, daryeelka iyo xanaanada. Haddii ay ku haysato dhibaato dhaqaale oo aanad is masruufi karin keligaa waxaad codsan kartaa kaalmada dhaqaale. Dheeraad ka akhri bogga intarnatka ee degmadaada si aad u ogaato waxa ansaxa ah.
-
Maxeey sameeysaa waaxda gaadiidka?
Shaqada waaxda taraafikada waa ineey jidadka ka dhigaan kuwo la mari karo, in tareenka waqtigiisu uu ku imaanayo iyo in warbixinta gaadiidka eey tahay mid leesku haleen karo. Waxeey kaloo tahay waaxda ka mas'uulka ah imtixaanka baabuur wadida markaad leesinkaada qaadaneeysid.
-
Muxuu qabtaa maamulka gaadiidka?
Waa Gudiga Gaadiidleyda kuwa bixiya ogolaanshaha leysinka baabuurka. Dhanka hawlaha Gudiga Gaadiidleyda waxaa xitaa ka mid ah shaqada amaanka taraafikada iyo nidaaminta sharciyada taraafikada.